Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan (Saleban-Gaal), ayaa ka digay cawaaqib xumada ay dalka ku keeni karto bedelaadda xubnaha guddiga joogtada ee Golaha Guurtida oo ay shirguddoonka xilka sii hayaa sheegeen inay bedeleen, iyadoo uu guddoomiyihii dalka dibadiisa ku maqanyahay.
Ku simaha guddoomiyaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Nuux iyo ku xigeenkiisa Md. Siciid Jaamac, ayaa salaasadii bedelay guddigii joogtada ee golahaas, iyagoo magacaabay guddi kale, waxaanay arrintaasi keentay buuq iyo muran cusub, iyadoo guddigii hore iyo xubno kale oo ka tirsan golahaasi ay shirguddoonka ku gacan saydheen go'aankooda, iyagoo sheegay inaanay xaq u lahayn inay bedelaan guddiga joogtada ah, maadaama oo uu guddoomiyihii goluhu dalka ka maqanyahay.
Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, oo isagoo jooga dalka Ingiriiska xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inaanay xubnaha shirguddoonku xaq u lahayn talaabadan ay qaadeen, maadaama oo ay yihiin ku simayaal.
Ugu horayn Md. Saleban, oo la weydiiyay sida uu u arko bedelaada guddiga joogtada ah, waxa uu yidhi, "Waxaan moodayay intii aanan dalka ka iman in waan-waan siyaasadeed aynu isla gaadhnay oo aynu dalka dejino, oo uu dadku ka baxo qaybsanaanta iyo iska soo horjeedka, doorasho xor iyo xalaal ah oo deg deg ahna la galo, dalkuna taas ayuu u baahanyahay."
Md. Saleban Maxamuud Aadan, waxa uu ka digay in guddiga joogtada ah ee ay ku simayaashiisu bedeleen dib u soo noolaynayso buuqii iyo muranadii siyaasadeed ee uu dalku dhawaan ka bogsaday, "Arrintan waxaan u arkaa in wixii aynu gaadhnay ee midho ah ay burburinayso oo ay isku dhac dambe iyo qas iyo buuq dambe oo siyaasadeed keenayso." Ayuu yidhi guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Md. Saleban, oo la weydiiyay farriinta uu odhan lahaa ku simayaashia shirguddoonka Golaha Guurtida, waxa uu yidhi, "Shirguddoonka, waxaan odhan lahaa arrintu sideedii ha ahaato. Ku sime, go'aankaas ma qaadan karo, markaas aan isugu nimaadno haddii ay dhibaato timid oo guddigii joogtada ahayd laga cabanayo dee aynu isku soo gaadho."
Bedelaadda guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa abuurtay muran iyo buuq, waxaanay dad badani u arkeen inay tahay tallaabo loogu gogol xaadhanayo in xilka laga qaado guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, oo markii u dambaysay kal hore lagu fashilmay in la bedelo.
Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
No comments:
Post a Comment