05 November, 2009

Isu-soo-bax ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo dad loo xidh-xidhay

Isu-soo-bax ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo dad loo xidh-xidhay

Laascaanood (Somaliland.Org)- Dadweyne ka kooban Caruur iyo Haween, ayaa la sheegay inay maanta isu-soo-bax ka sameeyeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool. Kuwaas oo qaar ka mid ah la xidh-xidhay, balse markii dambe la sii daayay.

Dadkan maanta isugu soo baxay Magaalada Laascaanood, ayaa Wararku sheegayaan in ay ka dambaysay ka dib markii dadka la gaadhsiiyay Warar markii dambe beenoobay oo sheegayay in jidh-dil lagu sameeyay dadkii loo xidh-xidhay Qaraxii toddobaadkii hore lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Marxuum Cimaan Yuusuf Nuur. Isla markaana ay Xukuumaddu doonayso in baadhis lagu sameeyo Guryaha Magaalada Laascaanood oo la sheegay in laga baadhayo Hub. ?Been baa naloo sheegay bay yidhaahdeen dadka isu-soo-baxa oo waxa nalagu yidhi Guryihii la baadhayaa oo Qoryo laga baadhayaa, dadkii la qab-qabtayna waa la Jidh-dilayaa.? Sidaa waxa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo aanu Warkan ka soo xiganay u sheegtay Nadiifo Maxamed Col-u-joog oo ka mid ah haweenka Magaalada Laascaanood.

Nadiifo waxay intaa ku dartay in Haween badan la xidh-xidhay intii uu socday isu-soo-baxani, hase ahaatee markii dambe la sii daayay dadkii loo qabqabtay Isu-soo-baxaas.

Maamulka Gobolka Sool, ayaan arintan ka hadal, mar wax laga waydiiyayna ka gaabsaday.

Xig:Somaliland.Org

No comments: