14 December, 2009

WARSAXAAFADEED XISBIGA UCID: WAXAAN NIN GANACSADE AH LAGA IIBIYEY LABADA JASIIRADOOD EE DALKA U WEYNAA

WARSAXAAFADEED XISBIGA UCID: WAXAAN NIN GANACSADE AH LAGA IIBIYEY LABADA JASIIRADOOD EE DALKA U WEYNAA

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka

UCID

Justice And Welfare Party

___________________________

Waxaan warar xogogaal ah ku helnay in nin ganacsade Reer Jabuuti ah gacansaarna la leh Xukuumadda JSL in laga iibiyay laguna wareejiyay labadii ja'siiradood ee dalka ugu weynaa kana tirsana degmada Seylac oo kale ah jasiiradda Sacaadadiin iyo jasiirada Ceebaad.

Wararkaasi waxay cadeynayaan in xoolo ay leeyihiin Dad Muwaadiniin Reer Somaliland ah oo halkaas ku sugnaa, khasab ay uga soo saareen shaqaale ka socda ninkaas ganacsatada ah kuna bilaabeen calaamadeen lahaansho gaar ahaaneed oo hada gacanta lagu hayo.

Arrintaasi waxay xasilooni darro ka abuurtay deegaanadaasi ay jasiiraduhu ku yaaliin haddii ay sidaasi ku sii socotana innu isku dhac imaan karo:-

Xisbiga UCID wuxuu iftiiminayaa qodobada soo socda ummadana ku baraarujinayaa :-

Ø      Arrintani waxay inna xasuusinaysaa habdhaqanka xukuumaddan manta jirta ee u tafaxaydatay boobka iyo kutagri falka hantida maguurtada ah oo maanta marayso inay ugudbtay labadii jasiiradood ee dalka u weynaa in ay iibiso.

Ø      Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu uga digayaa kuna cambaaraynayaa xukuumada arrintaasi ka soo fushay iyo cida aqbashay waxaanu usoo jeedinaynaa in la joojiyo lagana noqdo si aanay degenaanshaha & xasiloonida deegaanadaasi faraha uga  bixin.

Ø      Dadaweynaha Reer Somaliland waxaanu ku baraarujinayaa inay ilaashadaan hantidooda maguurtada ah ee bugcad iyo guri la iibiyo inata ay dhaaftay maraysa in jasiirado la xil wareejiyo.

Ø      Cidii iibsatay, cidi fulisay ama fududaysa iibkaa taariikhda xusi doonta sharcigaana lagu abaal marin doonaa.  .

Alla Mahd Leh

Md Xasan Xuseen Maxamed Codyare

Afhyeenka Xisbiga UCID

No comments: