10 December, 2009

WASIIRKA MAALIYADA OO MAANTA KULAN LA YEESHAY GUDIDA DHAQAALAHA EE GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND.

WASIIRKA MAALIYADA OO MAANTA KULAN LA YEESHAY GUDIDA DHAQAALAHA EE GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale iyo Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Wakiilada ka dib waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sharciyada cashuuraha iyo hanaanka ay u wada shaqeeyaan, inkasta oo ay jireen haddana waxyaabo badan oo ay isku waafaqeen

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa ku dhammaaday jawi wanaagsan hase yeeshee su'aalo ay Saxaafadu ka weydiisay labada dhinac shirkaasi ka dib ayay  soo baxeen waxyaabo ay isku khilaafsan yihiin.

Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, oo ka hadlay shirkaasi ka dib arrimihii ay isla soo qaadeen masuuliyiinta Wasaarada maaliyada, wuxuu yidhi "Fadhigan maanta waxa iskugu yimid Wasaarada Maaliyada oo uu horkacayo Wasiirka waaxda cusub ee maal toosinta Maaliyada iyo Anaga oo ah Guddida dhaqalaha ee Golaha Wakiilada hawlo badan  oo noo yaalay  ayaanu ka wada hadalnay waxaanan arkaynaa  jawi cusub oo aanu doonayno inaanu ku wada shaqayno wixii hore u dhacay ee khaladaad ahna iyaga laftooda la saxo, dunidu  indhaha ay inagu eegaysaana wuu is bedeli doonaa."

Xoghayaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), oo isaguna ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi "Waxaanu ka wada hadalay xeerkii Miisaaniyada tiirka koowaad ee wax toosinayaa wuxuu noqonayaa inuu sharci jiro markaa waxa maqan xeerkii Miisaaniyada. Xeerkaasi kolay Baarlamaanku wuu isku dayay inuu abuuro waxa kale oo aanu ka qeybgelinta samaynta xeerkaasi aanu ka qeyb gelinaynaa guddi dhaqaale ahaan Wasaarada maaliyada."

"Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay xisaab xidhadii 2007 iyo 2008 in iyagana si dhakhso ah Golaha Wakiilada isla markaana odoroska miisaaniyada 2010-ka inay Golaha timaado wakhtigii loogu tallo galay. Waxa kale oo ay muujiyeen wasarada iyo kooxdaasi la shaqaynaysa ee maamul toosintuba qaab cusub iyo qorshe cusub loo sameeyay miisaaniyada oo qaabkaasi oo ka duwan miisaaniyadihii aynu naqaanay,"ayuu yidhi Md. Duur, waxaanu intaasi ku daray, "Waxa kale oo aanu isla eegnay cashuuraha iyo takaaliiftu ay noqdaan qaar ku salaysan dastuurka qaranka oo ay noqdaan qaar laga wada tashaday oo Golaha Wakiiladu ansixiyay oo la isla eegay culayska ay keeni karto waxaanu isla garanay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in Arbacada fooda inagu soo haysa aanu kulan dambe iskugu soo noqono, oo aanu ambo qaadno hawlahaasi aanu ka wada hadalnay."

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo kulankaasi ka dib isaguna ka hadlay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo Guddida dhaqaaluhu wuxuu yidhi "Had iyo jeer Guddida dhaqaalaha iyo Wasaarada Maaliyadu way wada shaqeeyaan. Haddii aanay wada shaqaynin dantii ummadda ayaa halkaasi ku lumaysa. Miisaaniyadii 2010 ayaanu bilaabaynaaye waa inaanu isla eegno. Miisaaniyadihii  aynu soo dhaafnay wixii ka baaqday ama ka qaloocday inaanu iyana isla eegno weeye.

Dawladaha waaweyni xataa wali waxay ku jiraan wax toosin. Waanu isla eegnay inaanu wada shaqayno oo wax isla saxno, waxaynu nahay dalkaasi isagoo aan la ictiraafin haddana dawladnimadiisu socoto. TFG-ga  Xamar (Dawlada Shariifka) waa kuwaa intay yidhaahdeen waxaanu samaynaynaa miisaaniyad Boqol Malyuun  ah, hadana adduunkii waydiistay 80% ee garan waayay waxyar ha noqotee inay iyagu samaystaan oo ay ka bilaabaan Toban Malyana ha noqotee. Waynu ku ammaanan nahay miisaaniyadeena kobcaysa illaa 1991-kii markii dalka la xoreeyay."

Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay inay la shaqeeyaan Golaha Wakiilada waxaanu ugu baaqay inay wasaarada soo kormeeraan oo ay wax ka weydiiyaan dakhliga dalka.

"Dakhliga waa inaynu sii kordhino ayaa la inooga baahan yahay waayo dawladnimadeenu way sii balaadhanaysaa halkii hore ma taagnaanayso waxa loo baahan  yahay dawladaasi kordhaysa in dakhliga loo balaadhiyo, oo dakhligii ay ilduuftay u xusuusin lahaayeen arrimahaasi ayaanu aad isula afgaranay Guddida dhaqaalaha waxaanu ahaa kulan aanu aad xaqiiqdii mabsuud uga wada nahay,"ayuu yidhi Md. Cawil Cali Ducaale.

Intaasi ka dib waxa la weydiiyay Wasiirka Maaliyada iyo Guddida dhaqaalaha la weydiiyay su'aalo u dhacay sidan

S: 2005-tii markii la doortay Golahan Wakiilada waxaad xafiiskan aad imika ku shirteen

Ka sheegteen inaad ka wada hadasheen sidii loo wada shaqayn lahaa, kulankiinana wuxuu ku soo hagaagay xili ay Mudaneyaasha Wakiilada u hadhsan tahay muddo toban bilood ahi.markaa maxaa cusub ee is bedelaya iyadoo kulamadiinii horeba aanay waxba ka fulin?

J: Cawil: Horta aan wax idiin sheegee marnaba may kala caban Guddida dhaqaalaha iyo Golaha Wakiiladu mar walba  shirarkayagu waxay ku dhammaadaan anagoo si fiican isku afgaranay.Guddida dhaqaalaha mabsuud baanu ka nahay waxaanu rajaynaynaa doorashada soo socotana inay noo soo noqdaan oo ay ku guulaystaan.

Waayo waa Guddi aanu aad u wada shaqaynay oo tallooyin na siiya xaqiiqdii.mar mar nolasha siyaasada waa la isku jawaabaa laakiin haddana  guddi aanu kaga kalsoon nahay ma jirto.

S: Wasiir waxa jira in dhinacii Maxkamihii qofka doonaya inuu dacwad furto ama kiis furto lagu soo rogay cashuuro fara badan oo Maxkamadaha lagaga qaado, waa maxay culayskaa ummadda ka fuulay dhinaca Cadaalada ma soo ansixiseen Golaha Wakiilada?

Guddida dhaqaalahana waxaan weydiinaynaa Golahiina ayaa awood u leh inay jideeyaan cashuuraha, cashuuro badana waxa lagu jideeyay digreeto dawladeed, markaa mudadiinii oo gabaabsi ah maxaa cusub oo aad soo saaraysaan?

J:Cawil: Horta ha bilaabina Xildhibaanada wakhtigiinii gabo gabo ayuu marayaa, horta Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixin in ummada laga qaadaa khalad ayay noqonaysaa.Wasaaradu way soo jeedin kartaa cashuur oo ku meel gaadh ayay u wadi kartaa  haddii ay baahiyi meeshii timaado ka dibna Golaha ayay keenaysaa.

Mana qabo in cashuur aan Golaha Wakiilada soo marini ay jirto haddii ay jirtana waanu baadhi doonaa.

Arrinta cashuuraha dacwadaha tusaale ahaan Gurigii aad ku dhalatay ayaa lagugu qabsan karaa, marka laguu xukumo ayuu ninkii kale racfaan ka qaadanayaa xukunkii waa in ninkii  la saaraa culays damaanad ah.

Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa jawaab ka bixiyay hadalka Wasiirka, waxaanu yidhi "Horta waxaad moodaa in xaga wada shaqaynta iyo Cashuuraha Wasiirka Maaliyadu markhaati ayuu noo qabsaday, waxaanu yidhi marna xidhiidhkayagu muu xumaanin. Cashuur aanay jidaynina ma jirto. Xaga wada shaqaynta laba Haayadood oo qaran baanu nahay oo wada shaqayntu waa dastuuri dhinacna laga baryi maayo. Xidhiidhkayagu wuxuu mar gaadhay in xataa Wasaaradu ay Guddida u timaado oo ay markii dambe ku timid Ergo. Laakiin marka la isku soo xooriyo waanu kulanaa oo shaqo way noo socotaa. Laakiin intaa waxa jira waxyaabo badan oo aanu ku kala aragti nahay.Qodobada  14-aad  iyo 54-aad ee dastuurka qaranku waxay leeyihiin cashuur aanu baarlamaaku jidayn lama qaadi karo waxa jira oo aanu qabnaa cashuuro badan oo ay ta Maxkamaduhu ka mid yihiin oo aan nala soo marin." waaheen

No comments: