05 November, 2009

Rayale oo Aflagaadeeyey Beelwaynta Habar Cafaan – ee Samaron

 
 

Rayale oo Aflagaadeeyey Beelwaynta Habar Cafaan – ee Samaron

via Saylicipress.net by adal on 04/11/09

Markuu Rayale Siyad Bare u basaasayey ee jaajuuska ahaa Gen. Talan iyo Xanshare waxay ahaayeen laba geesi oo shacabka Somaliland qadariyo!

Waxaad wada ogtihiin in Rayale dhawaan labada qabiil oo kala ah Sacad Muse (Isaq) iyo Makahil (Gadabursi) oo uu kasoo jeedo inuu iskugu yeedhay, mid kastana gooni u arkay. Labada reerood waxaa ka maqnaa reer Nuur iyo Jibril Abokor oo xasarad siyaasadad dhuleed ka dhexayso.

Rayale isagoo la hadlaya tolkiis wuxuu sheekada ka bilaabay:

waxaan idiinku yeedhay dan, danaheena oo khasab ah inaan ka wada tashano. Waxaad ogtihiin in doorashooyin soo socdaan; kursigan aan ku fadhiyana la soo damcay. Dadkan hanna moodina in dadka igu eryayaa inay Isaaq yihiin. Anigu waxaan u haystaa inay Samaroon yihiin. Waayo maanta dad badan oo Gadabursi ah iyaa jecel in dhacdadii jidgooyada laga aar goosto tiiyoo xal kale ay meesha taal sida magtii oo la qqato. Dadka aargoosiga u ololaynaya waxay damac san yihiin in laysku dhaco, dabadeed meeshaba kursigaygu ka baxo marka Isaaq isa soo raaco ama meel kasoo wada jeesto. Taasi dan inooma aha, wana tan u wayn ee idiinku yeedhay. Waxaan doonayaa inaad wallaheen reer Nuur aragtaan.  u Sheegtaan inaan mesha u joogo, donaayana inay igu kalsoonaadaan si arinta dhulka u furdaamiyo. Sacad Muse wuu iga aqbaleen inay iiga ergeeyaan Jibril Abokor gaar ahaan reer Xareed. Midka inaad ogaatiin ah waxaa ugu muhiimsan un kursigan ku fadhiyo la badbaadiyo. Waxaan idinkua rabaa waa dadaal dheeraad ah oo muujisaan sidii aad ugu guntan lahaydeen badbaadada kurisgan iyo mansaba aan hayno oo waxkasta aad ka hor marisaan.

Xaalku markuu halkaa marayo iyuu odan Adan Yonis ihi waydiiyey su'aal muhiim ah oo uu sidan u dhigay:

Waar raga la qawracay qabiil baa laayay ee ma waxaad na leedahay dawladaa magtii bixinaysa? haday sidaa tahay waxaad noo sheegtay in ragaygii ay dawladu dishay, maadaamow sidaas tahay waxaa noo taal intayadii raggu ka dhinteen inaan is aragno ooo go'aan gaadhno.

Rayale arintaas wuxuu ka celiyey:

Adeer adiga tol ahaan iyaan kuugu yeedhay, raga wadada loo galay Habar Cafaanba way ku jirtay waana kuwa raba in la aargoosto iyagoo aniga igu xumaynaya. Kolay mar ay noqotaba dadkii ficilkaa gaystay waa lasoo qaban; laakiin mabta dawlada way bixin kartaa iyadoo badbaadinaysa iska hor imaad foolxumo keeni kara.

Oday kale iyaa ka xumaaday sida Rayale reerka Habar Cafaan u qaninsan yahay wuxuuna ku yidhi:

Madaxwayne, anigu hadaan maakaahiil nahay waxaan qabnaa in rerka Habar Cafaan godob laga galay si khaldana aan ula dhaqano, maamulkana dibada laga dhigay. Anigu waxaan ku talin lahaa arintaa in dib loo eego ooo aad bilowdo sidii Habar Cafaan oo xoog ah loo kasban lahaa mar hadii Maxad-Case si buuxda kaaga soo horjeedo.

Rayaale isagoo ka jawaabay taladaas wuxuu carabka ku dhuftay arin xan la moodi jiray marka laga hadlayo ra'yiga uu ka qabo Habar-Cafaan; wuxuu Rayale hadalkiisii u dhigay sidan: Habar-Cafaan ma aamini karo!

Odaybaa markaas kula kaftamay oo yidhi:

Madaxwayne malaha Boorame waad ka raagtee Habar-Cafaan anagu cabsidaa kaa haysa maanu dareemin, waxaanse ognahay in maanta reerkaasi Borame gudaheeda iyo degaankiisaba aqlabiyad ay ku tahay.

Rayale isagoo kaftan ka dhigaya jawaabtiisa wuxuu ku celiyey:

Adeer reerka ay ka dhasheen Genaral Talan iyo Xanshare yaa aamini kara? doorashada waxaan filayaa kolay inay xagga Maxamed Rashid u jabi doonaan.

Waxaa la yaable, Rayale oon waxba ka fahmin Gadabursi xaaladiisa siyaasadeed oo fakir xumadiisa laga arkayo ereyada kasoo yeedhay iyaga lagu aaminay inuu dal majaro u qabto. Cadaalada darada, eexda iyo kala soo-sooca Rayale  ka dhex abuuray Gadabursiga waxay markhaati ka tahay garaadxumadiisa. Awdal iyo Selel oo agoon ku hoos noqday maamulka Rayale, waxaa u taal talo muhiim ah si ay u helaan xukun cadaalad iyo sinaan dadka gaadhsiiya.

Rayale haduu isku koobay Makahiil cid uu wax yeelay oon reerkiisa ahayn ma jirto. Sobobtoo ah maakiihiil Awdal iyo Selel rubucna kama noqonayaan marka la garab dhigo Habar Cafaan iyo Maxad-Case.

Dooorashada soo socota iyuu ogaan doonaa in Habar Cafaan codkeegu maro meel cdila ah iyo inuu ka qoomameeyo taariikh xumada uu ka galay habar-Cafaan. Markuu soo hadal qaaday General Talan iyo Xanshare wuxuu ilowsan yahay in labada marxuun ee sharafta mudan inay ahaayeen rag uuna kabahoooga gaadhayn.

Markuu Rayale u jaajuusaayey Siyad Bare, Xanshare wuxuu ahaa ninkii u horeeyey ee reer Awdal ah ee si tooos ah uga horyimid kalidii taliyihii Xamar fadhiyeyisagooo aas-aasay xisbigii SDA.

Markuu Rayale shaqada foosha xun u hayey Siyad Bare, General Talan wuxuu ahaa sarkaal xushmad leh oo damiir leh waxaana ka markhaatiya dadka gobolka Saaxil oo si raganimo leh uu u badbaadiyey markii la rabau in la gumaado. Rayale wuxuu ogyahay in Habar-Cafaan waligeed iska ilaaliso dhib qabyaaladeed laakiin ficiladiisa iyo ficilka tolkii waxay keeneen in dadkii Awdal iyo Selel tashadaan una guntadaan sidii Rayale iyo tolkii loo tusilahaa miinsaanka siyaasadeed ee ay ku leeyihiin Awdal iyo Selel. Bishuna horteenay iman.

Omar Muxumad

omuxumad@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Xg: Hadhwanaag


No comments: