25 December, 2009

Maamulka Gobolka Togdheer oo Bandoo ku soo rogay Magaalada Burco

Maamulka Gobolka Togdheer oo Bandoo ku soo rogay Magaalada Burco

Badhasaabka Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa ka dib kulan uu la yeeshay Guddida nabadgelyada Gobolka Togdheer iyo guddiyada Xaafadaha Burco, Shir-Jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu ka soo saaray Go'aamo lagaga hadlaayay xoojinta amaanka. Waxaanu ka digay Falal ammaanka ku lid ah oo uu sheegay inay maleegayaan Gacmo cadaw ku ah jiritaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin waxa uu qodobadaas ay soo saareen bandoo ku soo rogay Magaalada Burco oo u sheegay in aan la arki karin Baabuur maraya 10:00 habeenimo, ciddii lagu qabtana sharciga la horgeyn doono. Waxaanu ka digay Baabuurta marta Jidadka aan sharciga ahayn.

Go'aankaas laga soo saaray Shirkaas, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

1-In aan la ogolaan doonin Gaadiidka mara Waddooyinka aan sharciga ahayn ee bilaa kaantaroolada ah.

2-In Guddiyada Xaafadaha Burco Ciidamada Booliska ka caawiyaan sidii amaanka ay u xoojin lahaayeen.

3-In aan socodka Baabuurta la ogolayn wixii ka danbeeya 10ka Habeenimo ,cidii lagu qabtana sharciga la horgayn-doono.

4-In la xoojiyo Ciidamada kaantaroolada jooga.

5-In ay Xaafadaha Magaalada iyo dadka ku dhaqan lagu wacyigaliyo  sidii ay Booliska ula socod-siin lahaayeen wixii ay ka shakiyaan ee wada falal amni-daro.

6-In Talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo gaadiidka mara wadooyinka aan sharciga ahayn ee bilaa kaantaroolada ah.

Qodobadan ay soo saareen guddiyada nabadgelyada iyo Maamulka gobolka Togdheer, ayaa ku beegmay waqti habeenimadii u dambeeyay ay Ciidamada Boolisku hawl-gallo ka wadeen gudaha Magaalada, kuwaas oo ay ku ugaadhsanayaan Gaadiidka habeenkii saacadaha dambe socda.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: