21 December, 2009

“Waxa jira Rag asxaabtayda Guantanamo Bay ahaa oo waashay & kuwo Indho-beelay, laakiin anigu…”

"Waxa jira Rag asxaabtayda Guantanamo Bay ahaa oo waashay & kuwo Indho-beelay, laakiin anigu…"

Maxamed Saleebaan Barre oo doraad la keenay Hargeysa oo uu xalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, waxa uu si qoto-dheer uga waramay duruufo adag oo uu deris la ahaa muddo sideed sannadood ah oo uu si xidhiidh ah ugu xidhnaa Xabsiga Guantanamo Bay oo Maraykanku ku xidho dadka uu u qabto tuhumo la xidhiidha wax uu ugu yeedho Argagixisada. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;

S: Maxamed, bal marka hore faahfaahin naga sii markii u horaysay ee lagu qabtay?

J: Markii la I qabtay waxay ahayd 1/11/2001, waxaana la igu qabtay magaalada Karachi ee dalka Pakistan. Waxay ahayd qabasho iska tuhun ah oo haba yaraatee aan ku salaysnayd wax lagu sheegi karo dacwad ama wax ay igu haystaan. Waxay iska ahayd uun tuhun iyo macluumaad urursi. Maraykanka markii ay ku dhacday mushkiladii wadankaas (qaraxyadii 11 September, 2001), waxay si taariikhi ku jirto ugu kala fideen oo Mukhaabaraadkooda (Sirdoonkooda) ugu kala diren Caalamka, qof kasta oo ay ka shakiyaan ama ay is yidhaahdaan macluumaad baad ka helaysaan waxay amreen in gacanta laga soo geliyo.

S: Xilligaa lagu qabtay, adigu Pakistan maxaad ka qaban jirtay?

J: Sida aad ogtahay, markii uu wadanka dagaalku ka dhacay Soomaalidu waxay ku kala firdheen Caalamka, waxaanan ka mid ahaa dadkii wadanka iskaga cararay. Xaqiiqdii meelaha Soomaalidu badankeedu u carartay waxay ahaayeen Maraykanka iyo wadamada Yurub. Maan tegi karayn waqtigaa, Pakistan-na waxay ahayd dariiq laga sii tago wadamadaas. Sidaa darteed, hawlahaas iyo arrimo kale oo ganacsi baan u joogay meesha.

S: Dabadeedna, markii Pakistan lagaa qabtay xagee lagu geeyay?

J: Markii qolyaha Pakistaaniyiinta ahi isoo xidheen, waxaan Jeelkooda ku jiray muddo afar bilood. Dabcan, siday ii sheegeen Pakistaaniyiintu xadhigu wuxuu ahaa mid ay Maraykanku amreen, waxayna yidhaahdeen 'ninkaa noo soo qabta'. Waxay igu yidhaahdeen Telefoonkaygii gurigayga yaalay ayay dad kale oo ay Telefoonkooda ku dabo jireen ayaa kula soo hadlay, dadkaasi cid kasta oo ay la hadleena waanu u yeedhnay oo waraysi baanu ka qaadnay, si aanu u ogaano xidhiidhka ka dhexeeya qoladaa aanu ku dabo jiro iyo telefoonada ay la hadleen. Markaa sidaas bay ahayd, Baakistaaniyiintuna afar bilood bay meeshaa igu hayeen, qolada Maraykankana saddex jeer baanu is aragnay oo ay waraysi iga qaadeen. Qolyaha Baakistaaniyiinta ahi markay bil kastaa dhammaato, waxay igu odhan jireen; 'arrintaani hadda way iska dhamaatay oo wax muhiim ah oo qiimo ah oo aad Maraykanka u leedahay ma jirto, Afgaanistaan gacantay ka baxday hadda oo Maraykanku way galeen; dadkay doonayeena gacantay ugu dhaceen. Markaa wax muhiim ah oo aad ugu fadhidaa ma jirto; iska samir, muddo dhawna waxaad tegi doontaa wadankaagii ama Pakistan baanu kugu sii daynaynaa. Waxa kale oo ay igu odhan jireen; 'arrintaanu waxay ku xidhan tahay maanta dawladda Islamabad (Islamabad waa Caasimada Pakistan) qaraarka ay ka qaadato, laakiin Maraykanku wax ay kaa doonayaan ma jiro.'

S: Dabadeedna, taas maxaa ku xigay? maxaa dhacay?

J: Waxa ku xigay inay qolooyin Carab ah qabteen oo ay Karachi ka soo qabteen. Waxay keeneen meeshii aan ku jiray, waxayna isla markiiba go'aansadeen in qolooyinkaa Carabta ah ay u dhiibaan Maraykanka. Xaqiiqdii, aniga nimankii masuuliyiinta ka ahaa Jeelkaasi, waxay igu yidhaahdeen; 'adigu qolooyinkan kuma jirtid, qolooyinkana (Carabtii Jeelka loogu geeyay) Maraykankaa qaadanaya, adiguna nin nasiib badan baad tahayoo Maraykanka gacanta la geli mayside wax yar iska samir qolooyinkani markay tagaan baanu ku sii daynaynaaye.' Laakiin, way bedeleen hadalkii oo maalintii ay qolooyinkaa dhiibayeen bay yidhaahdeen 'adiguna (Maxamed Saleebaan Barre) waad ku jirtaa.'

S: Maraykanka la idiin dhiibay xagguu idin geeyay?

J: Maraykanka ayay noo dhiibeen, Jeelkii bay naga soo saareen, Karachi bay Bas nagaga soo qaadeen, waxayna na geeyeen Madaar uu leeyahay Milateriga Pakistan, halkaas oo ay Diyaarad Maraykan ahi nagu sugaysay. Dabadeedna, qolyaha Maraykanku markii ay naga duuliyeen Karachi, waxay nagu dejiyeen magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan. Saddex maalmood baanu joognay, ka dibna aniga iyo afar nin oo aan ku jiro way naga sii qaadeen, waxayna la geeyeen gegida diyaaradaha ee Saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Bagram. Halkaas waxay nagu hayeen muddo ugu yaraan laba bilood ah oo xaaladu xaqiiqdii aad u adkayd, ka dibna way naga soo celiyeen, waxayna mar kale na keeneen Kandahar. Muddo aan labaatan maalmood ku qiyaasi karo ka dib ayay naga qaadeen Kandahar, waxayna 2/5/2002 noo gudbiyeen Xabsiga Guantanamo Bay.

S: Markaa imisa sannadood baad ku jirtay Xabsiga Maraykanku ku leeyahay Jasiirada Cuba ee Guantanamo Bay?

J: Ilaa markii ay Baakistaaniyiintu I qabteen ee aan Jeelka Pakistan galay ilaa maalinta aan ka soo baxayay Guantanamo Bay, waxaan filayaa inay sideed sannadood iyo laba bilood dhan tahay.

S: Intii aad Jeelka Pakistan ku jirtay sidee laguula dhaqmay?

J: Intii aan Jeelka Pakistan ku jiray, waxay Baakistaaniyiintu igu yidhaahdeen; 'nin Maraykanka u xidhan baad tahay.' Markaa wax farogelin ah oo ay Baakistaaniyiintu arrinta ku lahaayeen may jirin. Keliya waxay ahayd amar ah in aan Maraykanka ku sugo uun. Waxay igu yidhaahdeen 'Maraykanku waxba kaama rabo,' laakiin hadalkaasi wuxuu noqday been.

S: Intii aad ku jirtay Xabsiga Maraykanka ee Guantanamo Bay sidee laguula dhaqmay?

J: Maraykanku Guantanamo Bay ka hor, intii aanu Kandahar iyo Bagram joognay macaamiladoodu aad bay u xumayd Guantanamo Bay. Laakiin, Guantanamo markii loo gudbay dhibku muu dhamaamin oo jidh-dilku muu dhamaamin. Sida aad la socoto, casrigan lagu jiro jidh-dilku wuxuu isu bedelay oo jira nidaamo kala duwan oo aan la dareemaynin in lagu jidh-dilay, waxayna adeegsanayaan waxyaabo ku saabsan sida nafsiyan qofka loogu dilo…..Alxamdulilaah, anigu caqligaygu wuu wanaagsan yahay, laakiin rag fara badan oo asxaabtayda ahaa oo meesha ku jiray oo Waashay baa jira, kuwo dhintay baa jira, rag Lugaha beelay baa jira, kuwo Indho-beelay baa jira – xaqiiqdii taariikhda Guantanamo wax la dhammayn karayo maaha.

S: Maxamed; waxa jira nin kale oo aad ehel tihiin oo isna Pakistan laga qabtay oo dhawr bilood ka hor la soo daayay, markaa ninkaa ma isku mar bay idin qabteen Sirdoonka Pakistan?

J: Maya – ninkaa Soddoggayga ahi in badan buu iga dambeeyay. Gurigiisa ayaa isaga laga qabtay magaalada aan degenaa, waanu iga qabasho dambeeyay oo mar nalama wada qaban.

Xigasho: Wargeyska Ogaal


No comments: