23 November, 2009

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo go’aano ka soo saartay

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo go'aano ka soo saartay dad u xidhnaa Qaraxyadii Hargeysa
 
Hargeysa -Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa go'aano ka soo saartay dhegaysiga dacwad lagu soo oogay eedaysanayaal muddo toban bilood ku dhaw u xidhnaa tuhuno ku saabsan falal lala xidhiidhayay.
 
Inkasta oo aanay jirin War rasmi ah oo arrintan ay Xukuumaddu ka soo saartay, haddana sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ahi, dhegaysiga dacwadda eedaysanayaashan oo shalay abbaaro 9:30-kii ka bilaabantay Maxkamadda Gobolka, isla markaana qiyaastii socotay saacad, ayaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa halkaa kaga dhawaaqday go'aano kala duwan.
 
Eedaysanayaasha shalay Maxkamadda la horkeenay oo ah kuwo u xidhnaa tuhuno la xidhiidha Qaraxyadii Argagixiso ee dalka ka dhacay 29 October 2008, isla markaana hore tiradoodu u ahayd 11, balse Maxkamaddu hore u sii daysay afar ka mid ah, ayaa tobankii bilood ee laga soo gudbay ku xidhnaa qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska Hargeysa. Eedaysanayaashan Maxkamadda la horkeenay shalay oo tiradoodu dhammayd 7-qof, ayaa Maxkamaddu sheegtay in wax dembi ah lagu waayay 6 ka mid ah, isla markaana la sii daynayo. "Maxkamaddu waxay fasaxday oo ay tidhi wax dembi ah ayaa lagu waayay 6 qof oo ka mid ah 7-dii qof ee xidhnaa." Sidaa waxa Wargeyska Ogaal u sheegay mid ka mid ah ehelada dadka xidhan. Waxaanu sheegay in inkasta oo ay Maxkamaddu sheegtay in la sii daynayo maanta oo Axad ah, ka dib markii ay shalay suurogeli wayday sii-dayntoodu. "Maxkamaddu waxay sheegtay in maantaba (shalay) la sii dayn lahaa, balse arrimo-Xafiis awgeed berito (maanta) la sii daynayo." Ayuu intaa raaciyay qofkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
 
Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa hore mar ay dhegaysatay dacwadda eedaysanayaashan la sheegay in ay fasaxday, hase ahaatee, isla markiiba Ciidamada Boolisku ay dib u qab-qabteen dadkii Maxkamaddu sii daysay oo isku dayay in ay Maxkamadda ka baxaan. Waxaanay taasi keentay in ay halkaa ka baxsadaan 4 qof oo ka mid ahaa 11 eedaysane.
 
 

No comments: