13 December, 2009

Madal Ilyartu Is Qabsatay Oo Reer Birmingham Ku soo Dhaweeyeen Guddoomiyaha Guurtida Saleeban Nuur

Madal Ilyartu Is Qabsatay Oo Reer Birmingham Ku soo Dhaweeyeen Guddoomiyaha Guurtida Saleeban Nuur


Jaaliyadda Somaliland ee gobolka galbeedka midland gaar ahaana magaalada Birmingham oo ah magaalo madaxda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska ayaa madal ilyartu is qabsatay waxay ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Nuur) iyo xubno siyaasiyiin hal door ah oo wehelinaysay oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyahii hore ee koomiishanka doorashooyinka qarranka Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ee ka soo baxay gobolka Hargeysa.

Kulankani oo ka mid ahaa kii ugu balaadhan ee jaaliyad dibadeed ay ku martiqaadaan siyaasi reer Somaliland ah ayaa wuxuu gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland uu ka jeediyey madashaasi hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaayey oo uu kaga hadlay dhinac kasta oo ah xaaladda siyaasadeed ee somaliland, ta arrimaha gudaha, ta arrimaha dibadda, doorashooyinka xaaladda mandaqadda geeska afrika iyo weliba arrimaha u gaarka ah golaha uu gadh hayeenka u yahay ee guurtida.

Guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan oo ugu horayn u mahad celinaya jaaliyadda Somaliland ee magaalada Birmingham oo shirkani iyagu soo qaban qaabiyey ayaa wuxuu yidhi "runtii aad ayey ii taabanaysa oo qalbigayga ayey taabanaysa oo si weyn oo aan la koobi karin ayuu dareenkaygu u kacsanyahay waxaanan dareemaya farxad weyn sidaad walaalayaal isoo martiqaadeen, dee kollay markii hore waan iman jiray Birmingham balse doorkani maanta ah waxaad mooda in dareen gaar ah la ii hayo, kollayna dee intii aan odhan lahaa la yidhiba markay noqoto ka warqabka xaaladda dalkiina dee cid idiinka xogogaalsani ma jirto oo wallaahi kuwiina qurbaha jooga ayaa nooga xogogaalsan oo inta ay telefoon igula soo hadlaan ayey iiga waramaan waxaa ka dhacaya burco iyo berbera oo aanan anigaygaasi ogayn, dee markaa waxaa la iga sugaya maaha warbixin iyo war doon eh waa calooshayda waxaa ku jira in la ogaado" ayuu yidhi Mudane Saleeban Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleeban Nuur isagoo ka hadlaaya arrinta doorashooyinka Somaliland iyo dibu dhacyada ku yimid wuxuu shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in doorashada Somaliland ay u dhacdo sida ugu dhakhsaha badanleh isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "Somaliland ku jiri mayso is qab-qabsi iyo is jiid jiidad, doorashadu waa in ay u dhacdo sida ugu dhakhsaha badanlehna waa inay u dhacda, dadku waxay doonayaan inay doorasho xor ah oo xallaal ah ku doortaan cidii hogaamin lahayd" ayuu yidhi Mudane Saleeban.

Guddoomiyaha golaha guurtidu isagoo hadalka sii wata wuxuu si dadban u dhaleeceeyey isla markaana uu masuuliyadda eedda dibu dhacyadii iyo khilaafkii doorashada korka uga saaray koomiishankii hore doorashooyinka qarranka ee dhawaan xilka laga wareejiyey "anigu waxaan qaba doorashadaasi way dhici lahayd nimankii koomiishankii hore ee doorashadu ma jecli inaanan wax ka daba tuurtuuro eh ilaahay kheyr ha siiyo eh, iyaga wakhtiga inaga lumiyey murankasina waxaan qaba ma yimaadeen haddii ay si xilkasnimo ah u maamulaan" ayuu yidhi Mudane Saleeban.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland wuxuu markii ugu horaysay carabka ku dhuftay sida loogu baahanyahay in golayaasha qarranka dadku ay si toos ah usoo doortaan wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay golaha guurtida ee uu hogaamiyo isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi Mudan Saleeban Maxamuud Aadan "Meesha waanu ku raagnay annagana (golaha guurtida) ku dhaho, kuwani xukuumaddu waxaa ay joogaan 7 sannadood iyo dheeraad, waxay ahayd shan sanno inuu xilkoodu ku ekaato, ugu yaraan afar jeer hadeerto waa loo kordhiyey markii shanaad oo daba furan ahna waa la sugaya imika annaga golayahagani guurtidana waxaanu jirna 20 sannadood oo dhaw dhaw intayada wadku daayey waanu wada liicliicayna xanuun iyo da' ayaanu nahay cid naga sii xil jecelina ma jirto dhamaantayo ku dhaho inaanu abid sii fadhino ayaanu jecelahay, haddii xilka lagu raagana ra'yigii ayaa meesha ka baxaya, talladii ayaa yaranaysa, anigu Saleeban ahaan waxaan qaba in golayaashayadani iyo cid kasta oo dadka u adeegaysa ay dadku soo doortaan si kalsoonidii meesha u taallo oo aanay meesha uga bixin" ayuu yidhi Mudane Saleeban Maxamuud Aadan

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleeban Maxamuud Aadan oo ka hadlaayey murankii dhaliyey ka dib markii diiwan gelintii doorashada la isku khilaafay wuxuu yidhi "horta anigu waxaan qaba in arrintaasi eedeeda ay lahaayeen hogaamiyayaasha siyaasaddu nin kasta oo siyaasi ahiba reerkiisii ayuu u tagay isagoo la dhex tagay talloy aynu isbadino yaan la inaga tiro badan, orodka iyo xagaf xagafta ka dhacaysay malayn maysaan, ummaddii ayey kala qaybiyeen qofkastaaba boqol jeer ayuu is diiwan geliyey, yaa markaa eedda yeelanaya, xukuumadd iyo xisbiyo waa loo sina haba ahaate iyadoo la ogyahay khaladka dhacay ayeynaan haddana markeedii ka hadal markii ummaddii sugaysay in doorasho dhacdo ayaa afka gacanta la iska geliyey oo khilaaf horleh dilaacay, annaga gole ahaan dhibaato badan ayaa arrintaasi naga qabsatay waad ogaydeenoo aniga iyo qolo aanu ka mid ahayn hawl badan ayaanu ka gallay sidii arrintaasi loo dhamayn lahaa, ilaahay ayaana mahadlehe ilaahay waa nagu asturay, guusheedana shacabka Somaliland aya leh" ayuu yidhi Guddoomiyaha golahas guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland wuxuu ammaan usoo jeediyey koomiishanka cusub ee doorashooyinka qarranka oo uu sheegay inuu kalsooni badan ku qabo inay hawsha ay hadda hayaan xilkeeda ay si hufan uga soo dhalaali doonaan isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "nimankaasi hadeerto hawsha loo xil saaray anigu kalsooni badan ayaan saleeban ahaan ka qaba ilaahay hawsha ha u fududeeye ilaa imika intaan ka warqabo si wacan oo wanaagsan oo xilkasnimo leh ayey u shaqeeyeen, hadda waxay joogaan addis ababa waxaana u yeedhay ayaan qaba sida warku igu soo gaadhay qolooyinkii deeq bixiyayaasha waxay ku yidhaahdeen hawshaasi si cadaalad ah oo xaqsoornimo leh u qabta annagana na weydiiya wixii aad adduun u baahantahiin, anigu nimankaasi ammaan badan ayey iga mudanyahiin, weliba ninka guddoomiyaha u ah aqoon ayaan u leeyahay oo waanu wada shaqaynay waxaan ku kalsoonahay inuu hawshaasi ka soo dhalaalayo, waxaanan leeyahay ilaahay hawsha ha u fududeeyo, inagana duco ayey inooga baahanyahiin" ayuu yidhi Mudane Saleeban.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleeban Maxamuud Aadan wuxuu sidoo kale ka hadlay arrinta Ceel-bardaale ee xiisadda gacanka hadalka ahi ku dhex maray labada beelood ee somaliland ee ka soo kala jeeda deegaanada Maroodi Jeex iyo Awdal isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta arrinta ceel bardaale way soo taagnayd ilaa iyo 1993-kii wakhtigii Madaxweynahii hore cigaal alla ha u naxariistee, annagu guurti ahaan waxaanu u gallay sidii ugu hagaagsanayd, waxaan maqlaayey qaar aniga saleebaan ahaan igu eedaynaayey inaan xulay guddi aan gaarkay u xushay, horta waxaan leeyahay meel kale kamaan xuline golaha guurtida dhexdiisa ayaan ka xullay oo wallaahi weliba nimankii aan hawshaasi xilkeeda u dhiibnay ee guurtida ahaa waa nagu diideen oo waa ka cudur daarteen iyagoo sababeeyey xanuun iyo socod la'aan aanay safar geli karin dee waad ogtahiino waanu wada liic liicaynaa wa gole wada da' ahe, markaa waxaan ku wareejinay hawshaasi guddi golaha ka tirsan oo markaa 8 bilood hawl u joogay laas canood, anigu waxaan qaba horta xalkeeda waxaynu gallayna markay doorashadaasi inaga dhamaato laba caqli ma lihin tani doorashadii ayaa ina wareerisay, tani ilaahay ha inaga gudbiyo, taasina xalkeeda waanu u diyaar nahay oo galayna" ayuu yidhi Mudane Saleeban .

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland wuxuu ugu danbayntii ka hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen dhalinyaro badan oo ka qalin jabinaysay jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho iyo ardaydoodii isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "arrintii xamar ka dhacday waa ayaan darro, halkaasi wixii ka dhacay waxay tusaale u tahay sida arxan darrada iyo ficilka aan weligeen soomaalida dhaqankeeda ku jirin maanta caadi u noqday, waa wax laga naxo weliba inamo yar yar oo dhakhaatiir ah oo qallin jabinaayey oo ummaddaasi wax u bartay oo aqoon ku soo kordhinaayey in la laayo, waa jahalnimadii ugu xumayd, dee wax kale oo aanu u hayna ma jirte alla aynu u barino, waxay taasi i xasuusinaysa maalintii aanu Burco kaga dhawaaqnay madax banaanida somaliland 1991-kii ayaa ruwaayad la keenay meesha waxay u dabeen timaha gabadh ay ku matalayeen soomaaliya iyagoo lahaa xamaray idinka baxnaye timahu ha ku dabnaadeen, waar waxaan leeyahay timaha usii daayo allaha dhibta ha ka saare" ayuu yidhi Mudane Saleeban.

ugu danbayntiina Guddoomiyahu wuxuu u duceeyey qarranka Somaliland iyo ummadda Somalida ahba.

Waxaa iyaguna madasha ka hadlay Guddoomiyahii hore ee koomiishanka doorashooyinka qarranka ahna hadda siyaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Mudane Cadami wuxuu difaacay qaabkii ay xisbiyada mucaaridka Somaliland uga hawl galeen markii xukuumadda somaliland iyo koomiishankii hore ay laaleen qaabkii diiwan gelinta isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "Axsaabtu waa dagaalameen, dagaalkaasi ma ahayn mid wax lagu duminaayey, ama wax lagu yeelaayey qaranimada Somaliland, kaasi waa mid laga soo gudbay, waxay u dagaalamayeen ee ay u dedaaleen waxay ahayd wixii ummadda somaliland xaqa u lahayd oo ahaa in ay doortaan cida ay doonayaan inay midho dhasho, waxay ahayd in ummaddu waxay dhiigooda iyo maalkooda geliyeen oo ahayd dimuqraadiyad ay midho dhasho, taasina way hirgashay ayaan qaba" ayuu yidhi Mudane Cadami.

Mudane Cadami wuxuu ku tilmaamay koomishankii hore ee dhawaan xilka laga wareejiyey qaar hawshaasi lagula khaldamay marka horeba isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "maalintii xilka loo dhiibaayey nimankii hore ee koomiishanka anigu kelmad ayaan idhi inaad xasuusataan mooyaane, waxaan u arkaayey nimanka meesha la keenay inaanay ahayn kuwa hawsha baaxadeeda ka soo baxaayey, runtii waxay ahaayeen niman hawshaa lagula khaldamay dheeftediina waynu aragnay".

Mudane Cadami wuxuu sidoo kale ammaan usoo jeediyey koomiishanka cusub ee doorashooyinka oo uu ku tilmaamay xubno uu kalsooni badan ku qabo oo hawshaasi ka soo dhalaalaya.

Waxaa isaguna hadal ka jeediyey madasha Siyaasiga da'da yar ahna xildhibaanka ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland Khadar Aadan Xuseen Ambassador isagoo ugu baaqay qurbe jooga Somaliland inay maal gashadaan gudaha Somaliland, wuxuu sheegay inuu isagu qoomameeyo shakhsi ahaan wakhti badan oo qurbaha kaga lumay wuxuuna ugu baaqay qurbe joogu inay qoomamayn doonaan haddii aanay wakhtiga ka faa'iidaysan oo aanay dalka wakhtigani maal gashaninin.

Saleeban Siciid Kabadhe
Golisnews Anchor and Editor
Birmingham, UK

Golisnews

No comments: