25 January, 2010

‘Waxaan Shacbiga u Sheegayaa in Wax la Igala Qabto Dhac Fool Xun oo UDUB igula Kacay’

'Waxaan Shacbiga u Sheegayaa in Wax la Igala Qabto Dhac Fool Xun oo UDUB igula Kacay'

Shugri Axmed Cadar, Hargeysa.

Anigoo ah muwaadinnada magaceedu hoos ku qoran yahay waxaan ka cabanayaa dhac hantiyeed oo ah lacag xisbiga UDUB igaga maqan tan iyo bilowgii sannadkii 2002 oo qadarkeedu yahay $2,800 dollar, waqtigaas oo ahayd markii xisbiga la aasaasay ee uu guddoomiyaha ka ahaa Ismaaciil Faarax (Dadqal), waxaannu iga ammaahday lacag dayn ah oo uu xisbiga ku dhisayey.

Haseyeeshee, isaga oo aan weli lacagtaydii bixin ayaa la beddelay Ismaaciil Dadqal, waxana xilkiisii loo magacaabay Cabdillaahi Carray, dayntii aan ku lahaana waxay ku jirtay xil-wareejintii labada masuul, waxaannu maamulkii cusbaa ii ballanqaaday inuu lacagtaydii isiinayo.

Dr. Cabdi Aw Daahir oo xilligaas ahaa xoghayaha guud ee UDUB, Cumar Jaamac Faarax, Tallaabo, Aamina Cali-yare, xildhibaanno ka tirsan Guurtida iyo cuqaal tiro badanna way ogaayeen daynta aan xisbiga ku leeyahay, waxaanay dhammaantood ballanqaadeen in lacagtayda laysiiyo. Hase ahaatee, nasiib-darro markii dambe ee marxuum Cigaal geeriyooday, ayaa laygu yidhi lacagtaadii Maxamed X. Ibraahim Cigaal baa la dhintay.

Intaa kadib waxaan cabasho ula tegay Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo waqtigaas wasiir ahaa, waxaannu igu yidhi; 'Aniga ayaa ku siinaya lacagtaadii.' Laakiin Aadan Wafaq xilligii uu ii ballanqaaday isaga ayaaba sigtay intaan xisbigiiba la gaadhin. Dabadeed waxa ii xigay oo waraaqihii caddaynta daynta ee xisbigu ii qoray aan u dhiibay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, balse ayaan-darro isna iima soo jawaabin. Kadib waxaan waraaqihii ula tegay Wasiir Xasan Macallin, waxaannu si badheedh ah iigu yidhi, 'lacagtaadii Ina Cigaal baa la dhintay,' arrintaas oo noqotay mid aad iiga yaabisay oo fajac iyo amakaag igu noqotay.

Sidaa darteed, waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa in dhacaas foosha xun ee madaxda xisbiga UDUB igu sameeyeen wax laygala qabto oo xaqayga la iiga qaado.

Sidoo kale, muddadaas dheer ee aan daba meeraysanayey masuuliyiinta xukuumadda iyo madaxda UDUB waxa laygu kacay tacadiyo tiro badan oo isugu jira xadhig, hanjabaad, haddidaad, bahdilaad iyo hanti kale oo shaqsiyaad UDUB ka tirsani iga qaateen. Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa iyana igu samaysay xadgudubyo kale oo aanan mutaysan.

Hantida UDUB iga dhacay waa hanti agoomeed oo dhan $2800 doollar. Cumar Jaamac Faarax oo ka tirsan madaxda xisbigu isagu lacagtii uu gacantiisa igaga qaaday waabu dafiray, wuxuuna igu yidhi, 'lacag iguma lihid.'

Ugu dambayn, haddii cid xishoonaysa oo damiirkoodu fayow yahay UDUB ku jiraan waxaan leeyahay iska bixiya xaqa agoonta intaanu aakhiro naar idinku noqon.



Jamhuuriya Online

No comments: