Waxa ka horreysey ishortaaggii Maamulkan ee Shaqadii ay Marwo Aamina Weris tartanka aqooneed kaga heshay xilka Hay'adda "Care International, Waxa dabasocdey, inqilaabkii qoriga caaradiisa Ururkii Shuro-net ee Xuquuqal Insaanka Somaliland ee ay Marwo Samsam ka madaxa ahayd , lagu inqilaabey ee dad uu Maamulku wato, wasiir ku xigeenka Caddaaladda ,yuusuf Tallabo oo xaakim iyo Askar wataa, sidii Tawraddii Afweyne xilka tiri ama waan ku xidheynaa ku yidhi !! Waxa ka wada horreeyey Aflagaaddadii Maamulku u geystey Astaantii Halganka ee Dalkan Raaqiya Oomaar oo Dalka qiime aan intii Faash ku noolka ahayd garaneyn ku leh iyo quluubta Muwaadiniinta, wixii ka gaadheyna la ogaa!! Kolka lagu daro, labadii hablood ee Idaacadda Radio Hargeysa uu Wasiirka Riyaale Xijaabka sababta uu shqada kaga joojiyey uga dhigey, waxa muuqata in shaqadii loo doortey mid aan ahayn maamulkni hayo!! La dagaallanka Bulshada inteeda mudan Rag & Dumarba!!
Maamulkani wuu ka baxay mandaqii iyo Caqligiiba , sabab ummad Dasrtuur leh uu saddex Sano iyo Bilo sharci dhalanteed iyo Riwaayad khiyaamo ugu madadaaliyaana meesha ma taallo oo waqtigan lagu lumnayo Xeeladaha iyo Xaalad-abuurku, Cadowga Dalka ayey u adeegayaan, Siyaasad ahaan, Argagixiso ahaan, iyo Sumcad ka Dilba. Bal qiyaasa 3.5 miliyan Muwaadin oo uu hadba heshiisyo aanu ujeedin fulintooda kula gelayo Xisbiyada Mucaaridka , muddadu marka ay dhmmaatona , Mushkilad hor leh la imanaya!! Reer Somaliland waa inay is-weydiiyaan ma in Askarigan soo lug-go'ay wax loo sheego oo uu isagu ka ummadda dhegeysta rabitaankeedaa, mise in hadba Cantar-baqashta uu qubayo laga hoos qaado, oo sidii Cawaankii loo daba socdaa?!!
Sabab uu Xil ugu hayo Ummadda nin khiyaamo qaran faraha kula jira ma aragno, sabaq uu Madaxweyne Xilkii ka dhammaadey , saddex Sano ugaga lumiyo Dalka Muran macno darro ah ma aragno, sabab loogala doodo hadallada iska hadalka ah ee uu ogyahay in aanay waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dalka ee uu isku qancinayo in Xubno ay soo Xulistood leeyihiin Hay'adfo Dastuurku qeexayo , isaga oo Tartame Madaxweyne u sharraxan uu sida raalli gelineysa u Sallaxdo Guddiga, celiyona kuwa uu is-leeyahay waxba kaa dhegeysan maayaan. Dawladnimo Xal laguma wado ee Xul iyo Fulin shuruuceed oo Caddaalad ku dhisan ayey ku amboqaaddaa!!
Somaliland waxay ku khasban tahay in ay mar labaad u hinqato sidii khamiistii, si wadaadkan Xiddigaha Cirka sidii uu ka yimid, ka aqoonta la' xilka uu hayo sidii uu u hnan lahaa!! in uu yahay Adeege ay Bulshada uu la Dagaallamayaa, tahay ta xilka u dhiibatey.
Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah , waxa looga fadhiyaa in ay waxan oo Suurad Foolxun maamulku Dalka ka bixiyey ama ka kasbadey iyaga oo ka duulaya, ay Sharciga ku horjoogsadaan sharci darrada sii fideysa. Adeer Riyaale Uma Dubjirin, uma qixin , Madax uma xabnuunin, markey higtu dhacaysey lagu xoreynayeyna inta xasuuqeysey ayuu ku jirey, Maantana guul ugu filan in ummadda oo indhaha kala haysa uu Xooleheedii Carab ugu xidhey qiime dhul-yaal ah, iyga oo shaqo la, isla markaana Boolisadda ay Xoolahanu kaga dhoofayaan jabuuti ay ku sheegeyso Xoolo Jabuuti Leedahay!! Beeyadii iyo labadii warshadood ee Kalluunka ee Laas-qoreyna uu Maamulka Budhcad badeedda ah ee Puntland , Daawo Siyaasadeed oo isbahaysi kala yeesho, Sanaag barina ay hadiyad ahaan u maamushaan!! Haddii uu wax garan waayana shandado keli ahi ka yaallan oo iskaga tegaya, Mas'uul wax uu yeelay Dal iyo Bulsho mooyaane aan shey la taabto ku soo kordhin Dalka wax uu ka xaraasho intii ugu yimid mooyane, Masiirka Ummadda laguma Aamini karo!!
Kuwanna haddii ay ku daba socdaan sidan, qudhooda ayaa Draculeyaal noqonaya inoo dhuuntey!! Mas'uul kursi aanu muteysan ku-dirirkii , bulshadii Xilka sida xorta ah ugu doortey amrey in rasaas nool lagu furo iyo ku geystey Dhimashada iyo Dhaawaca, maaha in lagu eego Dalka iyo Ummaddaba. Waa jariimad Dalka iyo Ummaddaba la gelayo, maalinta uu sii fadhiyo hoggaanka dalka, Mas'uulkan Xilku ka dhammaadey ee sooyaalkiisa hawleed ka soo horjeedo Somaliland iyo Bulshadeeda ee bal qalin iyo warqad qaata oo qora !!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.

No comments:
Post a Comment