| Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Aqbalay Dacwad KULMIYE ku Oogay Cismaan Hindi
Nuxurka qoraal xeer-ilaaliyaha guud u gudbiyey taliyaha booliska, ciidammada dambi baadhista ee CID-da iyo xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa oo uu kaga codsaday in la dhaqaajiyo dacwada kulmiye ee ka dhanka ah guddoomiyaha ololaha UDUB Hargeysa (Jam)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Mr. Xuseen Cabdi Qaalib, ayaa si rasmi ah xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE uga aqbalay in dacwad lagu soo oogo guddoomiyaha ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi). Sidaana waxa xalay Jamhuuriya u xaqiijiyey xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, isaga oo caddeeyey in qoraal uu xeer-ilaaliyaha guud 30 November 2009 soo saaray oo uu ku socodsiiyey taliyaha booliska Somaliland, ciidammadda dambi baadhista ee CID-da iyo xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa uu kaga codsaday inay baadhitaan ku sameeyaan eedaha xisbiga KULMIYE ku soo oogay Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi). Mr. Kayse Xasan Cige waxa uu sheegay in jawaabta xeer-ilaaliyaha guud ka soo baxday ay la xidhiidho dacwad Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE 25 November 2009 u gudbiyey xeer-ilaaliyaha guud oo ku saabsanayd hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Ololaha Doorashada xisbul-xaakimka Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) ee uu ku sheegay in masuuliyiinta KULMIYE xidhiidh la leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul-islaam ee ka dagaallama Soomaaliya. "Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu 30 November 2009 soo saaray qoraal uu ku socod siiyey taliyaha booliska, CID-da iyo xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa oo uu kaga codsaday in la soo baadho dacwada xisbiga KULMIYE 25 November 2009 ku soo oogay guddoomiyaha ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ee ku saabsanaynd in la soo caddeeyo eedahaha uu u jeediyey xubno ka tirsan masuuliyiinka KULMIYE ee uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisadda ah ee Al-shabaab iyo xisbul-islaam ee ka dagaalama Somaliya." Sidaa waxa yidhi; xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige. Xoghayaha oo aanu waydiinay sida ay xisbi ahaan u arkaan jawaabta xeer-ilaaliyaha guud ee qaranku ka bixiyey dacwadii ay u gubiyeen waxa uu yidhi' "horta xisbi ahaan aad baanu u soo dhawaynaynaa oo way fiican tahay inay ka soo jawaabaan dacwadayada, maadaama ay hore u jireen dacwado badan oo aanu u gudbiney oo ay ka jawaabi waayeen, hadalka Cismaan Hindi ka soo yeedhay ee uu Al-shabaab iyo argagixisada la xidhiidhiyey KULMIYE maaha mid anaga o qudha na saamaynaysa ee waa arrin qaranka oo dhan waxyeelo ku ah,maadaama maanta waan argagixisada la yidhaahdo caalamka oo dhami la dagaalamayo, in hadal noocaas ahi ka soo yeedho masuul xil haya oo uu yidhaahdo dalkayaga argagixiso ayaa joogta calaamad xun bay inagu noqonaysaa, duniduna way inaga shakiyeysaa, markaa waa wax sumcadeeda oo dhan waxyeelo ku ah." Waxa kale oo xoghayaha guud ee KULMIYE intaa ku daray "waxaanu aaminsanahay in iyada oo aan cidna lagu xadgubayn qofkasta la mariyo sharciga hadii dambi uu galay ku cadaado, waayo qofna sharciga kama sareeyo |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
03 December, 2009
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Aqbalay Dacwad KULMIYE ku Oogay Cismaan Hindi
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment