12 December, 2009

Beesha Caalamka oo cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho & Aas loo sameeyay dadkii ku dhintay


Subject: Beesha Caalamka oo cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho & Aas loo sameeyay dadkii ku dhintay

 

Muqdisho (Somaliland.Org)- Beesha Caalamka ayaa ka hadashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen 22-ka qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof oo kale. kuwaas oo intii dhimatay maanta lagu aasay Muqdisho.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay wada-jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Norway, ayaa wada-jir u cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dadkii ku dhintay maanta Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

War-Murtiyeedkaa wada-jirka ah ayaa lagu sheegay in Weerarkii shalay ka dhacay Huteel Shaamo ee Magaalada Muqdisho uu ahaa mid arxan-darro iyo axmaqnimo ah, islamarkaana waxay ku tilmaameen tallaabo dadka xag-jirka ahi ugu talo-galeen inay ku waxyeelleeyaan Bani'aadamnimada. Waxaanay sheegeen in tallaabooyin nooca ahi aanay Bulshada Caalamkaba aanay ka joojin doonin taageeradii ay u fidin jireen Dawladda Soomaaliya iyo dadka ka qayb qaadanaya soo-celinta Amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dadkii Qaraxaas ku dhintay oo ay ka mid ahaayeen saddex Wasiir oo ka mid ah Dawladda Shariifka ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Waxaana Aaskooda ka qayb galay Madaxweynaha Dawladdaas Shariif Sh. Axmed iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa.

Somaliland.Org News Desk


View article...

No comments: