22 December, 2009

GOLAHA WAKIILADA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYAY 9 WASIIR WASIIRU DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

GOLAHA WAKIILADA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYAY 9 WASIIR WASIIRU DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa waxa hortagay  9 Wasiir oo isugu jira Wasiiro wasiir Dawlayaal iyo Wasiir Ku xigeeno si uu goluhu u ansixiyo , Wasiiradan hortagay Wakiilada ayaa kala ahaa Wasiirada.

Wasiirka Dibu-dajinta  Md Maxamed Yuusuf Cismaan.

Wasiirka Gaashaan-dhiga Md Saleebaan Warsame Guuleed.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md Xuseen Caynaan Faarax.

Wasiiru Dawlaha Macdanta iyo Biyaha  Md Muse Cabdi Maxamed.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha Md Farxaan Jaamac Ismaaciil.

Wasiiru Dawlaha Kaluumaysiga   Md Cabdi Xirsi Ducaale.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Md Axmed Aadan Ismaaciil.

Wasiir ku xigeenka Hidaha Iyo Dhaqanka iyo  Dalxiiska Md Max'ed Axmed Faarax Gaagale.

Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md Cabdi Yuusuf Aden.

Wasiiradan ayaa midkasta laga hor akhriyay  Taarikh nololeedkooda xildhibaanada wasiir kastaana waxa uu ka jeediyay hadal kooban oo la xidhiidha sida uu wax uga tari doona xilka loo igmaday .

Ka dibna waxaa cod gacan taag ah loo qaaday mid mid wasiiradan iyada oo ay  madasha ku sugnaayeen 43 Mudane Shir gudoominayayna Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdi Casiis Samaale waxayna ku ansixiyeen Cod aqlabiyad ah.

Xig: TogaHerer


No comments: