Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun ku ridday rag lagu eedeeyay falal Argagixisnimo
November 11th, 2009 Comments Off
Berbera (Somaliland.Org)- Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukun xadhig ah ku ridday laba nin oo lagu eedeeyay inay maleegayeen falal argagixiso oo ka dhan ah nabadgelyada. Isla markaana lagu qabtay Waxyaabaha qarxa.
Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa maanta 24 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Ibraahim Jaamac Axmed oo Maxkamadda goob-joog ka ahaa iyo Saleebaan Cabdilaahi Carab oo maqane ahaa. Kuwaas oo la sheegay in lagu helay inuu qorshaynayay falal Argagixiso oo lagu bartilmaameedsanayay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer. Maxkamada oo maanta ammaankeeda aad loo ilaalinayay waxa kale oo ay Maxkamaddu xorriyaddiisii u celisay oo ay sii daysay Jaamac Faarax Cabdi oo hore uga mid ahaa eedaysanayaasha ku eedaysan falalkan ee u xidhnaa.
Raggan la xukumay ayaa Ciidamada Booliska ee Magaalada Burco ay ku xidheen Magaaladaas 13 bishii October ee sanadkan, ka dib markii ay hawl-gal ku qaadeen Guri ay ka deganaayeen Magaalada Burco. Ibraahim Jaamac Axmed ayaa la sheegay in uu nabaro u geystay Wadaad ka mid ah kuwa Magaalada Burco oo naqdiyay tallaabooyinka ay Kooxaha Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya oo uu sheegay in aanay diinta meelna ka soo gelin.
Maxkamadda Gobolka Saaxil waxay xukunka raggan u cuskatay Qodobadda 214,234 iyo 440 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
No comments:
Post a Comment