| "Waxaanu ka Digaynaa Cagajuglaynta Xukuumadda Raayale ku Hayso Saxaafadda Madaxabannaan" Baaq ay soo saareen dhalinyaro reer Hargeysa ahi Sida aynu wada ogsoonnahay wargeyska Saxansaxo, waxa uu ka mid yahay wargeysyada hormoodka ah ee dalka ka jira, una soo tabiya bulshada xogta iyo xaqiiqooyinka hadba jira, isaga oo dadweynaha u soo bandhigga warar dhexdhexaadnimo ah, waxaanna haga hawlwadeenno xirfad u leh mihnada saxaafadda, iyada oo aynu gaar ahaan wada ogsoonahay dhowaanahan cago-juglanta, cabudinta iyo aflagaadada ay ku hayso xukuumaddu saxaafadda madaxabannaan. Sida aynu ka war hayno maalmihii ugu dambeeyey in xukuumaddu saxaafadda madaxa qaarna ay xadhig la damac sanayd, qaarna aflagaado shakhsi ah u geysatay, waxa layaab noqotay in Wasiirkii Qaranka u qaabilsanaa Warfaafinta halkii uu ka dhowri lahaa xuquuqda iyo milgaha saxaafadda dawliga iyo ta madaxabannaan waxa noqotay in uu tafaxayto sidii uu u baabi'in lahaa saxaafadda. Wasiirku ma waxa rabaa inay saxaafaddu noqoto sida TV-ga iyo idaacadda UDUB, sida aynu la socono warsaxaafadeedkii ka aradnaa milgaha masuulnimo ee ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta ee uu ku dhaleecayey masuul hore u soo qabtay xilka Wasaaradda Warfaafinta, iminkana ah Guddoomiyaha Dallada Saxaafadda madaxbannaan. Hadalladaas oo meel ku dhac ku ahaa wargeyska Saxansaxo iyo masuuliyiintiisaba, waxa kale oo aynu la soconaa in Tafiftirayaasha labada wargeys ee Geeska Afrika iyo Jamhuuriya Mr. Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) iyo Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) looga yeedhay xarunta CID-da. Annagoo ah dhallinyarada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, isla markaana deggen magaalada Hargeysa inay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii ay u baabi'in lahayd ishii keli ahayd ee bulshadu xogta saxda ah ka helaan, sidaa darted bulshada Somaliland waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka war hayaan tacadiyada saxaafadda lagu hayo. Magacyada dhallinyarada Xuseen Xasan Yuusuf, Siciid Cabdillaahi Geel-jire, Abshir Askar Maxamed, Xamse Cabdillaahi Qumane, Cabdikariim Xaaxi Cabdi, Maxamed Yuusuf Siciid, Ibraahim Maxamed Yuusuf, Siciid Mowliid Aadan, Cabdiqaadir Cilmi Maxamed, Maxamed Cismaan Yamani, Siciid Xaashi Cabdillaahi, Cabdirisaaq Xuseen Cige, Maxamed Cabdi Iimaan, Cabdiqaadir Beddel Cali, Cabdi Aadan Hure. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
25 January, 2010
“Waxaanu ka Digaynaa Cagajuglaynta Xukuumadda Raayale ku Hayso Saxaafadda Madaxabannaan”
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment