19 December, 2009

LABA NIN OO U DHASHAY SOMALILAND OO LAGA SOO DAAYAY GUANTANAMO

LABA NIN OO U DHASHAY SOMALILAND OO LAGA SOO DAAYAY GUANTANAMO BAY OO MAANTA HARGEISA LA KEENAY

Published on: Dec 19, 2009 16:19

guantanamo
Xabsiga Guantanamo Bay File Foto


Laba nin oo u  dhashay Jamhuurriyadda Somaliland kuna xidhanaa Xabsiga Guantanamo Bay ee Dawlada maraykanku ku xidho dadka ay ku sheegto argagaxisada ayaa maanta soo gaadhay lagana soo dajiyay madaarka Hargeysa ee Hargeisa international Airport iyada oo lagu si day diyaarad yar oo ay leedahay hay'ada Laanqayrta Cas.

Labada nin ayaa muddo 7 sano ah ku xidhanaa Jeelka Guantanamo bay iyada oo ay hayada laanqayrta casi ku wareejisay Xukuumada Somaliland labada nin ayaan loo ogalaan warbaahinta in ay arkaan .

Labadan nin ayay magacyadoodu kala yihiin Maxamed Saleebaan Barre oo laga qabtay wadanka Pakistan horena loo soo daayay sodogii oo lala qabtay kuna xidhnaa isla Guantanamo iyo iyo Ismaaciil Maxamed Carraale

No comments: