12 December, 2009

Hargeysa: Magacyada dadka Shil Baabuur ku dhintay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle haw naxariistee laba qof ayaa ku dhintay shil Baabuur oo shalay ka dhacay tuulada Aw-Barkhadle oo ilaa 30 Km Bari ka xiga magaalada Hargeysa.

Shilkaas oo abbaaro 4:30 subaxnimo dhacay, waxa uu sababay dhimashada Cabdi Maxamed Cilmi iyo Ina Faysal Xabaal-mariwaa, ka dib markii uu jiidhay gaadhi nooca Waaraadka loo yaqaano ah oo Adhi siday, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray, in labadaa qof ee Baabuurku jiidhay ay dhinac taagnaayeen gaadhi Shaamboo ah oo jidka dhexdiisa ku banjaray. Waxa la sheegay in baabuurkaa dadku la socdeen ee banjaray uu ka yimi dhinaca degmada Caddaadlay, kuna soo jeeday magaalada Hargeysa.

Xigasho: Wargeyska Ogaal


View article...

No comments: