Tusaale ahaan, waxa uu khilaaf xooggan oo in badan soo jiitamayay u dhexeeyay mudanayaasha wakiillada intooda badan iyo xukuumadda oo dabada ka soo riixaysa qorshe ay kaga takhalusayso shirguddoonka aqalka wakiillada oo xisbiyada mucaaridka ahi gacanta ku hayaan, kaasoo dhicisoobay.
Golaha Guurtida oo muddo dheer gacanta ugu jiray xukuumadda Somaliland oo xil kordhisiimo sharci-darro ah oo dalka buuq geliyay meel-mariyay, ayaad mooddaa in qaar badan oo ka mid ahi ka daaleen oo quus ka joogaan siyaasadda fadhiidka ah ee Madaxweyne Rayaale, taasoo sabbatay in Guddoomiyaha Golaha Guuurtida Md. Saleebaan Aadan Maxamuud (Saleebaan-gaal) oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga UDUB iyo xubno kaloo madaxtooyada ku dhawdhawaaba in ay ka hor yimaadaan, gaashaankana u daruuraan muddo-kordhin dambe oo distoorka dalka baalmarsan oo loo sameeyo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Tallaabadan waxa si weyn uga biyo-diiday xukuumadda Somaliland iyo xubnaha Guurtida ee aan kalsoonida ka haysan degaannada ay kasoo jeedaan, kuwaasoo cabsi weyn ka qaba in ay waayaan xubinimadooda amma dib loogu soo dooran waayo kursiga ay dhaxalka ku helaan.
Dhinaca kale, haddii aynu ka eegnana xukuumadda Somaliland waxay ka cago-jiidaysa doorasho xor ah oo xalaala oo dalka ka dhacda, maadaama taageerada shacbigu u hayaan maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacayso, waxayna si aad ah isugu taxlijinysaa inay wax-ka-beddel ku samayso xeer-hoosaadka Golaha Guurtida oo dhigaya in 2/3 lagu ridi karo, laguna dooran karo shir gudoonka golaha, waxayna damacsan tahay in ay ka dhigto tiro cod dheeri oo horseedi karta in deganaansho la'aan ka dhalato wareegga Shirguddoonka Guurtida.
Waxa kale oo jirta in heshiiskii saddexda xisbi qaran wada galeen ee lagu soo afjaray khilaafkii ka taagnaa doorashada madaxtooyadu markhaati ka ahaayeen beesha caalamku ayna ku adkaan doonto in madaxweyne Rayaale ka hor yimaad, waxayna dadka siyaasadda u dhuundaloolaa sii saadaaliyeen in aan dunidu diyaar u ahayn degaansho la'aan dheeraad ah oo ku soo korodha mandaqadda, sidaa awgeedna haddiiba ay dhacdo in Madaxweyne Rayaale ka dhego-adaygo meel-marinta heshiiskaas ay suurtogal tahay in beesha caalamku ku khasabto inuu xilka ka dego oo loo aqoonsado Madaxweyne wakhtigiisu dhammaaday sidii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. Cabdillaahi Yuusuf amma xilka uu ku wareejiyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa, kol haddii xukuumadda maanta dalka ka jirtaa ku fashilantay in ay dalka ka dhacaan doorashoooyin, waxana suurtogal ah in dawladaas ku-meel-gaadhka ah uu hoggaamiye ka noqdo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu sida distoorka qaranku dhigayo.
Haddaba, si ay ugu fulaan madaxweyne Rayaale iyo wasiirradiisa madbakha amma daah-joogta ah qorshayaashooda fogi waa in ay ku beddelaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan mid iyagu ka fushan karaan danahooda gaarka ah oo u adeega oo rumayn kara baaqii wasiirka duulisa Md Cali Warancadde ee ahaa in madaxweyne Rayaale distoorka loo furo sida madaxweynaha Jabuuti si ay ugu suurtogasho inuu weligiiba ka taliyo Somaliland.
Go'aanka guddoomiye-xigeenada Guurtida Sh. Axmed Nuux ku magacaabay guddida cusub ee joogtada ah, waxay ka tarjumaysaysaa qorsha guurtida iyo xukuumaddu ku rabaan in markale dalka dib ugu celiyaan khilaafkii ka dhaxeeyay golayaasha qaranka, kaasoo salka ku haya muddo kordhin aan la shaacin oo mar kale ay kuraasta ku dheereystaan xubnaha Golaha Guurtidu, taas oo madaxweyne Rayaalena gacan ku siin karaan sidii uu ugu sii nagaado xilka madaxtinimada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, waxaanu xasuusinaynaa xubnaha Golaha Guurtida iyo xukuumadda in aan shacbiga reer Somaliland marnaba aqbali doonin khilaaf siyaasi ah oo danbe, waana inay daraadeedna u diyaargaroobaan doorasho xor oo xalaal ah oo dalka ka dhacda.
No comments:
Post a Comment