15 October, 2009

HAATUF 15/10/2009

"Wasiirku Iska Horkeenka Iyo Xaaladd Abuurka Uu Sheegay In Warbaahintu Joojiso, TV-Qaranka Iyo Radio Hargeysa Ma Ku Jiraan,VOA-Da Waxa La Qoraa Janaqaw,Yabaraw,Iyo Tiifaw"

Muuse Biixi Cabdi

"Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Xisbigiina Waxa Fadhiya Wasiiradii Halkan Ka Baxay Anaguna Halkaayaanu Fadhinaa"

 Madaxweynu Ku Xigeenka

Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay ka qayb galay isla markaana furitaankii xaflad loo sameeyay mawjada FM ee Ee Idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga Hargeysa laga Furay oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayey Masuuliyiinta Sare ee xukuumada Rayaale iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay isku waydaarsadeen khudbado siyaasadaysan oo weerar iyo weerar celin isugu jira, taasoo madashaasi ay isku badashay madal ay xukuumada iyo hogaamiyaasha mucaaridku dhaliilo uga soo jeediyaan maamulka idaacada iyo hab dhaqanka shaqo Qorista ee VOA-da.

Guddoomiyaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Inay Qaramayso Tv-Ga Iyo Radio Hargaysa

"In Hub Ka Dhis Lagu Sameeyo, Oo La Qarameeyo Tv—Ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa" Gudoomiyaha Wakiilada C/Raxamaan Ciro

Hargeysa October 15, 2009 (Haatuf)-Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaam Maxamed C/llaahi Ciro, ayaa duray TV-ga qaranka iyo Idaacada Radio Hargeyasa aanay ahayn ha'ado qaramaysan oo hay'adaha qaranka si siman ugu adeega, isagoo intaa kudaray in labadaa hay'adood hub ka dhigis lagu sameeyo, laguna qarameeyo hay'adaha qaranka ee kale.

Iskutuurtuurka Xubinta Komishanka Ah Ee Udub Iyo Kulmiye Maxay Bilow U Noqon Karaan?

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Tan iyo markii bulsho weynta reer Somaliland, dalalka deriska ah iyo qaadhaan-bixiyeyaashu xaaladda siyaasadda Somaliland kusoo dabaalleen meel laga dhaqaajin karo arrimaha doorashooyinka loona baabiiyo cadhada iyo cadaawadda siyaasadeed ee laba bilood kudhawaad reer Somaliland la jaaha wareereen ayaad mooddaa in mar kale labada xisbi ee ugu waaweyn dalku bilaabeen ficiltan siyaasadeed oo dabada ku wata arrimo hor leh.

"Madaxweynaha Ayaa Carqaladaynaya Dhamaystirka Komishanka, Waxaanu Ku Fashilmay Ictiraafkii Iyo Horumarkii Dalka"

 Guddoomiye Xisbiga Kulmiye Axmed Siillaanyo

Hargeysa, October 15, 2009 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu carqalad ku yahay dhismaha Komishanka cusub, isagoo intaa ku daray in maamulka Dalka Ictiraaf iyo horumar gaadhsiiyo.Guddoomiye Axmed Siillaanyo ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi ay la yeelatay idaacadda VOA-da, kaas oo talaabo qaldan ku tilmaamay xubintoodii Komishanka ee madaxweyne Rayaale ku soo celiyey laba jeer waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

Kulmiye Oo Mar Labaad Dib Ugu Celiyey Madaxweyne Rayaale Xubintii Ay Komishanka U Soo Xuleen

Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Ayaa la sheegay shalay inuu dib ugu celiyay Madaxweyne Rayaale xubintoodii komishanka doorashooyinka ay u soo xuleen ee Marwo: Ilhaan Maxamed Jaamac, oo maalintii dorraad uu dib ugu soo celiyay Madaxweyne Rayaale Xisbiga Kulmiye.nkastoo aanuu war rasmi ah xisbiga Kulmiye ka soo saarin xubintooda komishanka doorashooyinka dibu celinteeda,

"Aniga Saddexdaydii Xubnood Waa Iga Diyaar, Kulmiye-Na Wada Hadal Baa Nooga Socda Si Gabadhaasi Loo Bedelo"

Madaxweyne Daahir rayaale

Hargeysa, October 15, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa sheegay in gobol kasta oo ka mid ah Somaliland ay joogaan dad aaminsan midnimadii soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in siyaasiyiinta ka soo jeeda Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle ee ku shiraya Nairobi ay yihiin Ashkhaas aaminsan Soomaali Weyn, kaas oo tilmaamayna in taladu ka godo shacabka gobolada Jooga, b

Jahawareerkii Socday Afarta Toddobaad Ee Gilgiley Somaliland!

Doorkii Madaxweynaha, Baarlamaanka, Dhexdhexaadiyaashii Iyo Furayaasha!

Dr. Mohamed-Rashid Sheikh Hassan

Afartii toddobaad ee ugu dambeeyey Jamhuuriyadda Somaliland waxaa soo marey mid ka mid ah xaaladihii u darnaa uguna khatarsanaa intii ay xornimada la soo noqotay. Marxaladaas darani waxay ahayd mid ay sababeen ismarinwaaga siyaasadeed iyo qaanuun ee u dhaxeeyey asxaabta siyaasada Somaliland ku hardamaya. Dhinaca kalena, hay'adaha sharci (the parliament) dejinta iy madaxweynaha.

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa
Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Suldaanka guud beelaha Subeer Awal Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Garaad Boon oo muddooyinkii ugu dambeeyay xanuun u jiifay ayaa xalay ku geeriyooday Abaaro Tobankii Fiidnimo Gurigiisa oo ku yaalla xaafada Xera Awr degmada Kood buur ee Magaalada Hargeysa.Taasoo marxuumka suldaanka guud uu ka mid ahaa salaadiintii Somaliland ee qaybta laxaadle ka soo qaatay dibu xoraynta iyo dibu dhiska Somaliland,

Ciidanka Bileyska Burco Oo Qabtay 1013 Ltr Oo Khamriya

Burco, October 15, 2009 (Haatuf) - Ciidanka Bileyska Burco ee gobolka Togdheer ayaa maalintii shalay magaalada Burco kuqabtay 1013 Liter oo khamriya, kaas oo ku jiray quraarado ayaa sida ay sheegen saraakiil ka tirsan Bileysku loo waday magaalada Bosaaso ee maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Dhalinyaro Gaadhaysa 400 Oo Xisbiga UDUB Ka Soo Digo Rogtay Kuna Biiray Kulmiye

Burco, October 15, 2009 (Haatuf) - in ka badan 400 afar boqol oo dhalinyaro ah oo xisbiga udub ka soo diga rogatay ayaa shalay ku soo biiray xisbiga kulmiye.
dhalinyaradan oo ay wateen guddomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada ee xisbiga UDUB ee gobolka Sool,

Guddi Beeleedka J/Yoonis (Samarroon) Oo Go'aanno Kasoo Saaray Magacaabista Suldaan Guud Oo Beeshu Yeelato Kadib Geeridii Suldaan Gurey

Boorama, October 15, 2009 (Haatuf) - Guddi beeleed ay leeyihiin ardaayada beesha J/yoonis (samarroon) ee uu kasoo jeeda Madaweyne Rayaale ee deegaanka Boorama ayaa digniin ka bixiyey cid kastoo isku dayda inay arrimaha beeshaasi u yaalla keligeed kaqa hadashoama ka taliso ay tallaabo ka qaadi doonaan ,isla markaana qabtay wakhti beeshaasi ku dooran karto suldaan guud oo buuxiya xilkii beeshaasi ee uu ka banneeyey marxuum Gurey nuur oo dhawaanta geeriyooday.

Wadanka Yaa Iska Leh ?!

Tifaftiraha Wargayska Al Haatuf Al Carabi : Maxamuud Jaamac Axmed

Maadaama aynu soo sheegnay labadii todobaad ee ina dhaafay in mushkiladii siyaasadeed ee Somaliland ay wali taagan tahay oo heshiiskii dhacay uu ahaa kaliya dub u dhigis Mushkilada taagan, sidoo kale maadaama aynu soo sheegnay in mushkilada salkeedu uu yahay saddex Nin oo maroorsaday Masiirkii ummada maadaama aynu soo sheegnay in xalka dhibaatooyinka taagan ay ku xidhan tahay shacabka Somaliland oo door wanaagsan ka gaysta sidii uu u taageeri lahaa sharciyada,

Indho Xanuunka Q1aad

Laxaadka indhuhu wuxuu ka kooban yahay kubada isha iyo wixii soo raaca ee xidido dareen iyo kuwa dhiig intaba leh,waxayna xidhiidh wadaagaan saldhiga araga ee maskaxda ku yaal.
Wixii khalkhal ku yimaada goobahaas ayaa loo yaqaanaa xanuun,waxaana isha binu aadamka lagu tilmaamaa mucjiso sideeda uga wayn cilmiga maanta yaala aduunka taasi oo dhawaan dhakhaatiir faransiis ah iyo kuwa lubnaaniyiin ahi ogaadeen in qayb maskaxda ka mid ahi timaado isha.

Qoyska Ugu Carruurta Badan Caalamka 

Weligaa ma ku fikirtay in qoyskaagu noqdo ka dunida ugu tirada badan? Kollayba jawaabtaadu waa maya.Haddaba weli ma maqashay qoyska reer Duggar? Waa qoyska lagu tilmaami karo inuu yahay qoyska dunida ugu tirada badan, wuxuu ka kooban yahay 18 carruur ah, aabbahood iyo iyo hooyadood.Qoyska Duggar waa qoys jira, oo ma aha arrintoodu sheeko ama qiso flim, aabbaha reerka Jim iyo maamada Michelle waxay is barteen 1980, 4 sano kaddibna way is guursadeen,

No comments: