22 November, 2009

Guddoomiye Ku Xigeenka Guurtida Oo Shaaca Ka Qaaday In Tuulada Sayla Bari Loo Magacaabay Degmo Iyadoo Aanay Jirin Meel Ay Xukuumaddu Digreeto Ku Soo Saartay

Guddoomiye Ku Xigeenka Guurtida Oo Shaaca Ka Qaaday In Tuulada Sayla Bari Loo Magacaabay Degmo Iyadoo Aanay Jirin Meel Ay Xukuumaddu Digreeto Ku Soo Saartay
 
"Wasiirka Daakhiliga Ayaa Magacaabay, Xaflada Ayaanu Ka Cadeyn Doonaa, Madaxweynahana Inta Dadka Ay Isku Jiraan Ayuun Baanu Isku Jiraa" Sh. Axmed Nuux
 

Hargeysa, November 22, 2009-(Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida isla markaana hadda ah ku simaha guddoomiyaha, Sheekh Axmed Sh.Nuux Furre, ayaa shaaca ka qaaday tuulada Sayla Bari ee gobolka Maroodi Jeex in si rasmi ah loogu magacaabay degmo, xaflada wanqalkeedana 24-ka bishan November lagu qaban doono Sayla Bari. Isagoo intaa ku daray in beesha deegaankaasi ay codsadeen ay codsadeen in degmo loo magacaabo tilmaameyna in aanay madaxweyne Riyaale isaga dhoweyn shacabka Somaliland, waxanu xusay guddoomiyuhu in wakhtigii la magacaabay uu safar caafimaad ugu maqnaa dalka Sucuudiga.

Guddoomiye Sheekh Axmed Sh.Nuux oo xalay wargeyska Haatuf, khadka tilifoonka xog wareysi khaasa oo arrintaas ku saabsan kula yeeshay ayaa xaflada degmo nimada Sayla bari oo uu ku qoran yahay magaciisu isla markaana xukuumaddu si rasmi ah u faafin magacaabista degmonimo ee loo magacaabay degmonimada tuulada Sayla Bari oo aanu wax ka weydiinay magacaabisteeda ayaa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi " Sayla Bari degmo nimadeeda waxa la magacaabay bishii Ramadan ka hor xiligaasi oo aan safar caafimaad ugu maqnaa dalka Sucuudiga, waxana xaflada loogu wanqalayo la qabanayaa bishan aynu ku jirno 24-keeda taas oo ka dhici doonta tuulada Sayla Bari".
 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida oo aanu wax ka weydiinay in aan digreetada magacaabista degmonimada Sayla bari aanay xukuumaddu faafin balse lagu war helay kaadhadhka lagu tagi doono wanqalka degmadaasi cusub oo lagu war helay, arrintaa waxa sababay iyo cida magacawday degmadaasi waxa uu yidhi " haddaan digreeto lagu magacaabin siday u suurto geli kartaa in xaflada loo qabto in kastoo aan dibada ku maqnaa, wasiirka arrimaha gudaha ayaan hubaa inuu magacaabisteeda soo saaray"

S : Yaa u ololeeyay in Sayla Bari loo magacaabo degmo, mase la odhan karaa waa arrin siyaasadeed oo xukuumaddu beesha degaankaasi ku kasbanayso?

J : horta xilligii gobolada iyo degmooyinka cusub la magacaabayay ayaa odayaasha beeshu codsadeen in Sayla Bari loo magacaabo degmo, beesha ayaana codsigaasi iska laheyd wax khaas ahina ma jiraan oo goboladaa iyo degmooyinkaa la magacaabay ayay la mid tahay.

S : waxa lagugu tilmaamaa in aad tahay nin ay Madaxweyne Riyaale aad isugu dhow yihiin, magacaabista Sayla barina adigaa lagugu tix geliyay arrimahaasi maxaa ka jira?

J : qosol, arrinkaasi waa male, oo dadkuba way isku wada dhow yihiin oo waa Madaxweynihii dalka, dadka kale inta ay isku jiraan ayuun baanu isku jirnaa ee wax kaloo dheeraad ah oo aanu iskaga dhow nahay madaxweynaha ma jirto, magacaabista degmadani waxay ku timid rabitaanka odayaasha beesha

S : ma jirto ilaa hadda digreeto Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guduhu ay si rasmi ah ugu faafiyeen magacaabista degmada Sayla Bari, maxaad ku cadaynaysaa?

J : waxan kuu sheegayaa in magacaabista Sayla Bari aanu ku cadeyn doono xaflada wanqalkeeda ee loo sameyn doono.

 S : sida sharcigu dhigayo degmada buuxin weyda shuruudaha ku xidhan magacaabista degmooyinka way buraysaa, arrinkaasi muxuu kuula muuqdaa?

J : waa qaynuun dawli ah oo sharciyana meeshii is bixin weyda inay ka baxeyso meesha laakiinse wakhtigeeda ha la gaadho qiimeynta gobolada iyo degmooyinka.

No comments: