Heshiiskii Beesha Caalamka oo Durba Xisbiga UDUB Xagal Daacinayo
diirsaday ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay qaybaha siyaasada
isaga soo horjeeda ee Somaliland ayaa waxaad moodaa in durba
madaxweyne riyaale bilaabay siduu u xagal daacin lahaa fulinta
heshiiskaas waxaana muuqda ifafaalo muujiyana in mar kale laysku mari
waayayo sida loo soo dhisayo komishanka cusub taasoo keeni karta in
murankii iyo ismari waagii mar labaad halkiisii ka bilowdo
Iyagoo ka jawaabaya dalabkii beesha caalamka ee ahaa in la bedelo
komishankii hore iyo in si degdeg ah loo soo dhiso komishan cusub oo
kii hore bedela ayey xisbiyada mucaaridka iyo golaha guurtidu
madaxweynaha u soo gudbiyeen xubnihii ka mid noqon lahaa komishanka
cusub sida xeerka doorashooyinku dhigayo waxaase markiiba ganafka ku
dhuftay madaxweyne riyaale isagoo dib ugu celiyey labadii xubnood ee
golaha guurtidu soo magcaabay iyo iyana labadii xubnood ee kulmiye iyo
ucid magcaabeen
Qodobada madaxweynuhu u cuskaday bedelaada xubnahan marka laga reebo
xubinta xisbiga ucid soo magcaabay oo isagu ka mid ahaa komishankii
hore ee la bedelay ayaad moodaa inay yihiin kuwo aan la aqbali Karin
oo keeni kara in murankii halkiisii ka bilaabmo sideebada sida
sharciga doorashooyinku dhigayo xubnaha komishanka tiradoodu waa 7
xubnood waxaana loo soo kala magcaabaya sidan labada xisbi mucaarid
waxay soo magcaabayaan labo xubnood golaha guurtiduna labo xubnood ah
iyo madaxweynaha oo soo magcaabaya 3 xubnood waxaana dhamaantood
ansixina oo kala shaandheynaya isla markaana hubinaya inay shuruudihii
buuxiyeen golaha baarlamaanka oo codka kalsoonida xubin xubin ugu
qaadaya laakiin meelnaba sharciga kagama jirto in madaxweynuhu hubiyo
ama hor istaago oo codsado in la soo bedelo xubin ay mucaaridka ama
golaha guurtidu soo magcaabeen halkaas waxaa ka muuqanaysa in
madaxweynuhu doonaya inuu lugta jiido heshiiskii lixda qodob ka
koobnaa ee beesha caalamku dusha sare inaga keentay
Run ahaantii komishankii hore dhaliisha fadhiidnimada iyo xil gudasho
la,aanta may wada lahayn waayo waxaaba ku jiray rag mudo kooban
shaqeynayey sida xubintii xisbiga ucid iyo iyana xubin golaha guurtidu
soo magcaabay oo lagu bedelay xubin geeryootay laakiin hadana
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa baruur keliya ayaa baruuro badan
qudhmisee waa laysku wada xooray iyadoo la eegayo danta qaranka
inkastoo ay ku qurux badnayd in qof walba lala xisaabtamo oo
denbigiisa farta laga saaro hadii hadaba xisaabtan imin lahaa waxaan
hubaa in afar ka mida todobada xubnood ee komishankii hore ay noqon
lahaayeen danbiilayaal qaran oo ka soo bixi kari waayey hawshii loo
igmaday waxaana 3 xubnood oo afartaas ka mida soo magcaabay madaxweyne
riyaale laftiisa halka xubinta kalena xisbiga kulmiye soo magcaabay
kolkaa bal aan isweydiine yaa madaxweynaha laftiisa ka hubinaya
xubnaha uu soo magcaabayo ilayn kuwaa horeba isagaa soo magcaabay oo
hadana waxay noqdeen laga inaabsaye mise isagu sharciga isagaa dhigay
Run ahaantii maanta looma baahna in la bilaabo muran hor leh iyo I
jiid aan ku jiidee madaxweynuhuna maaha kii isagu bilaabi lahaa waayo
wuu ogaa halkay xaaladu gaadhay iyo sida ay ugu sigatay in talo faraha
ka haado kolkaa waxaa loo baahan yahay sidii hore loogu sii wadi lahaa
heshiiskii beesha caalamka inoo dhigtay ee qalinka lagu wada duugay
madaxweynahana waxaa looga fadhiyaa intuu iska dhaafo waxaan
shaqadiisa ahayn iyo inuu si deg deg ah u soo magcaabo 3 xubnood ee ka
mid noqonaya komishanka qaranka ee xeerku awooda u siiyey waayo
shaqadan uu iminka hayo ee uu dib ugu celinayo xubnihii la soo
magcaabay waxaa iska leh golaha baarlamaanka iyagaa ayaanay
shaqadoodii tahay
Shuruudaha ugu waaweyn ee loo cuskado qaab dhismeedka komishanka
qaranka waxaa ka mida inay ka kooban yihiin dhamaan gobolada
Somaliland iyo in haweenku ka dhex muuqdo iyo iyana in xubnaha
komishanka lagu saleeyo aqoon iyo waayaragnimo ku fadhida hawsha loo
igmanayo shurudahaas iyo qaar kaleba waxaa hubinaya in la buuxiyey
isla markaana ansixinaya golaha baarlamaanka kolkaa tolow goormay
madaxtooyadii baarlamaan noqotay mise waxaanay kalsooni ku qabin
golaha baarlamaanka ilayn waa tan madaxweynihii shaqadii baarlamaanka
la wareegee
hadal iyo dhamaan heshiiskii la mahadiyey ee beesha caalamku ku kala
furfurtay ismari waagii siyaasadeed kaasoo ka koobnaa lix qodob waxaad
moodaa in durba loo labo laxaadsanayo sidii loo curyaamin lahaa
waxaana muuqda in udub oo awalba dhankeeda wax waliba ka dhaqaaqi
lahaayeen inay dib u bilaabyso sidii ay taako ugu dhigi lahayd habsami
u fulinta qodobada heshiiskaas
udub iyo cid kale toona maanta u dan maaha in dib loo soo nooleeyo
murankii siyaasadeed ee laga heshiiyey madaxweynaha laftiisa waxaa
looga fadhiyaa inuu xanafta ka ilaaliyo wixii dhaawaci kara
heshiiskaas wada jirka loo gaadhay ee weliba beesha caalamku inagu
dhexdhexaadisay kaasoo hor seedi kara hadii sidiisa loo fuliyo in
doorashooyin lagu wada kalsoon yahay dalka ka dhacaan
waxaan ku soo khatimayaa talo ku socota madaxweynaha taasoo aan
leeyahay madaxweyne ha qaadan talada kuwa jarka kaa tuuraya ee
hareerahaaga taagan ee nasteexa iskaga kaa dhigaya iyo iyana kuwa
saxaafada wax ku qora ee hadh iyo habeen qoraya huu haa iyo been aan
waxba ka jirin kuwaasoo iska dhigaya inay afkaaga ku hadlayaan ama ku
difaacayaan laakiin waxaad qaadataa talada shacabkaaga intiisa badan
kuu soo jeediso taasoo aad guul ku gaadhi kartid
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Cigaal215@Gmail.com
No comments:
Post a Comment