10 December, 2009

Maxaa Loogu Muransan Yahay Inay Dalka Doorashooyin Ka Dhacayaan Iyo In Aanay Ka Dhacayn?

Maxaa Loogu Muransan Yahay Inay Dalka Doorashooyin Ka Dhacayaan Iyo In Aanay Ka Dhacayn?


Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh


Nin kasta, ama muwaadin kasta oo reer Somaliland ah, Lana socdda xaaladda siyaasadeed ee dalku maanta marayo iyo wixii lasoo maray afarbilood ku dhawaad ka hor waxa uu isweydiinayaa xagee loo socdaa, maxaa iman doona? Doorasho ma dhacaysaa, mise ma dhacayso, yaa guulaysan doona haddii doorashooyin dalka ka dhacaan, yaase laga guulaysan doonaa iwm.Sidoo kale markaad eegto hadalada ay isweydaarsanayaan xisbiyada mucaaradka, xukuumadda iyo xisbiga UDUB, waxay dad badani dareemayaan inuu jiro olole loogu jiro doorashooyin dalka ka dhici doona wakhti aan la ogeyn iyo mid kale oo muujinaya in aanay dhacayn doorashooyin.


dhinac kale markaad eegtana waxaad ogaanaysaa in dawladda Somaliland ee laga sugayo inay u diyaargarawdo doorashooyin dalka ka dhaca, isla markaana loo baahnaa inay shacbiga u sheegto dedaalka ay ugu jirto siddii doorashooyin u qabsoomi lahaayeen ayaa uun u dhaqaaqday siddii ay dhaqaale badan iyo cashuuro badan uga urusan lahayd  shacbiga, culays dhaqaale oo ay ku waayi karaan hantida baddan  oo looga qaatay magaca cashuurahaasina sii xoojiso fakhrigooda, taasina ay keento inay ay gacmaha hoos dhigtaan xisbiga UDUB iyo xukuumadda laguna sanduleeyo inay coddkooda siiyaan xisbul xaakimka UDUB oo aanay dawladdiisu haddal haynin arimaha doorashooyinku halkay marayaan iyo inay dadka u sheegtyo wakhtiga ugu habboon ee ay qabanayso doorashooyinkaasi.

Dhica xisbiyada mucaaradka markaad eegto waxaad ogaanaysaa inay wadaan dedaal siyaasadeed oo u horseedi karaya guulo ay kasoo hooyaan doorashooyinka madaxtooyada dalka ee aan wakhiga loo cayimin, waxayna niyadda ku dhistaan heshiiskii lixda qodob ahaa ee beesha caalamku ku soo afjareen khilaafkii dhinaca siyaasadda ee dalkka gilgilay afarbilood ku dhawaad ka hor.

Marka la isbarbar dhigo labadaa arrimood iyo barafka saaran siyaasadda Somaliland wakhtigan, ayaanay ilaa imika ciddi ogeyn goorta barafkaasi dhalaali doono ama biyo noqon doono, siyaasadda Somaliland ay ku kala baxayaan xisbiyada mucaaradka ah, xukuumadda iyo xisbiga UDUB.


arrimaha taagan wakhtigan ayaa siddoo kale waxa ka abuurmay sheekooyin kale oo siyaasiyiinta iyo taagerayaasha xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa dawladdu ku sheekaystaan hadd iyo jeer. Tusaale ahaan gobolka Awdal oo baddi laga taageero  xukuumadda Rayaale ayaa siyaasiyiintooda laga maqalaa hadallo aan dhiirrigelinayn inay doorashooyinka la sugayaayi ahayn wax jira, balse ay mucaaradku isku maaweelinayaan. Sidoo kale ayaa dhawaan dhallinyaro kasoo digo rogatay xisbiga UDUB kuna soo biirtay xisbiga Kulmiye warbaahinta u sheegeen in xisbiga UDUB ku wargeliyey in aanay doorashooyin dalka ka dhacayn. Sidoo kale ayaa hab dhaqanka xukuumadda  waxa ka muuqda inay is illawsiinayso abaabulka iyo u diyaargarwga doorashooyin dalka ka dhaca, hab dhaqankeedaasi oo marka xisbiyada mucaaradku soo hadalqaadaan wasiirka warfaafinta iyo Cismaan Hindi amar lagu siiyaa inay caayaan Xisbiyada Mucaaradka. Inkastoo Komishanka afka gaaban ee doorashooyinka Somaliland looga baahnaa inuu shacbiga, xisbiyada iyo dawladdaba u sheego xaqiiqda jirta, waxa uu isna miciin mooday  afka ka xidho dhinacyada siyaasadda isku haya, isla markaana aanu waxba ka sheegin tallaabbooyinka dalka kusii dhaweyn karaya  wakhtiga doorashooyinka ama  sii fogeyn karaya.

Inkastoo xisbiyada mucaaradka ah iyo dawladdaba lagu wargeliyey in aanay faragelin hawlaha Komishanka cusub, balse dhinaca kale ayaa Komishanka looga baahnaa furfurnaan iyo firfircooni  intan ka badan, loona baahnayn inay aqal hoosta iskaga xidhaan, ummadduna sugto.

Marka la isku daro arimahaa aan kor kusoo sheegnay, waxa soo badanaya dhawaaqyada taageeraya in aan doorasho dalka ka dhacayn, isla markaana aan wakhti dhaw laga sugayn Komishanku inay cayimaan wakhtiga doorashooyinku dhici doonaan, haatana aanay jirin cidd ku maqan arrimaha doorashooyinka marka laga reebo tababarro cilmiga doorashooyinka Adis-ababa loogu soo akhriyayo Baarlamaanka iyo xisbiyada qaraanka.


Sidda la ogyahay ajnebiga lagu xidhay masiirka doorashooyinka Somaliland fasaxbay  galeen oo waa ciiddoodii, lagana yaabo in fasaxoodaasi qaato bilo, wiigag iyo maalmo, ayna suurtagal tahay inay dib usii riixaan imaatinkooda  khubarada Serverka diiwaangelinta, inkastoo wakiillo ka socda dalalkii shaqada ku lahaa doorashooyinka Somaliland ay qaarkoodba dhawaanta soo gaadheen dalka, haddana ka noqdeen. waxa taa ku xigta ma jiraan ama lama magacaabin xafiisyaddii doorashooyinka laga dhaqaajin lahaa ee gobolada dalka, wakiiladii komishanka, dhaqaaalihii loogu talo galay ee la midka ahaa dhaqaalihii lagu eedeeyey inay komishankii hore la baxsadeen, balse aan looga daba tegin, sansaanta ka muuqata dawladda iyo xisbiga UDUB,


 Xasiloonidarada Ceelberdaale, aamuska xukuumadda iyo komishanka cusub ee dhinaca doorashooyinka iyo arrimo kale oo soo bixi doonaaba waxay keeneen in maanta la isweydiiyo doorashooyin ma dhacayaan mise ma dhacayaan, lana rumaysan waayo dhawrkii jeer ee xukuumaddu iyo xisbiga UDUB ku sheegeen inay doorashooyin dhacayaan oo lagu daro hadallo dhawaanta kasoo yeedhay xisbiyada mucaaradka kuna sheegeen inaysan dawladdu diyaar u ahayn doorashooyin dalka ka dhacaaba shaki gelinayaan mustaqbalka dalka, oo ay runta u dhawyihiin siyaasiyiinta kasoo jeedda xisbiga UDUB iyo taagerayashooda la yaabban ololaha siyaasadeed ee xisbiyada mucaaradku ka wadaan meelo kala duwan, una arkaan "Quud aan jirin qoryo u guro", garoon cidlo ahna ku daalayaan, balse ma foga wakhtiga ay soo bixi doonaan siyaasiyiinta iyo taageerayaasha runta ka sheegay in doorashooyin dalka ka dhici doonaan iyo in aanay ka dhacayn.




No comments: