12 November, 2009

DALJIRE: Yaa iiga Horreeyay

By A. Geeljire

Dubbe:...Ukaadi,ukaadi. Waar bal intaynaan muranka gelin horta aan laba arrimood is dhaafino. Waa mide waa ayaamahii khayrka lahaa ee bisha xajka ee KU-xigeenkii sheikh AXmed Yusuf Yasiin In Ilaahay Caafimaad sareecanna siiyo oo nabad ku soo celiyo maxaa tidhaahdeen? Ha samaatoo ha la helo. Aamin. Haa dee illayn siyaasaddu inay bahalo inaga dhigto oo dadnimada inaga kaxayso maaha eh. Waa ta labadaade weligayba xafladahaan ka habsaamaaye jaamacadda Timacade ee Gabiley laga furayna hambalyo iyo bogaadin ayaynu u diraynaa haddaynu mafriska nahay ee haynaga guddoomaan. Waa ta saddexaade duco guud inoo wada duceeya in Ilaahay dad iyo dal iyo duunyaba inoo barakeeyo oo cidhib khayr leh inaga reebo. Maxaa tidhaadeen? Ha samaatoo ha la helo. Ku rid fooxa. Daaqadahana inaga yar fura. Nebiga ku salliya. Alaahuma salli wa sallim wa baarik caleeh.

Doolaal:Waaryee waa maalmaalintii uu suufiga noqon jiraye. Tolow muxuu isla wanaajinayaa manta.

Dubbe:Haddaba aan iska bilaabanee waxaan idin weydiiyay. Ninkan sheekha ah ee markii Komishan cusub la magacaababa Ina Rayaale Dirirdhabe ka keeno ee iminkana Ina Cambaro yar sido uuni muxuu ahaa? Me sheekhii berigii doorashadana wax akhriyi jiray baa?

Doolaal:Ma sheikh maxamed baad sheegaysaa?

Dubbe:Waar anigu wax kale garan maayee bal sheekhaa ha lays weydiiyo oo Komishanka wuxuu ka qabto ha lays weydiiyo oo Ina Cambaraya waxa ku maray ha lays weydiiyo oo wuxuu akhriyayo ha lays weydiiyo.

Doolaal:Waar waa caadi sheekho. Waa iska caadi weeyaan. Ha shakiyin.

Dubbe:Ta kale ee aan idin leeyahay is weydiiya Somalilandey waxa weeyey. Marka la leeyahay xukuumaddii baa nin soo qaban kari weyday siday wax u jiraan? Anigu waxaan qabaa inay xukuumadu qaldan tahay. Waayo markay sharcigii jeebka ku ridatay ee ay caddaalad darro joogta ah ku kacdo ee kolba lagu yidhaahdo CID da ayaa lagaa doonayaa adigoon waxba samayn, oo ay guddi nabad gelyo oo aan distoorka waafaqasnayni iska kaa xidho dee waxay noqonaysaa in dadku diido. Waxasi saw wixii laga dagaalamay maaha?

Doolaal:haddaan dadku sharciga u hogaansanaan dalku jiri mayo ee maaha in beeluhu rag difaacaan.

Dubbe:Waar ma Jamac Biin oo dhaxanta dhidida ayaa caddalad ah? Wuxuu yidhi. Ma maqlaysay. Waa ninka yidhi. "Nimanka boolisku doonayo marka hore dembi kumaanaan haysan ee markay xadhigii diideen baanu amar diido ku haysanaa." Haddan dembi lagu haysan muxuu boolisku u soo qabanayay? Ma Taliye Mooge ayaanu weydiinaa isna ha yidhaahdo ma ogiye. Waar dalkan sidan ka daaya waxaa waddaan waanu ognahaye.

Doolaal:maxaanu wadnaa? Waar qabo taleefankan dhacaya. Ma kagiiba.

Dubbe:mee? Aniga kaygu sidaaba uma ciyo eh. Aar bal cumaamadda kor u qaad. Qaadka qaad. Beladu halkuu ka qaylinayaa.

Doolaal:Waakan waakan ee hoo. Go'ye iska daa. Waa lambar debedda ah.

Dubbe:Haa. Lambarkaan gartay. Waa nin dhallinyaro ah oo Ahmed Quick baa lay yidhaahdaa buu yidhi oo xalay buu ila soo hadlay oo su'aalo badan i weydiiyay. Inaan anigu wax walba ogay buu moodayaa.

Doolaal:Muxuu ku weydiiyay?

Dubbe:Wuxuu yidhi inaan imaadaan doonayaa dalka iiga warran. Adigu hadla wayska badnaaye waxaa ugu door roonaa, waxaan ku idhi qoladiina qurba jooggu markaad timaaddaan kollay Ina Rayaale waa u tagtaane aan dabeecadihisa wax kaaga sheego. "u tagi mayo" buu yidhi. Yeelkee iska dhegeyso baan idhi. Waxaan idhi markaad u gasho ciddii kaaga horreysay baad ama hadlakiisa ama wejigiisa ama ficilkiisa ka garanaysaa. Waxaan idhi markaad u gasho

Hadduu Habar Awal kula caayo ama ka cawdo oo yidhaahdo "xaafad halkan ah iyo labadeeda joornaal baan khaati ka jogaa. Cawil baa kaaga horreeyay.

Hadduu yidhaahdo Berbera wixii dekedda galbeedkeed ka xiga Adan Ciise cidi kuma weheliso.Kuxigeenkii baa kaaga horreeyey

Hadduu dumarka Kulmiye iyo xaasaska kulmiye wax ka sheego Cabdillahi Ducaale ayaa kaaga horreeyay.

Hadduu kuugu dhaarto inaanu jirin nin Dhulbahante ah oo Somaliland aaminsane. Qaybe ayaa kaa horreeyay.

Haddaad u gasho isagoo kaalkulatar(calculator) ku foorara oo gawdaa ku haya. General Nuux baa kaaga horreyay oo xisaabtii caaglaha ayaa is qaban la'.

Markaad u gasho haddaad aragto isagoo shandad ku sii riixaya miiska hoostiisa. Cali Xoorxoor baa kaaga horreeyay.

Hadduu markaad u gasho ku yidhaahdo xoghaynta. "axmedow hadda orodoo inta guri ee dhismuhu ku socdo shacabka soo qor." Siciid Sulub baa kaaga horreyay oo xisaab qalday.

Hadduu yidhaado Qof sharciga ka weyni ma jiro waa in la xidhaa iyo hanjabaad. Cali warancadde ayaa kaaga horreeyay.

Hadduu ku yidhaa waa inoo berri meel baan waxoogaa ka sugayaa. C/raxman Farax sugaal baa kaaga horreeyay.

Hadduu Habr Jeclo wax yidhaahdo oo ku dhilo Xaji Cabdi Waraabe ayaa kaaga horreeyay.

Hadduu Maraykan kaaga sheekeeyo oo yidhaahdo Republican ka ayaa inoo wanaagsan oo ina ictiraafayay. Sacad sheikh baa kaaga horreeyay.

Hadduu yidhaahdo. Axmedow kiniinkii madax wareerkaa ii keen. Jug-soo-dhacay baa kaaga horreeyey oo deymankii xisbiga iyo lgacayowgii crruuraha iyo dadka aaska ka sii dareeray ee la soo duwey ee la yidhi xisbiga ayay ku soo biireen lagu kharash gareeyay.

Haddaad aragto isagoo fayl buluukiya la taagan. Maxamed Baarjeex baa kaaga horreeyay oo jagadiisii shacabka arjigeedii 250 aad ee uu us oo qortay weeyaan.

Hadduu Iraan kaaga sheekeeyo iyo sida adhigeena loogu iib geyn karo. Adan Baradho oo beri wefti Rugta Ganacsiga ah ku tegey Iran baa kaaga horreeyay.

Haddaad u gasho isagoo leh. Bal yaa isagaa waxaa u dirtay? Ina xaaji Daahir baa kaaga horeeyay oo arrimo aan loo diran daf iska yidhi. Mana eryi karo oo Xaaji Daahir buu ka baqayaa.

Markaad u gasho hadduu wejigiisa qushuuc ka muuqdo iyo farxadi oo isha bidix yareeyo isla markaa aad moodu inuu ku dhaafsiisan yahay. Badhasaabkii Boorame ayaa kaaga horreeyay oo hawshii uu Maxed Case iyo Habar Cafaan ka qabtay iyo siduu u kadeeday uga sheekeeyay.

Haddu markaad u gasho yidhaahdo. Axmedow(xoghaynta) tigidhka London waa imisa. Axmed Xaashi , wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa kaaga horreeyay.

Hadduu kaaga sheekeeyo sida loogu baahan yahay in xukuumaddu dhulka ay leedahy ugu baahan tahay inay lacag ku bedelato oo hawlo ku fuliso. Ina Aw Siciid baa kaaga horreeyay.

Hadduu af Ingriisi kugula hadlo. Cali sanyare ayaa kaaga horreeyay.

Hadduu ku yidhaahdo ictiraaf looma baahna ee dhaqaale ayaa ka horreeya. Xasan Gadhweyne oo sheekhii Kuwait war ka siday baa kaaga horreeyay.

Haddaad u gasho isagoo taagan oo jeebka surwaalka oo soo baxay dib ugu celinaya. Buur madow baa kaaga horreeyay oo baadhay.

Hadduu kuu sheego cidii mafriska idinla fadhiday shalay iyo waxay lahaayee. Ibraahim Yey baa kaaga horreeyay.

Hadduu yidhaahdo Axmedow lambarkii Muxumed Aw Axmed ii dhiib. Oday Saleebaan baa kaaga horreeyay.

Hadduu faylkii xisaabta gurmadka dedegga ah dalbado Axmed Daud, agaasimaha Guud ee Maaliyadda ayaa kaaga horreeyey oo u sheegay inaan lacagi ku jrin xisaabtaa.

Hadduu ku yidhaahdo Kulmiye nin jecel iyo nin neceb ba waa qaran dumis. Xasan Mawlid baa kaaga horreeyay oo ku yidhi. Madaxweyne xisbiyada qaranku waa xisbayadeenii taageerayaashooduna waa umaddeenii oo dad walaalo ah ayaynu nahay.

Haddaad wax Alla wuxuu ku hadlayo garan weydo oo aad af Xabashi mooddo oo inamo yaryar oo la xidhay oo rabshad waday oo xaafadaha Xawaadle iyo Koodbuur ah,iyo mu'aamarad isaga lagu waday oo la fashiliyay iyo wax la mid ah oo aan sakaaro ka biirsan oo been ah kaaga sheekeeyo. Cabdillahi Cirro ayaa kaaga horreeyay.

Markaan halkaa marayo ayuu yidhi. Waar illayn ninka baastada ayaa ka gubata, muxuu doorasho ku doonayaa haddaa? Maxaad u jeeddaa baan idhi. Wuxuu yidhi. Dhanka qurbaha qofkii wax ma tare ah ee aan waxba lagu hallayn Karin ayaanu nidhaahnaa baastada ayaa ka gubata waayo meesha raga ayaa wax kariya markaa baastaduna inyar bay ku bislaataa biyahana waa laga miiraa ee lama liqsiiyo. Waxaan ku idhi anagu wax ma karinee waxaanu nidhaahnaa "ceesaan ama waxar jabtay lagu aamini maayo qofkaa."

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

Geeljire

No comments: