14 December, 2009

Dhalinyare katirsan ardaaga Rayaale oo Dhawaan lafilaye inay Kulmiye ku soo biiraan

Xubno Ka Tirsan Dhalinyarada Deegaanka Boorama Oo La Sheegay Inay Wadaan Olole Ka Dhan Ah Xisbiga Udub, Kuna Soo Dhawaynayaan Xisbiga Kulmiye

Boorama-(Lug)-Warar la isla dhexmarayo  ayaa sheegeya in qaar ka mid ah  dhdllinyarada degaanka Boorama ay tan iyo toddobaadkii ina soo dhaafayba ku hawllanyihiin  olole siyaasadeed oo ka dhan ah xisbiga UDUB oo ay ka tirsanayeen, kuna soo dhawaynayaan xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye  si ay ugu biiraaan xisbigaasi.

Sida ay sheegeyaan warar aan la xaqiijin, kooxahan dhallinyarada ah kanasoo jeeda beelaha J/yoonis (samarroon) ee degaanka Boorama  ay la sheegeyaa inay  ololahaasi  ka wadaan magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama iyagoo inta badan kulammo  aan sidaa u weyneyn la yeelanaya dhinacyada  kale ee taageerada  weli siiya xukuumadda iyo xisbiga UDUB, inta badanna isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan  sida ay xuquuq badan ugu waayeen kursiga madaxweyne Rayaale, loogana sedburiyey shakhsiyaadka iyo siyaasiyiin kasoo jeedda beelaha kale ee reer Awdal ama reer Somaliland ee qaarkood kasoo horjeedeen xisbigaasi wakhtigii doorashada madaxtooyada  2003dii, sidaa darteedna ay doonayaan inay saaxiibadooda ku qaNciyaan  isbeddel siyaasadeed oo xisbiyada kale ee ku badhi taalaan  codkooda wakhtiga la gaadho doorashada, beddelkeedana ku helaan xuquuq badan oo sida la sheegay ay ka tabanayaan xukuumadda Rayaale, sida xilalka shaqo, kuwa maamul iwm.

Inkastoo oo aanay ilaa imika cid ka mid ah dhallinyaradaasi oo si rasmi ah uga hadashay waxa la sheegeyo, balse ilo ku dhow dhallinyaradaasi, iskoodna uga xoogsada magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa  ayaa la sheegeyaa inaysan weli ku guuleysan meelmarinta hindisahaasi, isla markaana aanay weli ka gudbin caqabadaha  ay weli la hortaagan yihiin  taageerayaasha isla beeshaasi ee xisbiga UDUB, qaar badan oo ka tirsan isla beeshaasina ay weli ku  sasabayaan kooxahani inay joojiyaan olohahan, hase yeeshee uma muuqdaan kuwa sida la sheegeyo u dhegtaagaya talooyinka kaga imanaya saaxiibadoodii hore.

Wararkan oo aanay jirin cid kasoo jeedda  dhallinyarada beeshaasi oo xaqiijisay ama beenisay  waxa ka jira arrimahan ayaa sidoo kale la sheegeyaa in kooxahani la magacbaxeen "isbeddeldoonka dhallinyarada beesha J/yoonis ".isla markaana ay xidhiidh wada yeesheen xisbiga Kulmiye balse aan la ogeyn heerka uu xidhiidhkoodaasi gaadhsiisan yahay, maadaama qaar ka mid ah dhallinyaradani xisbigaasi mucaaradka ah  lasoo galeen dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah xisbiga Kulmiye wakhtigii doorashooyinka madaxtooyada 2003dii.

Sida ay sheegeyaan wararkaasi dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday beesha dhexdeeda  ayaa la tuhunsan yahay inay  la xidhiidhaan  warar  wakhtigii dalka  ay ka jireen qalallaasaha siyaasadeed, afar bilood ku dhawaad ka hor la sheegay in waxgarad ka tirsan beeshaasi ay madaxweynaha kula taliyeen inuu xilka ka dego balse warkaasi oo muran badan ka dhex dhaliyey beesha, isla markaana aan farta lagu fiiqin ciddii ka dambaysay, lagana yaabo in ololahani haddii uu jiro iyo haddanu jirinba uu mar kale  siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ka dhex abuurro  guux, dood iyo muran hor  leh oo laqa yaabo inay beeshu ku kala qaybsanto taageerada iyo diimada  xisbiga UDUB. maadaama xubnaha ololahan wadaa ka mid ahaayeen dhallinyaradii xisbiga UDUB ugu firfircoonayd hadda ka hor.
 
Beelaha J/yoonis ayaa sida la ogyahay  waxay ka mid yihiin ardaayada beelaha samarroon ee weligoodba taageerada xoogga leh siiya xukuumadda Rayaale , sidaa darteedna isbedelka  siyaasadeed ee eegga laga soo sheegayna uu yaab iyo amakaag ula ekaan doono qaybo ka mid ah dadweynaha.


Source: 
Mohamed Hyena
Lughaya News


__._,_.___
OGAYSIIS::- Fadlan anshaxa golaha ilaaliya // Ha soo dirin email aflagaado ah // isku day email kooban oo wax laga korodhsado // due to limited space::- emailka aad u jawaabayso dib ha u soo dirin // emailkaaga laba jeer ha soo dirin
.

__,_._,___

No comments: