25 October, 2009

Taariikh Nololeedka Dahir Rayale: Heile Selassie Mise Charlos Taylor

Taariikh Nololeedka Dahir Rayale: Heile Selassie Mise Charlos Taylor?

africanLeadersII

Photo (from left) xaga bidixda – Nkrumah -Ghana, Banda -Malawi, Balawa -Nigeria

HARGEYSA – Inkastoo Somaliland ayna ahayn wadan la ictiraafsan yahay; madaxwayne Rayale uusan ahayn madaxwayne aragti, aqoon, iyo karti ku hanan kara aqoonsi iyo taageerada shacabka hadana wuxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha soo maray Somaliland oo raad wayn ku yeelan doona halka taariikhda Somaliland ku danbayn doonto 20 sano ee soosocda.

Wadamada Afrikada galbeedka ayaa waxay soo sooraan halyeeyo waawayn oo dalalkooda iyo shacabka caalamkaba raad wayn ku yeesha iyagoo u halagamayey xornimo, wadajirka shacabka Africa, iyo horumarka bulshada; Halyeeyadaa waxa ka mid ah Kwame Nkrumah, Keneth Kaunda,  Gamal Abdel Nasser, Leopold Senghor, ama Thomas Sankara, halka dhinaca kale ay kasoo jeedaan Heile Selassie iyo Charles Taylor sumcad badan aan ku lahayn dalalkooda iyo xaga caalamka marka laga reebo waxooga xabashiga taageeraa maadaa oo uu Soomaliya dhul ka xoraystay.

Hadaba hogaamiye walba oo u dhashay dhinaca Africada galbeed waxay ahaayeen aqoonyahano ay ka go'an tahay qadiyad sax ahi oo raba inay dalkooda hore ugu qaadaan. Waxay ahaayeen aqoonyahano intooda badani wax ku bartay dugsiyada reer Yurub ee dalkooda ku yaala ama jaamacadaha dalalka waawayn sida Maraykanka iyo ingiriiska.

sida Nkrumah ama Seghor oo labuba ahaa aqoonyahano Maraykanka iyo Faransiiska wax ku bartay oo dalkoodana ku dabaqay; Nkrumaha oo la afganbiyey 1966 una haajiray dhinaca Guenea halkaas oo uu qoraalo badan iyo buugaagba ku qoray kadib ku geeriyooday halkaas 1972kii; halka Senghor uu ka ahaa madaxwayne lasoo doortay 1960-kii ee dalka Senegal – wuxuu ka degay kursiga 1980-kii; Seghor wuxuu macalin jaamacadeed ka noqday dalka Faransiiska ka dib wuxuu geeriyooday dhawaan 2001 – kii laguna aasay Dakar, Senegal.

Labadan nin Nkrumah iyo Senghor-ba waxay ka mid yihiin hogaamiyayaal aan wali ka dhalan jinsiga Soomaaliga marka laga reebo Adan Cade oo isagu nabad ka doorbiday inuu taariikh ka tego. Halka Siyad Bare uu u ahaa nin aad qabyaalada u jecel aadna u caqli badan. Xassan Guledna wuxuu ahaa nin aad u dal jecel, aqoon badan aan lahayn raad wax ku ool ahna aan uga tegin jiilalka ka danbeeya ee reer Djibouti. Waxa soo hadhay Dahir Rayale oo horkacaya dawlad aan lla ictiraafin. Isaguse wuxuu ka doorbiday hanti inuu magac ama taariikh waarta uga tego jiilalka ka danbeeya ee reer Somaliland. Dadka aqoonta u leh Dahir Rayale waxay ku tilmaamaan nin noqon lahaa baayacmushtar wayn hadii uu fursad u heli lahaa laakiinse uusan ahayn hogaamiye.

Wakhtigiisii ayaa sii dhamaanaya isagoon wax taageero ah ka haysan shacabka Somaliland marka laga reebo dhawr qof oo qolo iyo jeebka ku taageera. Waxa sii yaraanaysa dalka uu ku noolaan doono marka kursiga wakhtigiisu dhamaado isagoon ahayn nin wax teelo ah u dhigan shacabka reer Awdal.

Fursad uma laha sida Senghor inuu buugag qoro ama jaamacado wax ka dhigo hantida guryaha kirada loogu jiro iyo mushaarada cashuurta Somaliland waa ku meel gaadh.

waxa intaa dheer iyadoo ay sugayaan in sharciga la'la tiigsado haduu isku dayo inuu ku noolaado wadamada reer Yurub oo lagu soo oogo insku dirka shacabka, dilka shacab aan waxba gaysan iyo hanti boob.

Wejiga gegabo ee tariikhda Rayale  waxay u eegtahay mid ku dhamaanaysa taa Charlos Taylor-ka Liberia oo isagu ku xidhan dalka Holland oo loo haysto danbi dagaal iyo shacab gumaadid (War Crimes, and crimes against humanity).

Dahir Rayale ayaa u guntanaa intii uu xukunka hayey inuu shacabka Awdal uu god ku rido ayna kasoo bixin. Isagoo degaano dad ku wareejiyey kuwo kale. Isagoo hantida qaranka u isticmaala isku dirka iyo kala dilka shacabka isagoo u haystay inuu guul ka gaadhayo ayna u cadaatay inuu isagu kaligii maanta cidla joogo isagoo wax taageero ama soo dhawayn ah ka sugayn shacb waynaha Awdal iyo Somaliland guud ahaanba.

Waxa la'is waydiinyaaa halka uu noloshiisa ku qaadan marka uu Hargeysa oo cidlooyo? xalka kaliya ee u banaani waa inuu Ismacil Cumar Gele isku dhiibo ama dalalka carabta oo uu hantidii shacabka mudo uu ku cuni karo.

Maxamed Adan

SayliciPress.net – Staff Writer

No comments: