01 December, 2009

3 Askari oo Afrikan ah oo Djibouti Shil Baabuur ku Dilay

3 Askari oo Afrikan ah oo Djibouti Shil Baabuur ku Dilay

DJIBOUTI – Askar loo keenay dalka Djibouti si ay dhoola tus iyo tababar milatari ugu qaataan halkaa ayaa 3 ka mid ahi ku qudh waayeen shil baabuur oo ka shacay magaalada Djibouti saacado ka dib markii ay halkaa soo gaadheen.

Ciidamadan oo dalalka Afrikadu isku soo urursheen ayaa la filayaa inay difaacaan oo ay caawiyaan shacabka iyo xukuumadaha Afrika ee dagaalku saameeyo sida Somaliya.

Askarta halkaa ku qudh wayday waxa ka mid ah arkari lagu magacaabo Maj. Kahangye; sida uu sheegay afhayeenka ciidanku Lt. Col. Felix Kulayigye gaadhi kuwa xamuulka qaada ah oo siday askarta ayaa is rogay halkaasna ku dilay 3 askari. Afhayeenku wuu diiday inuu sheego magaacda labada askari ee iyaguna shilka ku qudh waayey.

Askartu waxay ku dhaawac meen iyagoo u socda tababar oo ka anbabaxay saldhigii lagu soo dejiyey. Sidoo kale 7 askari ayaa si xun u dhaawacmay oo shilkaa dhaawacyo halis ahi kusoo gaadheen.

Xig: SayliciPress 

No comments: