15 December, 2009

UDUB KHALAASTII AYAA SOCOTA , oo HADALKEEDU WAA NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHAWRO!!

 UDUB KHALAASTII AYAA SOCOTA , oo HADALKEEDU WAA NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHAWRO!!

Hadallada iska wada horimanaya ee Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee UDUB Shabakadda Wararka ee Haatuf siiyey, waxa nasiib-darro   yarka ku ah in uu ka dhaanteeyey dhaqanka soo jirenka ah ee ay Ummaddani kaga socan tahay ummadaha,  ahna in ay Da'da qofku xaddiddo qofka uu la yooyootamayo. Hoggaamiyihii ugu Muddada dheeraa URURKII
Xoreeyey Dalkan ee SNM,  Bulshada ayaan u dhiibeynaaye iyo Cismaan Hindi ma is kabo leeg yihiin? Ereyada Aflagaaddada ah ee Siilaanyo iyo Alshabaab kafadda uu ku wada saarayo, ninna Afkiisa lagama xaalsiiyo sow maaha?
 
Dilkii Tliyaha Ciidanka qaranka  ee jiidda Hore, Maamulka UDUB waxa uu ku sheegay war saxaafadeed uu Af-hayeenka Madaxtooyadu soo saarey in uu ka dambeeyey Cadowga Somaliland!! Mana uu sheegin cidda uu yahay Cadowga loo jeedo. Cismaan Hindi  haddaba, muxuu ka hadlayaa marka Taliyihii Nabadsugidda Maamulkan UDUB uu u Xidhan yahay Dilkaas in uu ka dambeeyey, Baastooladihii Argagixisada Xidhan ee dhoqoshey Muwaadiniintu ku qabatey loogu geyey jeelka , Cismaan ma u sheegi karaa Ummadda Goobtan Ciidan ee Ammaanka adag leh cidda Baastooladaha ay ku soo baxdey argagixisadu u geysay ee aan UDUB ahayn? 
 
Marka uu leeyahay ,Somaliland waa dawlad iskeed u taagan oo cid faro-gelin kartaa ma jirto, yarku miyaanu Dalka joogin!! Waar Sanaag bari ,Maamul Goboleedka Budhcad badeedda ah ee Laas-qorey xarunta ug dhigey Budhcd badeedka si godobta falalkooda loogu aaneeyo Somaliland, illeyn kharaa'idka adduunku wxy muujinayaan in Laas-qorey dhul Somaliland tahaye , Ma qura'aan ayey haddaa ka ahriyayaan maxaa dhigey dal ayan lahayn? Mise Ummadaha Bahoobey ee UDUB ayey ka mid yihiin?
 
UDUB,  Cismaan malaha fayrus-Shimbireed Siyaasadeed ayaa luminaya,e , Dastuurkii Dalka iyo shuruucdiisiiba wey laashay , waxa ay waddo waqtigan kala guurka ahina , waa muran ay dadka iskaga jeediso, baabaco -geelleynta  hantida qaranka ee la boobayo sida aan xataa bahaluhuna yeelin ee Badheedhka ah. Cismaan ma sheegi karaa lacagta $ 7.5 ee Neefka Xoolaha ah Maxjarka ay kaga qaaddo sharikadda ajnebiga ah iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Madaxtooyada uga wakiilka ah, Meesha uu Golaha Wakiilada oo Ummadda ka Wakiil ahi ,si xor ahna ay iyadu u soo dooratey ku ansixiyeen, waxaan Golaha Sharci-dejintu ansixinina ma noqon karo lacag magaca Dawladda lagu qabto,oo weliba ay sharikad ajnebi ahi iyadu gacanta ku dhigto, si aan loo ogaan waxa dhabta ah ee soo galay,wayo shrikaddu buugaagteeda ayey adeegsanaysaa!! Haddii ay arrintu ahaan lahayd lacagta la sheegey inay ku maal-gelisey hrikaddaasu Maxjarka, inay faraha la gasho iyadu maha lacag dawladda iny ku xerooto ay tahay, Waa arrin Maamul qaran oo ay Dawladdu Damaanad qaadey, waxaanay tahay in ay maamulka Dalka kala xidhiidho, si laysla oogyhay oo lagu wada qancana loo sugo khrashka sharikaddaasu gelisey dhab ahaan maxjrka, sida Adduunweynha lagaga dhaqmana , dawladdu lacagta ku soo xerooneysa ay hadba inta ka go'i karta  u goyso,ixii ka sugnaada kharashk la sheegayo!!

Masaajid ma galo nin aan dambi dhaaf iyo ajar u jeedin, Wasiirrada sharkaddan dhexbooaya iyo awooddii aan Dastoorka Waafaqsaneyn ee Maamulka UDUB ugula gurguurtey monopoliyeynta dhoofka xoolaha Sharikaddan Carabka iyo Shidaalka istaraatejiga ah ee qaranka iyana waa Ummadaha Bahoobeyda UDUB ee dhinca Galbeedka, Xildhibaanka Federaalka ee Laas-caanood iska yimid Fiiso la'aantu isna waa ka mid Ummadaha UDUB ee Bahoobey!! Dalkani in aanu yeelan lacag mid ah oo Gobollada ka wada socota ee Saylac iyo Boorama Birta Xabashigu ka socoto, Hargeysa iyo Saaxil ,Shilinka Somalilnd ka socdo, Togdheer ,sanaag iyo Soolna Giimbartu sow siyasad l dgaallanka dhaqaale uu Dalkani yeesho oo UDUB maaha ? Miisaaniyadda qaranku inty Udub talada Dalka qabatey waa dakhli iyo khrash isku sar-go'an xabbad Asparo ahi aan Bulshada iyo Dalka horumarintiisa shilin ugu jirin, miisaniydda uu soo saaro shicibka Dalku, sanqadheedana aanu dib u maqal, Cismaan isaga oo og in wxan uu sheegayo ee al-shabaab iyo qaraxyada dalka ka dhacayba ay la kowsadeen Maamulkan tallada dalka haya maanta,  UDUB iyo Dayaxa Kulmiye islama doonan ee ficilkeedu in uu yahay ka ummadda barey sababtiisna ay uga diga  rogatey intii bdneyd Bulshada, muu Geeddig qalloocan ee talo-xumda uu ugu guurey, guul-darridiisa muuqata uu ugula kufayaa odyaal aanu la maqaam iyo Waayo aragnimo midna ahayn?
 
Ummadda Somaliland waa dad reer-magaalnimo iyo Xadaaradba leh, ilaa lixdnkii tariikh u duubn oo anay cidnaba wareysaneyn leh. Iyaga ayaa ah maanta caddaladda dhabta ah ee Maxay la gariireysaa UDUB ee ay u sugi la'dhay, go'aanka Bulshada oo kaadh-Cas u taagi doonta cidda ay u garanweydo Hoggaanka Dalka, kagana saari doonta trtanka axsaabtu ugu jirto Hoggaanka Dalka , Golayaasha deegaannada iyo Goleyeyaasha sharci-Dejineedba!!?
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed

No comments: