War-saxaafadeed ay si wadajir ah Xisbi UCID UK & Xisbiga Kulmiye UK
Uga Soo Saareen Xaalada Ka Taagan Siyaasada Somaliland
Xisbiga UCID & Xisbiga Kulmiye UK, gudiyadooda fulintu shir ay ku yeesheen maalintii Sabtidii 26.09.09 bariga magaalada London ayaa waxay kaga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee wadanka Somaliland ku jiro. warsaxafadeed ay wadajir shirkooda uga soo saareen wuxuu u qornaa sidan:
- Shacabka Somaliland: waxaanu ku tageereynaa uguna hambalyeynaynaa sida geesinimada iyo wadaniyadu ku jirto ee ay u difaacdeen xuquuqdooda, qaranimadooda iyo dimoqaradiyada Somaliland, oo ah mid qiimo fara badan oo qaaliya ugu fadhida shacabka Somaliland {Waa staan lagu yaqaan shacabka Somalilnd}. Waxaanu u sheegaynaa shacabka reer Somaliland inay ka foojignaadan, heegana ku jiraan ilaa inta laga hubinayo fulinta iyo hirgelinta heshiiska caalamku soo jeediyey.
- Waxaanu si buuxda ugu taageeraynaa laba xisbi mucaarad {UCID & KULMIYE} sida sharaf iyo nabadgelyada leh ee ay heeganka ugu yihiin, ugana wada shaqaynayaan masiirka ummada Somaliland iyo sidii xal loogu heli lahaa xaalada taagan isla markaana loo badbaadin lahaa geedi-socodkii dimoqraadiyada Somaliland.
- .Sidaas darteed si arrimahan looga baxo waxaanu soo jeedinaynaa in dhamaan dhinacyada ay khusaysaa isugu yimaadan miiska wada hadalada iyada oo saldig looga dhigayo heshiiskan caalamku soo jeediyey, oo loo baahan yahay in la fasilo, lana sharxo, si is fahan iskumid ah looga qaato, shacabkana loogu soo bandhigo nuxurkuu heshiiskani xambaarsan yahay iyo sida loo fulinayo. Waa in si dhakhso ah loogu hawl galaa mudaynta xiliga doorashada, go'aana laga gaadho sidii wadanka ay uga dhici lahayd doorosho xor ah oo xalaal ah oo ku salaysan nidaamka diiwan gelinta iyo natiijada Server-ka, ee ay ku heshiyaan seddexda 3da xisbi qaran iyo komishinka oo u dhacda sida ugu dhakhsaha badan.
Ugu dambayntii waxaanu ka codsanaynaa qurba jooga Somaliland, hay'adaha ka howl gala Somaliland iyo dhammaanba Ururada madaxa banana ee reer Somaliland inay indhaha ku hayaan xaalada adag ee ka taagan dalka isla markaana ay gutaan xilkooda wadaninimo kana shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa masiirkii shacab Somaliland.
Gudida Fulinta Xisbiga UCID UK | Gudida Fulinta Xisbiga KULMIYE UK |
1. Mohamed Ibrahimm (Xoghayaha Cadaalada & Garsoorka) | 1. Ibrahim Hussein (Gudoomiye UK) |
2. Kosar Aideed Abdi ( Gudoomiye ku-xigeen UK) | 2. Abdirahman Mohamed (Xoghayaha UK) |
3. Sa'iid Omar (Gudoomiya ku-xigeenka) | 3.Yurub Qalib (Khasnajiga UK) |
Wabillaahi Tawfiiq
No comments:
Post a Comment