Abwaan Hees Naqdi ah u sameeyay Madaxweyne Rayaale |
Hargeysa(Geeska) -Suugaantu dhaqan ahaan waa shayga ugu muhiimsan ee bulshadda Af-soomaaliga ku haddashaa isugu tabiso waayaaha nololeed iyo dareenadda dhinaca siyaasada, wacyilgilinta iyo cabirka afkaarta taagan. Maanta oo aynu ku jiro xilli casri ah, dhaqankaasi wuu muuqdaa, waxaana kuugu daliil ah inta Saxaafaddu dhaliil sheegaysay ee maamulka Somaliland ay si guud iyo si gaar ahba u duraysay laguma sheegin fagaarayaasha Fanaan ku luuqaynaya hees toos uga hadlaysa Xaaladda siyaasadeed ee Dalka, Islamarkaana muujinaysa qaladaad maamul imika ka hor. Waxa toddobaadkii ugu danbeeyay Shacbiga Somaliland Aaladaha Casriga ah iyo Telefoonada Gacanta lagu qaato isugu tabinayeen Heeso toos u duraya Maamulka Madaxweyne Daahir Rayaale. Heesahan Cusub ee dhaliisha ah waxaa Curiyay Abwaan Jaamac-Riyo, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxay heestiisu ka hadlaysaa, ku tagri fal awood dawladeed oo dhinac kasta ah. Islamarkaana, tilmaamaya In Xukuumada Rayaale gabtay oo ilowday arrimihii Shacbigu u igmaday. Haddaan soo fool-tabiyo heesahan, waxa midkood Abwaanku ugu wanqalay sida uu Wargeyska Geeska Afrika u sheegay Dilaal. Waxa heestan maalmo dhawr ah ka hor la saaray miyuusig iyo cod ay koox hablo isugu jiraa wada jir isugu jiibinayaan. Waxaana Erayaddeeda ka mid ah. Dilaal Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa La dheeliday dhoon wareegtay, Amaanadii dhawri weyday Dhitiyo kaydkii Idlaysay, Khayraadkii dhoobo qaaday *** *** *** Addoo dhagar-maal u muuqda, Dhaliili dushaada taalo Ku jira dhoobo iyo ceeb, Ayaamihii kaa dhamaade Mudiyo dheeraad ku siiyay, Sidaadii dhaami weyday Ka dhaadhac Dhiishaadu Ma buuxsantee Ka dhaadhac Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac Dhalaan qadiyow ka dhaadhac *** *** *** Xilkaanu kuu dhaariniyo Dhismahii Somaliland Dhantaashay Dhaqaajin Weyday, Dhaqmaati Adaa u diidey Dhacdiyo Taariikh xun reebay, Dhul iyo Daaraba Xaraashay Dantaad Dhaawaca ku boobtay, Anaa dhayi Nabaradeedee Ninkaan Dhaanka u diree Isagu Soo dhaansadow Mudiyo dheeraad ku siiyay, Sidaadii dhaami weyday Ka dhaadhac Dhiishaadu Ma buuxsantee Ka dhaadhac Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac Dhalaan qadiyow ka dhaadhac.
Heestaan Qaldamay Abwaan Jaamac Riyo heestiisan kor ku xusan, waxa wehelisay hees kale oo meerisyadeedu jawaab u yihiin hees hore oo uu ku taageerayay amaan iyo ducana ugu daray xilka Madaxweyne Rayaale. Si aynu jawaabta heestani ku timi iyo sheekadeeda si hufan ugu fahano, malaha waxaa haboon in aynu tuduc iyo laba ka xusno heestaa hore ee abwaanku kaga afeefanayo Heesta labaad, aan sidaas yeelo oo aan marka hore is xusuusino heeska hore. Waxaa Abwaanku waqtigaas hore curiyay hees midheheeda ay ka mid-yihiin;, Somaliland ullashadeed, uurkaad daacad uga tahaye Daahirow Insha Alaah, Anba qaadka geediga iyo Saadaashu waa Addigee, Udub-kiyo dhigtaba hay Ayaanle…Ayaanle. Halkaa markay marayso, haddii murti-yahanku curiyo mid kale oo lid ku ah ducadaas kana soo hor jeeda, la yaab ayay noqonaysaa. Si markaa, uu qiil ugu hello dhinacan kale ee uu wax ka eegay waa inuu ka affeeftaa, islamarkaana sheegaa in aadamigu qaldamo. Waxa uu yidhi: Howraareey run timi Murti tidhi hubsiimadda Hal-dhan baa la siistaa Nin Ay hooyo dihatana Hal ma seegi waayee Heestaan Khaldamayeey Habeenkaagii Beenow Hirkii Ii ifaayow Adna hoos ka madhan timi
Markaad hanan weyday Timi Inaan Hoodada raree Sidii Hoohida na dhaaf Sharkaaguna kaa horee **** Hanaan Doorashadda Xeerkii Hagi lahaa Xusbiyadu habkay Hawsha u galeen Heshiiskii qoraa Harga madhan sidow Addaa Heeray oo Hakiyow Dantii Hanjabaad Ku daray Dhigtaan hay ku idhi shalay Markaad hanan weyday Timi Inaan Hoodada raree Sidii Hoohida na dhaaf Sharkaaguna kaa horee. Heeskan danbe ee heesta aan qalmday, Abwaanka tiriyay laftiisa ayaa ku luuqaynaya.
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
08 October, 2009
Abwaan Hees Naqdi ah u sameeyay Madaxweyne Rayaale
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment