Maxaa Ku Kellifay In Wasiirka Caafimaadku Dhaqdhaqaajiyo Meelo Ka Hurday Xukuumaddu Iyo Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa?
Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe waxa uu ka mid yahay wasiirada xukuumadda Rayaale kaga yimi dhinaca xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, isagoo ka tirsanaa masuuliyiinta xisbigaasi mucaaradka ah. Cabdi Haybe ayaa sidoo kale waxa uu xilka wasiirnimada ku helay markii uu xilkaasi iska casilay wasiirkii ka horreeyey ee Caafimaadka, Cabilaahi Xuseen Imaan (Darwal) kadib markii ay isfagaran waayeen Madaxweyne Rayaale. Cabdi Haybe oo ay isku hayb yihiin wasiirkaa hore ayaa xukunka
wasaaraddaasi la wareegay wakhti dalka ay ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed, isla markaana xisbiga Kulmiye iyo dawladdu isla ildarnaayeen, taas oo xukuumadda ku dhaqaajisay inay xisbigaasi kala furfurto, isla markaana siyaasiyiin ay ka mid
ahaayeen Cismaan Hindi, Cabdi Haybe iyo kuwa kaleba xisbiga Kulmiye ka tegeen, kuna biireen xukuumadda.
Inkastoo la ogaa sababtii uu isku casilay wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, taas oo ahayd isbeddel maamul o
oo laga samaya lahaa hawlaha wasaaradaasi ee goboka Awdal ayaa Cabdi Haybe tallabadiisii ugu horreysayba ku aqbalay inuu fuliyo qorshihii uu wasiirkaa hore iska diiday, maamulkii caafimaadka ee Gobolka Awdalna degdeg loo kala beddelo, wakhtigaa soo meesha laga saarayey Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi, xilkana lala doonayey iskuduwe kale oo maanta laftiisa xilkii laga qaaday.
Cabdi Haybe oo in muddo ahba dhex mushaaxayey mashaakilka badan iyo dhaqaalaha badan ee wasaaraddaasi ku hawlgasho ayaa aakhirataankii ku dhaqaaqay inuu belaayo xukuumadda Rayaale ka aamusnayd ama ka hurudday ku toosiyo kaddib markii uu farageliyey gaadhi lagu caawiyey haweenka la kufsado, isla markaana lagu eedeeyey inuu gaadhigaasi si shakhsi ah u kaxaystay, inkastoo uu dafiray arrintaasina ay ahayd inuu xilka qaadista agaasimaha Cusbitaalka faraha ka qaado oo aanu aargoosi ku saabsan
gaadhigaasi sida la sheegay ka dhigan. Cabdi Haybe oo dhawr jeer ku celceliyey in
xil ka qaadista agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa aanu wax xidhiidh ah la lahayn gaadhigaasi, hase yeeshee waxay cid kastaaba iska garan kartaa sidda ay taxanaha u ahaayeen labadaa arrimood.
Cusbitaalka Hargeysa oo ka mid ah meelaha ugu xasaasi san adeegyada dadweynaha Caasimadda ayaan in muddo ah laga maqal wax qaylo dhaan ah ama wax musumaasuq ah ama se wax adeegxumo ah, Cusbitaalkaasina aad moodaysay inuu iskaga
filaaday dhinaca shaqada, shaqaalaha iyo dhaqaalahaba, dawladda iyo taageeradeedana ayba iska illoobeen, hase yeeshee aad moodayso in Cabdi Haybe toosiyey belaayo ka hurudday xukuumadda, lagana yaabo in bulshaweyntii reer Hargeysa ee Cusbitaalkaasi u samaysatay guddigu Cabdi Haybe ay faraha uga qaadaan maamulka Cusbitaalkaasi, taasina ay keento in adeegyada Cusbitaalka guud ee Hargeysa dib ugu laabtaan halkii laga soo dhaqaajiyey shan ama lix sano ku dhawaad ka hor.
Haddaba markaad eegto faragelinta maamul ee uu Cabdi Haybe ku sameeyey Cusbitaalka ayaa uun loo qaadan karaa in wasiirku tijaabinayey awoodda uu ku maamuli karo dhaqaalaha iyo adeegyada Cusbitaalkaasi ka soo gala dhinaca adeegyada, balse aanu meesha soo dhigan waxa ka iman kara maamul dad shicib ah gacanta ugu jira, isla markaana cid kasta oo Cusbitaalkaasi lug ku yeelata arrimihiisa ay u arki karayaan nin baabiinaya adeegyada dadweynaha, taasina ay keento in loo qayshado taageero Cusbitaalku ka helo xukuumadda oo haddii la waayana ceeb usoo jiidaysa dawladda iyo wasaaraddaasi masuuliyiinteedaba. Dad badan ayaa u qaadan karaya in Cabdi Haybe Kulmiye uga soo baxay si uu u baabiiyo adegyada xasaasiga ah ee noocan ah si dawladda loogu kaco, laguna eedeeyo musuqmaasuq ay Cusbitaalka ka geysatay ama ka geysan doonto, halka qaar kalena u qaadan karayaan in wasiirka Caafimaadku arrimaha Cusbitaalkan u galay inuu sumcad ku helo, balse aanu filayn inay sumcad xumo uga timaaddo.
Si kastaba ha ahaatee waxa wasiirka caafimaadka Cusbitaalkaasi ka qabsaday waxay noqonaysaa dhirbaaxadii ugu horreysay ee wasiirkaasi kasoo gaadha dhinaca shacbiga, isla markaana laga yaabo inay wiiqdo kalsoonidii dawladdu ku qabtay wasiirkan
mucaaradka ahaan jiray, sidaa darteedna loo baahan yahay in Cabdi Haybe ku tallaabsado wax kale oo soo celiya magaciisa iyo magaca maamul ee wasaaraddiisa.
No comments:
Post a Comment