15 October, 2009

SAXANSAXO IYO SASKA MADAXTOOYADA

Saxansaxo, wargeyska Madaxa bannaan oo Maamulka Riyaale ku amray in ay dhismihii ay ku jirtey ka baxdo, wax kale lagama raacin ee ayaamaha uu Madaxweynaha Xilku ka dhammaadey uu Muddo-dhaafka ku fadhiyo, Kursigii Hoggaanka Dalka tirintiisa ayey Madaxtooyadu ku qardooftey, waayo, qorsheheedu waxa weeye in aanay gar iyo Gardarroba , midnaba ku banneyn ee ay Kolba geed ugu soo xoqato Ummadda ay ku laaleyso Doorasho dhacda!! Madaxweyne Riyaale isaga oo og in aanu lahayn awood uu shakhsi ahaan isku hortaago Marwo Ilhaan oo Kulmiye u soo Magacaabey Xubintiisii Guddiga Doorashooyinka qaranka ayuu  dhufeys muran oo Dastuuriya ka dhiganayaa haddana!!  Waa deedafeyn sideeda u taalla oo Heshiiskii lixda qodob ahaa ee Beesha Caalamku dhexdhexaadisey!! waana ku noqosho halkii aynu k soo hinqanney dhawr toddobaad ka hor!!
 
Wargeyska Saxansaxo iyo qoysaska ku jira isla dhismayaasha sekadda Wargeyska ee ay Sarkaalka Ciidanka iyo ka midka yihiin, Darawalkii Cigaal ee Madaxweyne Qaran sifaha qaran ku siiyey Dhismaha hudheelka uu hadda haysto, Intuba Madaxweynuhu wuu moogyahay inay yihiin Muwaadiniin Xuquuq asaasiya leh oo Dastooriya , awood mansabna aan lagu durreyn karin . Waa ka Muwaadinka dhismaha la siiyaye, Madaxweyne Rioyaale Dhisme iyo Dhul uu qaranku lahaa uu dad siiyey way badan tahaye, Muxuu kanu kaga duwan yahay? Dawladda waxa xil weyni ka saaran yahay daryeelka bulshadeeda ee maaha dibad u tuuridda Bulshada. Qoysaska maanta lagu amrey in ay ka baxaan Guryaha ay degganaayeen Dawladdu ma u diyaarisey, guryo ay u guuraan, haddii aanay jirin, xaq looguma laha oo waxba kagagama duwana, kumannaanka qoys ee nabadda ku deggan Guryaha Dawladda!!
 
Saska Madaxtooyadu ka sastey tirinta ayaamaha Muddada xilka korodhsiimihii ugu dambeeyey uga hadhey ee 29ka 0ktoobar, iyo muddadan furan ee goorta ay Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Qaranku magacaabi-doonaan , iyaga oo ka duulaya go'anka ay khubarada Serverku ku qotomin doonaan, waqtiga la qaban karo Doorashada ee uu durba Madaxweynuhu , hortaagan yahay Xubnihii ay ha'adaha Dastuurku u xilsaarayo soo magacowgoodu u gudbiyeen Golaha Xildhibaannada , intuba waxay inoo sheegayaan in Madaxweyne Riyaale Awood Bulsho oo Muquunisa Mooyee aanu Xeer, Qaanuun , Dastuur, iyo Guddiyo Dhexdexaadin, Midnaba kaga baxeyn Madaxtooyada. Waa Dalbasho cayaartii Khamiistii labaad oo kale Mar labaad la holliyo, tan oo markan, cadho wehelineyso oo inay karaar dhaafto ay dhici karto!! waana mid ay Ummaddu wax badan is-diidsiineysey.
 
Hadal mid ah laba lagama dhigo'e, Somaliland Ictiraaf waxay ku muteysan kartaa, Geeddiga Siyaasadeed oo lagu dhammeystiro Doorashadan keliye ee hadhey. Madaxweyne Riyaale ayaa hortaagane, Wixii laga yeelayo in la gaadh berriga Qarammada hirgaley in layska riixo haddii uu shaadhkiisa ka batey ayey runtu taagan tahaye in laga warwareego maaha!! Hunuu-Hunuu hadal maaaha ee sax iyo qalad mid uun ummaddan , Distaida madax kula jirtaa ha la timaaddo ee yaan xalaqad madhan lagu meereysan oo 19 sano hore ugaga luntey Dalka!! Khalad Dambe oo loo khaldamo Maamulkan waxay dhaleysaa in Darafyo aan imika cidi hadal hayn oo cusub ay fursad u helaan, intaba fadhiista ay ku yiodhaahdaan!! Talo waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaadhi weydo!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed

No comments: