Waftiga Qaramada Midoobay Ka Socda oo Dahir Rayale ka Codsaday Inuu Is-Casilo
saylac Sep 11, 2009 4:54 PM - Show original item
HARGEYSA - (SayliciPress.net) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in waftiga ka socda qaramada midoobay ee u xilsaaran arimaha Somaliya iyo kuwa Somaliland ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa maalintii shalay; Mr. Ould Abdalla oo socdaalkiisan la sheegay inuu kalifay markii xukuumada wakhtigeedii dhamaaday iyo mucaaridku ay isla meel dhigi kari waayeen in ay talo ku heeshiyaan; markii baarlamanka dalka xukuumadu ay iridaha u xidhay ee ay soo hubaysay xildhibaanada UDUB ka socda;
Ayaa Mr. Ould Abdalla ay wararku sheegayaan in ujeedadiisa ugu wayni ah tahay inuu Dahir Rayale ka dhaadhiciyo in Somaliland ay u baahan tahay xal waaraa taasina ay ku iman karto isagoo xukunka iska casila ama u dhiiba laan ka madax banaan labada dhinac oo ku sinta inta doorasho dhacayso.
Hadaba waxaan la hubin waxa Dahir Rayale yeeli kadib socodka Ould Cabdala oo shacbka Somaliland ay aad ugu hanqaltaagayaan in xukuumada dhinac u rido.
SayliciPress Hargeysa
No comments:
Post a Comment