10 December, 2009

DHANXIIR

DHANXIIR

Horta maanta waa maalintii cidhib tirka musuqmaasuqa dalkeenu kaalin fiican buu kagaga jiraa oo la dagaalankiisa xeer ayaaba laga soo saaray, wax la lunsadaana maba jiraan oo woxogaaga yar ee ina soo gala waxa lagu bixiyaa mushaharooyinka ciidammada iyo shaqaalaha, dalka horrumarkiisana waa lagaga shaqeeyaa.

Weger; la dagaalankaaba dhac, adeer, madaxtooyadeenu maalintan sida maqluubka ah ayey u adeegsataa oo waxa loo halgamaa sidii musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida ummadda loo kala badsan lahaa, ummadiina way ku hoos bakhtiyeysaa, ciqaabteeda if iyo aakhiroba way mutaysan doonaan.



Jamhuuriya Online

No comments: