26 December, 2009

XISBIGA UDUB OO SI KADISO AH UGA BAXAY MADAL LAGU MARTI QAADAY XISBIYADA QARAN.

XISBIGA UDUB OO SI KADISO AH UGA BAXAY MADAL LAGU MARTI QAADAY XISBIYADA QARAN.

Hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa markii ugu horreysay si cad daboolka uga qaaday in telifiishanka iyo idaacadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale maamusho ay ceeb iyo dheg-xumo weyn u soo hooyeen magaca qaranka Somaliland ee ay huwan yihiin.

Abwaan Gaarriye oo ka hadlayey kulan lagu soo bandhigay natiijada cilmi-baadhis ku saabsan habka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafyada soo noqnoqda ee ka dhaca Somaliland oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu si ba'an ugu weeraray distoorka dalka oo uu ku tilmaamay shaadh nin keliya toshay, isla markaana taladii iyo awooddii qaranka oo dhan ku ururinaya gacanta qof qudha oo ah Madaxweynaha, isagoo sheegay in arrintaasina keenta khilaafyada aan xalka loo hayn iyo hababka gurracan ee cid gaar ah u adeegsato hantida qaranka ee la wada leeyahay.

Cilmi-baadhistan oo uu soo diyaariyey urur dhallinyaro waddani ah oo la yidhaa Somaliland Research Centre, waxa lagu soo bandhigay natiijada rayi-qaadis ururku ka qaaday dadweyne aad u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ku weydiiyey su'aal keliya oo ku saabsan habka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafyada siyaasiga ah ee ku soo noqnoqda Somaliland, rayi-ururintaad oo dadka ka qaybgalay intoodii ugu badnayd xal-raadinta iyo go'aan-ka-gaadhista murannada siyaasadeed ku sheegeen masuuliyad saran Maxkamadda Distooriga ah iyo hay'adaha garsoorka dalka.

Kulanka oo ururka Somaliland Research Centre ku martiqaaday madaxda saddexda xisbi qaran, Wasaaradda Daakhiliga, Maxkamadda Distooriga ah, aqoonyahanno kala duwan kala duwan, saxaafadda iyo dhallinyaro mutacallimiin ah, waxa ka qaybgalayaasha loogu soo bandhigay garaaf-xisaabeed ay ku muujisan yihiin natiijada ka soo baxday jawaabihii rayi-qaadistaas oo u qaybsan dhowr qaybood oo tiro ahaan kala sarreeya iyo talo-bixinno ka soo dhex baxay dadka ka qaybgalay su'aasha cilmi-baadhista, iyadoo markaa kadibna aqoonyahannada iyo masuuliyiinta xisbiyada ee madasha fadhiyey markafoonka hadalka lagu casuumay si ay afkaarahooda ugu darsadaan xal-u-helidda khilaafaadyada soo noqnoqda.

Haseyeeshee, masuuliyiintii ka socday xisbiga talada haya ee UDUB ee ka baxay kulanka waxa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacygelinta Mr. Maxamuud Cabdi Faarax (Ina Cabdii Malow), halka Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Ololaha Jaamac Yaasiin Faarax iyo Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) oo iyaga si rasmi ah loo martiqaaday oo ka muquurtay inay madasha ka soo xaadiraan.

Somaliland Research Centre ka sameeyeen kallinta murannada siyaasadeed ilaa haddana si cad looma garanayo sabab xubnaha UDUB shirka uga dareereen, arrintaas oo dad badani ku tilmaameen mid ka dhalatay cabsi ay masuuliyiinta xisbul-xaakimku kaga muquuranayeen masuuliyiinta mucaaradka ee madasha fadhiyey iyo mawduuca laga hadlayey oo ahaa mid xasaasi ah oo eedo badan looga jeediyo xukuumadda talada haysa.

Guddoomiyaha xarunta Somaliland Research Center Mr. Barkhad oo furitaankii kulanka hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee soo martay daraasadda ay natiijadeedii soo bandhigeen shalay, taas oo uu sheegay in dhallinyarada ururkoodu si mutadacnimo ah ugu hawlgaleen diyaarinteeda, iyagoo aan habayaraatee wax taageero ah cid kale ka helin, balse hawshaas baaxadda leh kaga soo dabbaasheen niyad iyo karti ku dhisan aqoon, waxaannu si weyn uga mahad celiyey hawlwadeennada maskaxdooda, xooggooda iyo waqtigooda qaaliga ah u huray gaadhista himiladii ururku ka lahaa tallaabadan oo uu ku sifeeyey mid ku qotonta helitaanka xalal waara oo lagaga gudbi karo mashaakilaadka ka dhasha khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqda.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo halkaa ka jeediyey hadal miisaan leh oo uu si mug leh sharraxaad ugaga bixiyey macnaha dawldnimada aan ummadda Somaliland isku waafaqsanayn, distoorka iyo eedaymo kulul oo uu u jeediyey xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo weliba fadeexadaha hadheeyey warbaahinta qaranka ee sida khaldan loo adeegsado.

"Horta khilaafaadka kalmad ayaan odhanayaa dawladnimadan casriga ah ee Madaxwaynaha leh, Baarlamaanka leh, Guurtida leh iyo Maxkamadaha inagu maynaan lahaan jirin, oo dibada iyo gaalo ayaa inoo keenay nimankii ina haystay ee Ingiriiska ayaa inoo raacato ah inoo yimid muddo ayey ina haysteen 1960-kii ayey yidhaahdeen waan idinka tagaynaa ee Baarlamaan samaysta oo dawlad dhista, nimankii fadeexadan dawladnimada ah inoo keenay markay tagayeen buugii laga eegi lahaa ayey qaateen, meel aynu kaga nidaamdo garan mayno oo tii hore waynu burburay oo dhaqankii raacatada iyo dawladnimadii loo keenay ayaa is geli waayey, waxaas oo murana ee aad arkaysaan wixii aynu qoranay ayaan lagu dhaqmayn oo waxa la marayaa wadadii kale ee qabyaalada iyo kan ayaa ka dambeeya, markaa qoraalkii ayaan la raacayn.

Distoorka yar ee aynu samaysanay Nin ayuu ku fasiran yahay isagaa Maxkamada ah, isagaa Baarlamaanka, hoos u qaadaha iyo dajiyuhu waa isaga sharcigoo dhami isaga ayuu wax siinayaa, waar Distoorkaa maku noqonaaa?

Bahalkan distoorka ah ayaa ummadii afka isku wada geliyey, haddaad aragto laba qof oo is haysta oo mur-maya waxay isku haystaan wixii u qornaa ayaan u shaqaynayn, distoorkan aad ka hadlaysaan meel walba waxa ku qoran xeerbaa qeexi doona, waxa uu qeexayana garan mayno, marka Madaxweynaha ayaa soo boodaya oo leh taa inaga ayaa xaq u leh Baarlamaankii halkuu joogaa, xisbiyadu Ninkii ay dirsanayeen ee Komishanka u joogay ayey kari waayeen.

Waar Ddstoorkaa yar ee ninka ku fasiran ma iska hagaajinayaa, waxaan leeyahay waar ka muxaafidka ahaw bari ayaad mucaarid noqon doontaa, waar ka mucaaridka ahaw-na beri ayaad muxaafid noqon doontaa ee ma iska hagaajinaa Distoorka, halkan inamadu waxay ku sheegeen inay dadweynihii ku yidhaahdeen maxkamaduhu hakala saarto. Maxkamaddu maye jeel bay ku jiraane, waar Ilaahay ka yaaba.

Ninka Maxkamada haysta Madaxweynaha ayaa qora mar-na erya, waar xeerkii maxkamadda madax banaanaysiin lahaa ma samaynaa, hanti-dhawrkii isaga ayuu u baahan yahay, xeer-ilaaliyihii guud isaga ayuu u baahan yahay, kii maxkamadu isaga ayuu u baahan yahay, Guddoomiyihii Wakiilladu iyo kii Guurtidu isaga ayey u baahan yihiin.

Anigu garan maayo waxan aad ku meeraysanaysaan ee distoorkan madax iyo mijo ma u samaynaa, imika mucaaridka waxa loo yaqaanaa nin dawladda duminaya, waxaana loo baahan yahay mucaarid iyo muxaafid oo kolba ninka dawladnimada haysta wuxuu u baahan yahay cid saxda, waar Televishanka iyo Radio-ga Rayaale ma u fiirsateen waxa ka socda."

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ah cilmi-baadhe sare oo ka tirsan Akademiyga Nabada iyo Horumarka Somaliland, ayaa isagu si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay in bulshadu gartaan awoodooda, taas oo uu ku sifeeey mid uu horseedaysa in cidda ay doortaan iyagu ku hoggaamiyaan rabitaankooda baahiyadeed iyo la xisaabtanka madaxda ay codkooda ku doortaan.

Mr. Boobe oo la hadlayey dhallinyarada, waxa uu ugu baaqay in iyagu waxqabsadaan, kana fikiraan sidii ay xooggooda iyo aqoontooda dalkooda iyo dadkooga uga faa'iidayn lahaayeen, maskaxdoodana ka saaraan in cid kale wax ka sugaan amma baddaha isku miidaamiyaan, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhallinyarada Somaliland Research Center oo diyaariyey cilmi-baadhista, arrintaas oo uu ku tilmaamay tallaabo wax-ku-ool ah ooo ku dayasho iyo dhiirrigelin weyn ka mudan guud ahaan ummadda Somaliland, waxa kaloo uu xusay in aanay daraasaddani ahayn tii ugu horreysay ee laga sameeyo xal-u-helidda khilaafyada siyaasiga ee dalka, balse ay jireen kuwo hore oo dhinacyo kala duwan diyaariyeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa si cilmiyeysan u soo bandhigay noocyada kala duwan ee khillaafyada bulshooyinka caalamka ka dhex dhaca iyo mid walba sababaha uuu ku yimaaddo.

"Horta erayga khilaafaad wax badan ayaa laga qoray oo dhinacyo badan laga eegay, waana eray daba furan khilaaf, dagaal iyo iska hor imaad, laakiin waxbaa lagu soo aruuriyey maxa la isku khilaafaa iyo noocyada khilaafaadku waa kuwee, laakiin khilaafka ugu weyn ee la isku dilaa waa qofku marka uu is waayo, cidbaa xuquuqdeedii la waayey, taa waxa ka warami doona qolyaha qurbo jooga ah.

Ta labaad ee adduunka ugu masalada badan ee la isku khilaafaa waa ayaa go'aaminaya, ayaa masiirkayga ka talinaaya, waana ka ugu khilaafaadka badan waxa ku dhinta dadka u badan, waxa kale oo uu ka dhacaa Qoyska odayga iyo islaanta, inan iyo aabihii, shirkadaha ayuu ka dhacaa.

Dhaqamada jiraa ee la isku muquuniyo, imika innaga wuu jiraa khilaafkaasi oo waxa lagu odhanayaa kaasi waa reer hebel iska daa, waa gobooyee inaga daa, waa reerkiiye inaga iska daa, markaad eraygaa maqasho sidii lagagu soo barbaariyey wax-baad xafidaynaysaa, markaa wax dabiiciya oo maanta Afrika ka jira.

Qodobka afraad waxa qiimayn oo waxa lagu mur mayaa dawladu way wanaagsan tahay oo nabadii ayey inoo haysaaye iska daaya, qolana waxay odhanaysaa dawladu way musuqmusuq badan tahay oo doorashooyin ayey qaban wayday, markaa qiimayntii ayaa meesha ka baxday oo qof weliba maskaxdiisa ayuu cabirayaa.

Arrinta ugu weyni waxay tahay marka dawlado shisheeye gacanta kula soo galaan, markaa qodobka todobaad ee ugu dambeeya waxa weeye waxan dhisan ee la isku haysto anigu maxaan ku leeyahay, haddaynu ku heshiinay dawladnimada maxaa looga baahan yahay, ileen dawlada waxa loo haystaa inay cashuurta gurto, ku garaacdo, waayo rag waa weyn ayaa sidaas u haysta dawladdu iyadaa xaq u leh, cashuurta ha qaado, haku dishee ogolow, qofkaasi isma yeel yeelayo ee sidaas ayuu u haystaa dawladnimada, mid-na waxa uu u haystaa dawladnimadda inay isaga ilaaliso oo caafimaad helo, oo waxbarasho helo oo nabadgalyo uu helo.

Khayraadkii dawladdu gacanta ku haysay sidee ayey ugu qaybisay, haddii la yidhaahdo Ina Biiixi waa Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE xisbigu wixii hanti uu leeyahay 80% ha qaato, waayo waa madax, ka kale ee xisbigana 0.01% ha qaato ee lama heshiinayo."

Waxa kale oo Muuse Biixi Cabdi tafaasiil aad u qoto dheer ka bixiyey macnaha nabadda, waxyaabaha si fudud u burburin kara iyo faa'iidooyinka horumarineed ee nabadgelyada iyo xasilloonida u leeyihiin aadamaha, isagoo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Erayga nabad waa maxay? Micnaheeda ayeynu u baahannahay in aynu garano, waayo ma qaxayno oo xabbadi ma dhacayso maanta, waa runtaas, waxaan ku odhan karaa caawa Faarax Axmed wuu seexday oo nabad buu ku seexday, haddaan su'aal ku waydiiyo waxaynu ku wada jawaabaynaa nabad baan ku seexday, haddii aad ku seexatay caawa nabad 99% inta magaalada u soo hoyatay, berito mustaqbalkoodii ma ka warwarayaan, mise kamay warwarin, haddii uu qofku meel ku kalahayo oo uu shaqo la'yahay, dee nabad kumuu seexan, illeyn cabsi ayuu qabaa gaajo iyo shaqo la'aaneede. Hadduu ka warwaraayo caafimaadkiisii caawa xannuunsanado ilmahaagu, Abu Dhabi lacag aad ku geyso mahayside xaggeed geysaa, fiisana uma haysid, xaggana meel aad geyso ma leh, ninkaasi ma nabad buu ku seexday, mise warwar.

Haddaan jaamacadda ku jiro oo aan "A" ahay, balse aan arkaayo in aanay jirin meel aan u socdaa oo aanan shaqo helayn, haddii aan shaqo helana aanan helay noloshayda ku filan oo aan reer ku dhisi karo aanay ahayn oo aan shaadh iyo surwaaltoona ka goosan karayn oo aanan hooyaday iyo aabbahay waxba uga qaban karayn oo weliba baryo shirkad aan u tago mustaqbalkaygii yahay ma nabad baan ku seexday, mise warwar ayaan qabaa? Nabadu ma nin ay xabbadi ku dhacayso uun baa? Nabadii laba ayey noqonaysaa, marka laba ciidan la kala joojiyo, midna waa wixii nabadi lahaato aynu ku nidhaahno NABAD IYO CAANO.

Guurtideenu waxay tidhaahdaa nabadda ayaanu haynaa, nabadda aan noo haysaane laba iyo labaatankii sanno ee lagu doortay nabaddii maxaad iigu tartay? Aabbahay warwar, biyo la'aan buu ku dhintay, anna halkii ayaan taagannahay, jaamacaddiina waan soo dhammeeyey, dhisbiliinkana waan ilaalinayaa, carqalad ayaan qaadayaa, dhiig-kar baa igu dhacaya, markaa nabaddu waxaan u baahannahay inay nabaddu i koriso, nabaddu inay dhibaatooyinka iga furto.

Nin Ingiriis ah ayaa qoray buug uu cinwaan uga dhigay saddex cadow gudaha ugu soo noqonay, waa faqriga, cudurka iyo aqoon la'aanta, markaa qoyska ay saddexdaasi ku soo kalahayaan ma nabad qabo, taa sababteedu waxa weeye aqoon yeelo amma ha yeellani markaad qaan-gaadho ee aad aqalkaagii ku soo hagaagi waydo ee lagu yidhaahdo caano keen. Waa maxay colaada ka weyn ee carruurtaadu u dhimanaysaa.

Ummaddu yaanay noqonin anigu haddaan xannuunsado Germany baa la ii qaadayaa, Ina Biixina hadduu xannuunsado waa madaxdii diyaarad haloola cararo, illiga Ina Biixi ummaddu noqmayso.

Markay dhallinyaryadu yidhaahdeen cilmi-baadhis ayaanu samaynay, waxaan ka doonayey inay su'aalaha ii taab-taabto, waanad ii taataaban doontaanoo oo waad ku sii socon doontaan. Faragelinta shisheeye ee aad soo qaadeen dal shisheeye farageliyoo oo khayr kala kulantay ma jiro.

Tusaale ayaan idin siinayaa, afartankii sanno ee u dambeeyey Afrika hal tiriliyam dollar mucaawano ahaa ayaa la siiyey.

Afrika lacagtaas col iyo abaar ayey ka qaaday, waxaanna diiday labada faragelintaa oo keliya khayr kala kulmay Sudan iyo Ghana, nin dibed looga taliyeyna meel muu gaadhin, laakiin maahmaah ayaa taalla meesh oo ah; 'Ninkii tashan waaya waa loo talin.'

Maanta waxaad maqlayseen Eritrea oo Djibouti ka adkaatay oo labadoodii safiir oo midna leeyahay waa nala dulmiyey oo waa nalaga gardarran yahay, midna uu leeyahay waa sax oo annagaa bakhtiga ka dhignay.

Markaa Somaliland la sugimaayee hadday tashan waydo waa loo tallin sidaa koonfur intaanay waalan iyada indhaheedu oo shan."

Ugu dambeyn, Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu hadalkiisa gundhig uga dhigay talobixin ka kooban lix qodob oo uu ku sheegay in lagaga bixi karo furdaaminta iyo xallinta khilaafaadyada ka dhaca.

"1. Marka qofka amma cid isweydo ee iyagu is doondoonaan.

2. Dagaallada oo iyaga ah 35% kaana khilaafyada ugu badan ee adduunka ka dhaca

3. Awood-ku-maquunin (waa marka cid loo awood sheegto)

4. Wax qiimeynta oo laysku maandhaafo

5. Farogelin dibedeed, weligeedna lama arag meel shisheee farogeliyey oo faa'iido ka heshay, waxana taas keena marka la tashan waayo waa khasab in laguu taliyo, markaa hadday Somaliland tashan waydo waa khasab in dibedda looga taliyo.

6. Macnaha dawladnimada oo aan laysku waafaqsanayn oo qolo aaminsan tahay sax iyo khaladba in dawladda lagu taageero iyadoo aanay is yeel-yeel ka ahayn, balse sidaa rumeysan oo aan xataa oggoleyn in maamulka la dhaliilo amma waa laga sheego si loo toosiyo."

Sidoo kale, Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), ayaa isagu masuuliyadda khilaafyadii siyaasadeed ee dalka ka dhacay u xambaariyey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Rayaale oo uu sheegay in ay diiday wax wadatashi iyo tanaasul ah oo xal u noqda arrimaha laysku hayey.

"Halkan waxa laga hadlayaa khilaafadka sida loo xaliyo, laakiin marka hore khilaafka maxaa keenay, khilaafka waxaa keenay Caddaalad-darro, khilaafka waxa keenay shuruucdii oo laga tallaabsaday, khilaafka waxa keenay shaqaduu qof waliba lahaa oo uu ka tallaabsaday, khilaafka waxa keenay madaxdii qaranka oo markay dambi galaan oo cidna aanay ku cadayn karin dambigii ay galeen, oo runtii mar walba dadaalku ka yimaaddo.

Xisbiyada mucaaradka ah oo yidhaahda ha nagubina oo dalka hala dejiyo oo kalinta dadweynaha iyo kaalinta dhalinyarada ayaa ka maqan, runtii yaan afka laga dhawrin in Ruqo ninkii lahaa afka hayaa ma kacdo ayaa la yidhi mar walba waxa khilaafka abuura cidii masuuliyadaa ummadda u dhaaratay ee xukunka haysay, Dastuurkeenu uu qeexan yahay oo muddada loo doortay waa shan sanno, shantii sanno waa ay dhammaadeen ee maxaa sharcigii loo jabiyey, cidii la xisaabtami lahayd meeday," ayuu yidhi; Afhayeenka UCID.

Mr. Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in caddaalad iyo xaqsoor la helaa ku xidhan yahay jiritaanka hannaanka dawlad-wanaagga oo uu tilmaamay inuu ku taagan yahay shan tiir oo muhiim ah, isla markaana ummad kasta u horseedi maamul ku dhisan horumar, kuwaasoo kala ah sidan:

1- Ka qaybqaadasho dawladnimada la wada leeyahay

2- Cod doorasho ummaddu ku xulato cidda ay talada u dhiibanayaan

3- La xisaabtanka maamulka

4- Sharciga oo la hoggaansamo

5- Dabagal (la xidhiidha waxyaabaha dawladda, arrimahaas oo uu xusay in lagu helayo awoodda dadweynaha ee hadda meesha ka maqan iyo horumarka shacabku tebayo ee dawladda loo xilsaaray, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diray dhallinyarada soo diyaariyey daraasaddan cilmiyeysan.

Mr. Carte oo si gaar ah ula kaftamayey Muuse Biixi Cabdi, waxa uu yidhi; "Saaxiibkay Muuse Biixi sida quruxda iyo aqoonta ku dheehan tahay ee sharraxaadda uga bixiyey xallinta khilaafaadka waxay muujinaysaa inuu yahay arday aad u wanaagsan oo ka faa'iideystay cilmiga uu k a barto Jaamacadda Hargeysa, laakiin waxaan kula talin lahaa oo aan leeyahay aqoontooda xal-u-helista khilaafyada ka bilowdo uga faa'iidee oo ka bilow gudaha xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ka tahay."

Dr. Cismaan Xuseen Khayre (Shunuu), Guddoomiyihi hore ee Maxkamadda Distooriga ah, haddana ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa si adag u difaacay dhaliilo tiro badan oo loo jeediyey garsoorka dalka, isagoo ku dooday in dhibaatada hay'adaha garsoorka haystaa tahay qabyaaladda oo ka xoog weyn ku dhaqanka iyo hirgelinta sharciga.

"Khilaafku waxa uu ka bilaami karaa sidii Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Muuse Biixi uu sheegay khilaafku marba heer buu tagan yahay. Anigu iminka kama hadlayo khilaafka, waayo Maxkamadda Sare khilaafka kuma jirto, iyadu ciddii u timaad ayey u garnaqaysaa, halkaas la isku dilayo ee la isku caayayo iyada uma bannaana in ay soo dhex gasho oo arimahooda soo dhexgasho," ayuu yidhi Cismaan Shunuu.

Waxa kale oo iyaguna kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Midowga Suxufiyiinta Somaliland (USJ) Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaannu si qoto dheer u iftiimiyeen aragtiyahooda ku wajahan xallinta khilaafaadyada siyaasiga ah iyo siyaabaha ugu fiican ee lagaga hortegi karo dhibaatooyinka ka dhasha murannada siyaasadeed, iyagoo dhinaca kalena dhammaantood si weyn ugu hambalyeeyey ururka dhallinyarada Somaliland Research Centre ee soo bandhigay cilmi-baadhistan.

Aqoonyahannada iyo masuuliyiinta hay'adaha qaranka ee kulan-bandhigeedka lagu markti qaaday oo dhinacyada ugu badan ku lugta leh khilaafaadyada, balse ay ka muquurteen xubnihii xisbiga UDUB, waxay dhammaantoood hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la helo wax heshiis lagu yahay oo furdaamiyo marka uu yimaad muran siyaasadeed amma mid ijtimaac ah ee saamaynta ku yeesha nolosha bulshada iyo deganaanshaha guud ee dalka.

Jamhuuriya

No comments: