Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Guurtida Oo Si Weyn Isugu Maandhaafay Dib U Soo Celinta Xubnihii Komishanka Iyo Axmed Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Ka Fikirayo Codsi Uu Rayaale Kaga Dalbaday Belelaada Xubintooda
Hargeysa October13, 2009 (Haatuf)-Madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyaha golaha guurtida Saleebeen Maxmuud Aadan oo kulan ay shalay ka yeesheen hindise ku saabsan dib u soo celinta xubin ka mid ah labadii xubnood ee shirgudoonka guurtidu ay u xuleen komishanka doorashooyinka ayaa la sheegay markii uu madaxweyne Rayaale u soo bandhigay gudoomiyaha guurtida inuu soo bedelo xubinta ay usoo magacaabeen Komishanka Xasan Siciid Yuusuf la sheegay inuu hindisahaasi gaashaanka ku dhuftay gudoomiye Saleebaan, taas darteedna markii ay isku fahmi waayeen islamarkaana ay si weyn ugu kala aragti duwanaadeen ay ku kala kaceen kulankoodii, iyagoo wax natiijo ah ama is afgarad ah ka gaadhin.
Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo qasriga madaxtooyada shalay kulankoodu ku qabsoomay ayaa waxay ilo xogogaal ahi ay tibaaxeen, in kulankoodaasi oo ay kaga wada hadlayeen magacaabista xubnimada komishanka doorashooyinka ay u soo xuleen shirgudoonka guurtidu tafatirihii hore ee wargeyska Jamhuuriya Xasan Siciid Yuusuf, oo ka mid ahaa labadii xubnood ee komishanka ay u soo xuleen shirgudoonka guurtidu, uu madaxweyne Rayaale ku tilmaamay in xukun maxkamadeed ku dhacay, islamarkaana uu u soo jeediyey gudoomiyaha guurtida inay soo bedelaan soona magacaabaan xubin kale hase yeeshee ilo wareedyo Haatuf u xaqiijiyey waxay sheegeen in hindisahaasi rayaale uu Md Saleebaan gaashaanka ku dhuftay kuna adkaystay inaanay soo bedelaynin xubinimada ay u soo magacaabeen Xasan Siciid Yuusuf, kuna dooday in la soo bandhigo xukunada maxkamadeed ee ku dhacay, taas oo wararku intaa ku darayaan markii madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha guurtidu ay wax isfaham ah ka gaadhi waayeen mawduucaasi ay ku kala kaceen.
Inkasta oo aan si rasmiya loo ogayn in madaxweyne Rayaale soo bandhigay natiijo ka soo baxday baadhis la xidhiidha kiisaska uu ku durayo, hadana waxa la sheegay inuu maanta ahaan u soo gudbin doono faylka durista
Dhinaca kale madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo, oo iyaguna kulan ay qasriga madaxtooyada shalay ku yeesheen oo ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha khilaafka ka dhashay dib u soo celinta marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, oo xisbiga Kulmiye u soo xulay xubinimada komishanka doorashooyinka in ay ka mid noqoto oo madaxweyne Rayaale dib ugu soo celiyey xisbiga KULMIYE ka dib markii la sheegay inuu ku soo duray inay ka tirsan tahay guddida fulinta ee Kulmiye, gudoomiyaha xisbigaasina Axmed Siilaanyo dib ugu celiyey todobaadkan horaantiisii, isagoo ku dooday inaanu madaxweynuhu xaq u lahayn dib soo celinta iyo kala shaandhaynta xubnaha komishanka loo soo magacaabo, balse uu sheegay inay xaq u leeyihiin golaha wakiiladu.
Inkasta oo aan si rasmiya loo ogayn natiijada ka soo baxday kulankoodaasi iyo in is- afgarad ay ka gaadheen magacaabistii xubintaasi, hadana waxa ay Haatuf u xaqiijiyeen tibaaxo ka soo baxay kulankaasi, in madaxweyne Rayaale ka codsaday Axmed Siilaanyo inay soo bedelaan xubintaasi, hase yeeshee la sheegay in gudoomiye Siilaanyo uu arrinkaasi kala soo tashan doono guddida fulinta ee xisbigiisa.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo aanu isku daynay inaanu arrinkaas wax ka weydiino kulanka ay wada yeesheen madaxweyne Rayaale iyo mawqifkiisa ku wajahan magacaabista marwada ay u soo xuleen komishanka doorashooyinka ayaanay noo suuro gelin inaanu helo.
No comments:
Post a Comment