10 December, 2009

Wasiira -dawlayaasha fara badan ee madaxweyne Riyaale magacaabay waa qayral dastuuri:

Wasiira -dawlayaasha fara badan ee madaxweyne Riyaale magacaabay waa qayral dastuuri:

Waxaan aad ula yaabaa madaxweyne Riyaale oo aan la socono xubnaha ka tirsan ee u magacaabo xilalka kala duwan ee siyaasadeed gaar ahaana Wasiirada iyo wasiirku xigeenada iyo wasiiral dawlayaasha oo shacbigu ku sheegaan inay tiradoodu aad u badan tahay, tayadooduna ay yar tahay .

Haddaba dalka Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan oo ah ka adduunka ugu miisaaniyadda yar oo sannadkii ina soo dhaafay oo ay ugu badnayd lagu qiyaasay miisaaniyadda Somaliland 50 Malyan oo dollarka markaykan ah, waxaana jirta inay Somaliland kamid yahay dalka adduunka ugu wasiirada badan oo marka laysku daro Wasiirada, ku xigeenada iyo Wasiiral dawlayaasha ay kor u dhaafayaan 50 Wasaaradood oo badan kooda la maqlo aan la arag wax qabadkooda.

Haddaba waxaa jirta in madaxweyne Riyaale uu ku tuntay xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, islamarkaasna uu magaabay xilalka wasiiral dawlayaasha oo aan diskoorkeena ku xusnayn,.

Waxaana ayaan darro ah in Golaha Wakiilada oo iyagu ah Golaha sharci dejinta aanay ka fekerin arrintaas oo ay dhawr jeer dur duro ku anxiyeen xilal aanu jidayn distoorku oo uu kamid yihiin Wasiiral dawlayaasha oo intuu soo magacaabay madaxweyne Riyaale dabadeedna ay ansixiyeen iyadoo aan laga doodin islamarkaasna aan sharciga la waafajin.

Haddaba arrinta magacaabista xilalka siyaasadeed ee ay kamid yihiin Wasiirada iyo Wasiirku xigeenada waxaa ay kamid yihiin awoodaha uu distoorka qaranku u saamaxayo madaxweynaha waxaana laga helaa oo madaxweynaha u saamaxaya xeerarka distoorka gaar ahaana qodobka 90naad, 91naad, 92naad, 93naad, iyo 94naad.

Qodobka 94naad oo ka hadlayaa Golaha Wasiirada iyo magacaabistooda wuxuu dhigayaa isla qodobkaasi 94naad firqadiisa 2aad. "Waxaa Wasiirada iyo Wasiirku xigeenada magacaabi kara Madaxweynaha, waxaana magacaabistooda la hordhigayaa golaha wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood( Quorum) oo ku ogolaan karaan ama ku diidi kara ama diidi kara cod hal dheeri ah( simple majority) oo gacan taag ah.

Waxaa kale oo iyana awoodaha wasiirada lagu faah faahinaya isla qodobka 94naad, firqadihiisa 3aad, 4aad, 5aad, 6naad, 7aad, iyo 8aad.

Waxaana jira inaan meelna distoorka qaranka lagaga xusin Wasiir dawle, islamarkaasna madaxweynuhu aanu xaq u lahayn inuu magacaabo Wasiirul dawle aanu distuurka qaranku u bannayn. Waxaanan aad ula yaabanahay sida shacbiga iyo xubnaha Golaha Wakiiladuba ugu ilduufeen madaxweynaha oo gaar ahaana xilliga doorashada magacaaba Wasiirul dawlayaal waraabe u taaga oo ugu talo galay inuu ku helo codad fara badan, laakiin aanu marnaba ugu talogelin inay qaranka wax u qabtaan.

Sidaas aawadeed madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa inuu ilaaliyo shuruucda dalka u yaalla oo kala diro xubnahaas Wasiirul dawlayaasha ah ee hore u magacaabay oo aanay distoorka iyo shuruucda dalka u yaallla ku caddayn xilkoodu wuxuu noqonaayo.

Markaas madaxweynaha waxaa u furan si arrintaas loo saxo waxaana u furan laba arrimood oo kala ah:

  1. inuu kala diro xubnahan uu magacaabay, bulshadana ka raaligeliyo sidoo kalena aan dib loosoo magacaabin.
  2. Waxaa kale oo madaxweynaha u furan inuu Golaha Baarlamaanka usoo jeediyo in wax ka badal lagu sameeyo distoorka oo wasiirul dawlayaasha lagu diro awoodaha distoorku siiyey madaxweynaha gaar ahaana magacaabista Golaha Wasiirada( Cabinet) si loo xalaaleeyo magaabista Wasiiral dawlayaasha oo hadda ah kuwo qayral dastuuri ah ah sidoo kalena aan loo baahnayn.

Waxaanan sidoo kale ka codsanayaa Golaha Wakiilada inaanay ansixin xubnaha cusub ee dhawaan madaxweyne Riyaale soo magacaabay gaar ahaana Wasiirul dawlayaasha oo aan waafaqsanayn distoorka qaranka, sidoo kalena ay caddeeyaan in dhammaan Wasiiral dawlayaasha magacaaban loo yeedho oo loo sheego inaanay sharci ku fadhiyin loona sheego sharciga Somaliland wuxuu ka qabo arrintaas.

Ugu danbayna waxaa habboon in ama sharciga la waafajiyo oo la sharciyeeyo ama la kala diro xubnaas aan kor kusoo sheegnay ee haya xilalka aan kor sheegnay oo aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla.

Macasalaama,

Cabdi Cabdillahi Xasan,

London, UK

No comments: