11 November, 2009

Dr. Gabboose oo Dardaaran Digniino Culus Huwan u Diray Komishanka Cusub

Dr. Gabboose oo Dardaaran Digniino Culus Huwan u Diray Komishanka Cusub

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Bariga ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa markii ugu horreysay shalay talooyin culus oo xambaarsan digniin iyo dardaaran u diray Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Dr. Gabboose shir-jaraa'id oo uu shalay ku qabtay xaruntiisa daaweynta ee magaalada Hargeysa, waxa uu xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ku tilmaamay rajadii ugu dambaysay ee tunka loo saaray inay dalka badbaadiyaan khataraha ka iman kara haddii markale doorashadu dib u dhacdo, isla markaana xilgudashadoodu ku xidhan tahay aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Sidaa darteed, waxa uu Komishanka cusub oo hawlo culus horyaallaan u hibeeyey talooyin kala duwan oo nuxurkoodu yahay dardaaran salka ku haya arrimaha u fududayn kara in ay guul ka gaadhaan masuuliyadda ballaadhan ee loo xambaariyey iyo digniino ku wajahan inay u noqdaan, si uga digtoonaadaan waxyaabihii fashiliyey saaxiibadoodii uga horreeyey xilka maamulka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsooma.

Warsaxaafadeed Dr. Gabboose shirkaa jaraa'id ka akhriyey, kuna soo bandhigay talooyin ka kooban 10 qodob oo uu si nasteex ah ugu diray xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka, waxa uu ku bilaabay sidan:

"Tiirarka ay ku taagan tahay dimoqraadiyaddu waxa ka mid ah inuu hoggaanka dalku ku yimaaddo doorashada dadweynaha, xilkana uu hayo muddo ku cayiman dastuurka dalkaas, waqtigaas oo aan sinaba loo dhaafi karin duruufo aafooyin oo si baahsan u asiiba mooyaane.

Inkasta oo aanay xaalad adag oo garawsiiyo mudan la soo dersin, haddana doorashadii madaxtooyadu dhowr jeer ayey dib-u-dhacday, taasoo abuurtay xasarad siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo sababay inuu dhiig ku qubto waddooyinka caasimadda Hargeysa.

Haddaba, wuxuu Komishanka maanta ua taagan yahay rajadii ugu dambeysay ee furdaaminta arrimaha doorashada ee cakiran. Somaliland waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, doorashadan oo ku dhacda si xor iyo xalaal ah iyo nabadgelyo, waxay u horseedi kartaa Somaliland inay qadarin kaga mutaysato bulshada caalamka, taasoo ku dheehan tahay, kula talinayaa;

1. Inay si joogto ah u dhiirrigeliyaan isku kalsoonida xubnaha dhexdooda, wadashaqaytooduna noqoto mid wadareed (team work) oo ku dhisan is-qancin iyo isu tanaasul, iyagoo ku wajahaya arrimaha daacadnimada iyo dhexdhexaadnimada ay ku wada dhaarteen.

2. Inay u wada arkaan hoggaamada xisbiyada ee tartamaya, inay yihiin saddex murrashax oo ku leh agtooda xuquuq qaran, iyaguna [Komishanku] isu arkaan inay yihiin garsooraha ugu sarreeya arrimaha doorashada.

3. Inay had iyo jeer, si daah-furan ula yeesheen xog-is-weydaarsi iyo wadatashi u dhexeeya iyaga iyo madaxda saddexda xisbi qaran, kuna baraarujiyaan inay wada xurmeeyaan heshiisyada dhexmara, sida xeerka anshaxa (Code of conduct) diiwaangelinta, iwm.

4. Inay ka fogaadaan dhaameelka iyo wax-is-dabamarinta xisaabaadka hantida doorashada, iyagoo yaqiinsan inuu musuqmaasuqu yahay xannuunka ugu xun ee ku dhaca dhamiirka ruuxa, keenana inuu qofku noqdo mid liita oo bahdilan.

5. Inay la socodsiiyaan dadweynaha haka ay mareyso hawshoodu, waxa u qabsoomay iyo waxa u dhiman, uguna gudbiyaan warbaahinta si joogto ah hawlaha doorashada iyo qaybta ay bulshadu ku leedahay habsami-u-socodkeeda.

6. Inay tababar waycigelineed u furaan dhammaan masuuliyiinta qaranka ee gobollada dalka (sida Guddoomiyeyaasha gobollada, madaxda deegaanka, ciidammada, iwm) si loogu iftiimiyo kaalintooda dhexdhexaadnimo iyo tan nabadgelyoba.

7. Inay fahmaan hab-dhaqankii iyo carqaladihii ka horymi Komishanka ka horreeyey, kana feejignaadaan wixii ay ku jabeen qoladaasi.

8. Inay kulan wadatashi la yeeshaan xubnihii Komishankii ugu horreeyey Somaliland ee uu hoggaaminayey Mr. Cadami oo ay waayo-aragnimo ka korodhsadaan sidii ay u daadihiyeen doorashadii tan la midka ahayd ee ay dalka ka soo gudbiyeen.

9. Inay xogogaal u noqdaan habkii loo maamulay doorashadii madxtooyada Kenya ee kal hore ee sababtya geeri badan (1300 qof) iyo barakac baaxad leh, khalkhalna gelisay qarannimadii dalkaas, taasoo tusaale xun oo aan la mahadin innoogu filan.

10. Inay xidhiidh dhow oo wadashaqeyn ku dhisan isxurmeyn la yeeshaan khubarada iyo wakiillada dalalka deeqbixiyeyaasha ee naga taakuleynaya habsami-u-socodka doorashada, lagana feejignaado cawaaqib xumad ka dhalan karta inuu soo noqdo mar kale jawigii dhiilada lahaa ee dhexyaalay Komishankii hore iyo hay'addii Interpeace.

Waxa hubbaal ah inay Komishanka horyaallaan duruufo qalafsan iyo jewi dulqaadkii iyo isu tanaasulkii sii gabaabsi yahay, waqtiguna yahay cadowgooda, damaaciguna indhotiri karo ragga qaarkii.

Waa marxalad taariikheed u ah naftooda [Komishanka] dadkooda iyo dalkoodaba oo ay isgarab yaalaan godob iyo eex guntoodu tahay gunnimo amma xaqsoor iyo geesinimo guntoodu tahay guul iyo gobonimo."

Intaa kadib waxa Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ka jawaabay su'aalo kala duwan oo suxufiyiintu ka waydiiyeen qaddiyadda uu ka hadlay ee Komishanka Doorashooyinka iyo aragtidiisa la xidhiidha caqabadaha isbarkan ee ka sokeeya qabsoomidda doorasho madaxtooyo si xor iyo xalaal ah dalka uga qabsoonta mustaqbalka dhow.



Jamhuuriya Online

No comments: