03 October, 2009

Qaramada Midoobay ayaa markii u horraysay ka hadashay heshiiska ay wada-jirka u saxeexeen Hoggaanka Siyaasadda Somaliland ee ka kooban 6-da qodo

Qaramada Midoobay ayaa markii u horraysay ka hadashay heshiiska ay wada-jirka u saxeexeen Hoggaanka Siyaasadda Somaliland ee ka kooban 6-da qodob.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda ay barta Internet-ka ku leeyahay Xafiiska runta Warbaahinta Qaramada Midoobay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa ka hadlay heshiiska ay toddobaadkii aynu ka soo gudubnay Qalinka ku wada duugeen hoggaanka Siyaasadda Somaliland. Waxaanu ku hambalyeeyay tallaabada ay qaadeen iyo heshiiska ay saxeexeen oo uu ku tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday sidii Doorasho dalka uga dhici lahayd. "Axsaabta Siyaasadda Somaliland waxaan ku hambalyaynayaa tallaabada geesinimo ee ay u qaadeen dhinaca nabadda iyo natiijo guul ah , taas oo ah natiijo guul ah." ayuu yidhi Ahmedou Ould Abdallah. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaan doonayaa in aan ku celiyo in Is-fahamkaa la kala saxeexday uu yahay tallaabo loo qaaday jihadii saxda ahayd, kaas oo horseedi kara in la qabto Doorasho xor iyo xalaal ah oo hab nabad ah ku dhacda. Waana xal ay gaadheen Axsaabta dhexdoodu hab nabad ah. Heshiiskan la gaadhay wuxuu caddayn u yahay dhaqankii reer Somaliland ee xalinta gudahooda ee khilaafaadka jira iyo sidoo kale qaadashada Masuuliyiinta sare ee fahmay doorkooda."

Ergaygu wuxuu tallaabada lagu kala saxeexday heshiiskan ku tilmaamay mid tusaale u noqonaysa dhammaan Somaalida kale. "Tusaalaha ay dhigeen Axsaabta Somaliland waxay dhiirgelin u noqonaysaa oo kale dhammaan Soomaalida kale in wada-hadal iyo isu-tanaasul ay ka dhalan karto xaalad is-faham. Rabshadahana laguma gaadhi karo, wax lagu gaadhi kari waayay nabad." Ayuu yidhi Ergaygu. Waxaanu baaq u diray Beesha Caalamka. "Waxa kale oo aan doonayaa in aan ammaan u jeediyo dhexdhexaadinta qiimaha leh ee ay doorka ka ciyaareen Beesha Caalamku, waxaanan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan taageerada dadka Somaliland, si ay u sii wadaan jidkooda ay ku taagan yihiin ee nabadda iyo wada-hadallada iyo sidii loo qaban lahaa Doorasho nabad u dhacda." Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.

No comments: