09 December, 2009

Fadeexaddii Qarniga 21aad, Dilkii Taliyaha Ciidanka jiidda hore & Maxkamadda Laascaanood ka bilaabantey!!


 
Dhoofkii Xoolaha Carabka loogu Xidhey sida aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka, Shidaalka Istaraategiga ah ee sida iyana aan waafaqsanyn Dastuurka gacanta loogu geliyey Total oo labada saldhiggoodu yahay Jabuuti, Khudbaddii dheereyd ee Madaxweynaha jabuuti ku sheegeyinay "Geed dheer iyo mid gaabanba ay isugu taageen sidii ay Xoolaha geeska Afrika khaliijk uga dhoofa jabuuti xarun monopoly ama kooto ugu xidhnaan lahaayeen!!" oo Xoolo aanay lahayn Bill of ladingka ugu qoran lahayd iyo Certificate of originka inay Xoolo jabuuti yihiin, salleelo ayey ahaayeen.
 
Marka uu arrinku gaadho in Dhiigga Muwaadinka loo maro Kursi -Ku-Dirirnimo, Musiibado wey ka weyn tahay !! . Waxa ka bilaabmay Maxkamadda Laas Caanood, Kiiska Dilkii Taliyaha guutada 12aad ee Ciidammada qaranka oo bil ka hor qarax lagu khaarajiyey!! Fadeexaddu, inkasta oo uu Maalkani "Scandal-Proof yahay" oo aan waxbaba laga qorin imika, waxay tahay in Taliyihii Nabadsugidda ee Maamulka UDUB uga Mas'uulka ahaa Gobolka sool Eedeysanaha Koobaad ka yahay!! Haddii uu ku caddaado Kiisku Taliyaha, waxa xal loo helayaa oo xidhmi doona Galal badan oo furnaa, oo loo maaro la'aa,sida DEilkii kan ka horreeyey ee Maalinta jimcaha ah , weerarka gaadmada ah lagu soo qaadey, Fadhiisinkii Ciidankaas ee Adhi Caddeeye, waxa kum xiga Baastooladihii argagixisada loogu geeyey Jeelka weyn ee Hargeysa, Qaraxyadii quraaradaha shaaniga ee Goobaha madhan lagu qarxin-jirey ee Caasimadda ka dhici jirey, loona xidhey. laguna eedeeyey Muwaadiniinta Mujaahidiinta ah ee odey Deyr, iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye, iyo Siyaasado badan oo qallooca oo aan danta Somaliland ka talineyn oo la meel marsadey Cidda ka dambeysey.
 
Caddaaladdu, waa Astaanta qarannimo iyo Degganaanshaha, Ummadi haddii ay xaqsoor weydo, sida ay qaran taagan u noqotaa waa mustaxiil!!. Waxa qaddiyaddan ka muuqda oo meel fog laga sii arkayaa bilowga Nahaayaddii dhibaatooyin badan oo uu Maamulkan talada Dalka maanta hayaa ku soo kordhiyey Mashaakilkii horeba Bulshada u haystey, Muranno Dastuuriya oo la alooso waqti kasta oo ay doorsho soo dhawaato, Xaalad abuurro iyo isku dhufasho beelo wallaalo ah oo wada deggan, qaraxyo iyo argagixiso aan hore looga aqoon Dalka, Maamulladii kan ka horreeyeyna aan hore uga dhicin oo iyaga la kowsadey, Xidhiidhka shakiga badani ku xeeran yahay ee Maamulkani Cadowga Somaliland la leeyahay, sida Masrigan "Haatuf al- Cumlaha ah" ee Madaxtooyada dalka ka dhex yidhi"Wax somaliland la yidhaahdo, ma aqoonsanin"!!. Carabi haddii ay dub leedahay , falastiin bay ku qarsan lahayd!! , Aqoon yahanka Dalkanuse , Saddex Dawladeed oo carbeed oo sas ka qaba Somaliland wey ogyihiin oo la socdaan, Waqtiga munaasibka ahna , la tusi doonaa jawaabta ay leeyihiin!!
 
Bulshada Samirka badan ee xikmadda iyo Maareynta mashaakilkeeda Waqtiyada  duruufaha adag khabiirka ku noqotey, Waxa waajib ku ah la socodka kiiskan qaran ee Mujaahidka 24ka saacadood kaga caydhiyey Maleeshiyadii Budcad badeedda Puntlad gobolka sool lagu khaarijey oo Maamukani Eedeysane ka yahay. " Nin ku sirey wax kuu sheeg baa la yidhi". Akhristaha ayaan u dhaafayaa in uu dhammeystirto suuradda muuqata ee Xijaabka xidhan!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed.



No comments: