25 December, 2009

Waraabe Shalay Subax Ka Dhex Toosay Xaafada Isha Borama Oo Dadweynuhu Isagoo Aan Bakhtiyin Ay Haragii Kala Baxeen

Waraabe Shalay Subax Ka Dhex Toosay Xaafada Isha Borama Oo Dadweynuhu Isagoo Aan Bakhtiyin Ay Haragii Kala Baxeen

22 Dec Abaaro 5:15 subaxnimo ayaa degmada Axmed Dhagax gaar ahaan  xaafada Isha Boorama ee magaalada Hargeysa  waxa mar keliya  ay dadweynaha xaafadaasi ku tooseen  dhawaaqa iyo sawaxanka ka baxayay waraabe iyo nin is eryanayay.sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah waraabaha ayaa qoys degan meel u dhow buurta Ina Naxar waxa uu ka cunay neef Ri'ah taas oo ninkii iska lahaa ridaasi uu baastoolad ku soo eryaday waraabihii kaddibna ay isla soo galeen xaafada Isha Boorama halkaas oo dadweynihii xaafadu ku soo urureen waraabihii iyo ninkii is eryanayay, iyagoo dhagaxa la boobay waraabihii ka dibna waxa aakhirataankii xabad ku dhufta ninkii la sheegay inuu waraabuhu Ri' ka cunay.

" waxa mar keli ah laga war helay markii dhulku si fiican u iftiimay waraabe uu nin baastoolad ku eryanayay oo xaafada soo galay, waraabaha ayaa soo galay daaradii gurigeyga isagoo ay dadkii dhagax ku eryanayaan, waraabuhuna aad buu u daalanaa, mana uu ordi kareyn".sidaa waxa yidhi, Xuseen C/laahi oo ka mid ah dadka degan xaafada Isha Borama.

" waxa la sheegay in waraabahani reer buurta Ina Naxar agteeda degan inuu ka cunay Ri' kaddibna uu ninkii lahaa baastoolad ku soo eryaday sidaasina xaafada waraabihii oo ordayaa kolba dhan isku qaaday dadkuna ay dhagax la dhacayaan, aakhirkiina ninkii baa baastooladii ku dilay,dadweynihii xaafaduna waxay ku qamaameen iyadoo aanay naftuba ka bixin in hilibkii iyo haragii la kala googoosto" sidaasina waxa Haatuf u sheegay mid ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa oo magaciisa ka cudur daartay in la shaaciyo.

Dhinaca kale Maxamed Cige Kile oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha deegaanka oo Haatuf u waramay ayaa dhaleeceeyay dilka loo geystay waraabaha, isagoo dhanka kalena ka sheekeeyay faa'iidada uu waraabuhu u leeyahay deegaanka, waxanu yidhi "guruubka uu ka mid yahay waraabuhu, waxa loo yaqaanaa nadiifiyayaasha deegaanka, miyiga oo kale tusaale ahaan, waraabuhu marka uu cuno xoolaha dee ninka lihi wuu dilayaa laakiin tan magaalada oo kale marka uu soo galo waa in la iska daayaa oo aan la dilin haddii aanu waxba dhibeyn waa in la iska daayo, dhulka marka ay xooluhu ku bakhtiyaan ee ay qudhmaan waxa cuna Waraabaha, hadii aanu cuni laheyna xanuuno ayaa ka dilaaci lahaa, markaa dhinacaas buu kasoo galayaa nadiifiyayaasha".

Maaha markii ugu horeysay ee waraabe sidan oo kale waagu ugu baryo isagoo ku jira magaalada, taas oo aanu dhinacna u ordi Karin oo uu ku jaho wareero qaylada iyo sawaxanka dadka oo cabsi badan iyo anfariir ku rida waraabaha, ugu dambeyntana sidduu u xiiqsan yahay ee carruurtu dhagaxa ula dhaceyso uu sidaa ku dhinto, taas oo dadka Soomaalida ahi aaminsan yihiin in haraga iyo xubnaha kala duwan ee waraabuhu ay waxyaabo badan dawo ka yihiin taas oo dadka ku kalifta in waraabaha ay dadku weeraraan.

haatuf

No comments: