Khasaaraha ka dhashay Gaadhi siday Dad iyo Xoolo oo xalay Daad la tegay
Gaadhigan oo ahaa nooca Waaraadka loo yaqaano, isla markaana Lambarkiisu ahaa 27929 oo Xoolo Nool ka qaaday Magaalada Tog-Wajaale ee Xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland, una socday Magaalada Berbera, ayuu qaaday Daad ka dib markii Gaadhigu uu galay Dooxa Lafa-ruug oo waqtigaa soo rogmaday. Mid ka mid ahaa dadkii xalay gurmadka ahaa ee ka soo amba-baxay Magaalada Berbera, isla markaana ku sugnaa goobta Daadku ku qaaday Gaadhiga, ayaa xalay Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka ugaga waramay siday wax u dhaceen. "Gaadhiga waxa saarnaa oo uu siday Lo' oo uu ka keenay Wajaale. Gaadhigu wuxuu Dooxa maray isaga oo Daadku socdo. Ka dibna Gaadhigu wuxuu Taayir kala dhacay Jidka Laamiga ah ee Dooxa dhex mara. Intaa ka dib, Darawalkii baa soo qayliyay oo Berbera la soo hadlay oo yidhi I soo gaadha. Ka dib, Daadkii baa la kulmay oo wuxuu Gaadhigii ka riday Laamidii." Sidaa waxa yidhi Maxamed Ismaaciil Ibraahim oo ahaa goob-jooge xalay ku sugnaa halka Daadku ku qaaday Gaadhiga.
Goob-joogahani wuxuu ka waramay cidda saarnayd Gaadhiga, waxaanu waqtigaa xusay in mid ka mid ahaa dadkii Gaadhiga saarnaa oo Kirishboygii ahaa la helay isaga oo nool, halka labadii qof ee kale oo kala ahaa Darawalkii Gaadhiga iyo Xaraasihii Xoolaha uu Gaadhigu siday iyana la waayay. "Gaadhiga waxa saarnaa Saddex Nin oo kala ahaa, Darawalkii, Kirishboygii iyo Xaraaskii Xoolaha. Markaa Ninkii gaadhiga waday iyo Ninkii Xaraas-ka ahaa midna Raq iyo Ruux toona lama hayo meel uu Daadku dhigay oo Daadkaa qaaday. Inankii yaraa ee Kirishboyga ahaa ayaa Ilaahay amarkii meel Geed ah oo daad-xoor ah ku uu Daadkii ku tuuray. Inankaas ayaa ka soo baxay oo Dharkii uu Daadkii kala hadhay. Isaga laftiisuna wuu khalkhalay oo Galbeed buu isaga lugeeyay. Hase ahaatee, Baabuur baa soo helay oo wuxuu Inankii noogu keenay Tuuladan Lafa-ruug ee aan idinkala soo hadlayo." Ayuu yidhi Goob-joogahani.
Mar aanu wax ka waydiinay tirada Xoolaha saarnaa iyo in la helay Raq iyo Ruuq halkay ku dambeeyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Lo'dii Gaadhiga saarnaa oo qiyaastii ahaa ilaa 40 Neef, 5 Neef oo ka mid ah ayaa Gaadhiga ku dul bakhtiyay. Halka shan Neef oo kale iyaga Nolol lagu hayo, balse intii kale lama hayo ilaa hadda."
Hase ahaatee, Warark aanu xalay saqdii dhexe ka helnay Deegaankaa ayaa sheegaya in Xaraasihii Xoolaha isna Maydkiisii la helay oo uu dhintay. Balse, la la'yahay Wadihii Gaadhiga. Wararku waxay intaa ku dareen in ay goobta uu Shilku ka dhacay ay waqti dambe soo gaadheen Masuuliyiin Dawladda ka socota oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye-xigeenka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera iyo sidoo kale hawl-wadeeno ka socda Dekedda Berbera. Kuwaas oo inkasta oo aanu la xidhiidhnay haddana aanay noo suurtogelin, balse la sheegay inay ka qayb galeen baadi-goobka hadhaaga Dad iyo Duunyo wixii Gaadhiga saarnaa.
Magacyada saddexda qof:
1- Kheyre Daahir Xuseen – Darawalkii Gaadhiga – La waayay
2-Mataan Maxamed Cawad – Xaraasihii Xoolaha – Dhimasho
3-Mawliid Muuse Xasan – Kirishboygii Gaadhiga – Nolol.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment