Axsaabta Siyaasadda oo ka hadlay hadal shalay ka soo yeedhay Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka oo shalay shirjaraa'id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay in hawsha mishiinka kala haadinaya Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland ay qaadan doono ilaa saddex bilood oo dambe, wixii xilligaa ka dambeeyana ay cayimi doonaan waqtiga doorashada Madaxtooyada oo dhawr jeer dib-u-dhac ku yimi.
Hase yeeshee, Axsaabta Mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID waxay sheegeen inay filayeen in waqti xilligan ka horeeyay ay hawsha dib-u-sixida Diiwaangelintu qaadan doono, doorashaduna ku qabsoomayso. "Hore waxa la isula qaatay lix qodob, nimankaa Khubarada ahna waatii qandaraaska lagu siiyay Server-ka intay ka soo saarayaan kala-shaadhaynta Diiwaangelinta in hawsha loo daayo. Markaa Komishanku warbixintii ay maanta (shalay) bixiyeen, waxay yidhaahdeen 'waxa laga yaabaa inay dhawr bilood qaadato', markaa laba biloodna way noqon kartaa, saddexna way noqon kartaa oo weli wax cayiman maaha," sidaa waxa yidhi Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID, ahna kusimaha Guddoomiyaha Aadam Maxamed Mire (Waqaf) oo xalayWargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtida xisbigooda ee ku saabsan dhawaaqa Komishanka. "Weli war rasmi ah annagu kama hayno," ayuu raaciyay.
Mr. Waqaf waxa uu sheegay inay filayeen in waqti xilligaa ka horeeya ay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto.
Guddoomiye kuxigeenka UCID oo la waydiiyay in marka la eego dhawaaqa Komishanka ee hawsha Serverka ee saddexda bilood, ay muddo intaa le'eg oo kale qaadan karto guud ahaan hawsha doorashadu, waxa uuku jawaabay; "Anagu hadday suurtogalayso waxaanu jecelahay inay bil gudaheed ku qabsoonto."
Aadam Maxamed Mire waxa uu sheegay inay gacan siin doonaan Guddiga Doorashooyinka, isla markaana ay xisbi ahaan aaminsan yihiin in la dedajiyo hawsha doorashada, Komishankuna isku garab wadaan hawsha Server-ka iyo diyaargarawga kale ee doorashada Madaxtooyada.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobollada Galbeedka dalka Mr. Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay in labada xisbi Mucaarad maanta kulan la yeelan doonaan Guddiga Doorashooyinka. "Xisbigu beri (maanta) buu ka shirayaa arrintaa," ayuu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay dhawaaqa Komishanka ee xilliga hawsha Server-ka. "Komishanka gelinka hore ayaanu la kulmaynaa, si ay arrintan si faahfaahsan nooga waramaan, anaguna wixii su'aalo ah ee aanu qabno aanu u waydiino, waayo waxaanu haynay xogo sidan ka duwan. Markaa waxaanu doonaynaa bal taas hore, tan imika iyo waxa is bedelay in aanu kala hadalo," ayuu raaciyay Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobollada Galbeedka Somaliland.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment