Kenya Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Bileyska Kadib Markii Lagu Eedeeyey Gabood Falo Xuquuqda Aadamadaha
Nairobi, Dawalda Kenya ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamda Bileysa Gen. Maxamed Xuseen Cali, Kaas oo eedaymo ay kaga yimaadeen hay'addaha u dooda xuquuqda aadamaha ee dalka Kenya.Ciidamada Bileyska ee uu hogaanka uu u ahaa Gen. Maxamed Xuseen Cali ayaa lagu eedeeyey inay galeen dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamada, intii lagu gudo jiray wakhtigii qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashadu uu halkaasi ka dhacay, kuwaas oo geystay dembiyo iskugu jiray Dilala iyo Kufsi intii Murankii doorashadu uu dalkaasi uu ka dhacay Bishii December 2007-da.
War murtiyeedka kasoo baxay dawladda Kenya ayaa lagu sheegay in Gen. Maxamed Xuseen Cali loo bedelay madaxa Boostaha, iyadoo ay soo baxayaan eedaymo gabood falo ah oo intaa ka badan oo loo soo jeedinayo tan iyo 2004-tii, balse ma jiraan macluumaad faro badan oo ku wajahan sababta loogu bedeli waayey xil ka mid ah Bileyska, iyada oo la magacaabay xilal badan oo bileyska ah.
"Dilalka Bileysku ay u geystaan shacabka Kenya waa kuwo abaabulan oo qorshaysan" sidasi waxa yidhi mid ka mid ah hay'addaha xuuquuqda aadamada u dooda ee dalka Kenya, sidoo kale Hay'addaha xuquuqda aadamaha ee International watchdog Human Rights Watch iyo Kenya National Commission on Human Rights ayaa si isku mid ah eedaymo hore ugu soo jeediyey Bileyska dalka Kenya, kuwaas oo sheegay inay geysteen Gabood Falo ka dhan ah xuquuqda dadka Kenyan-ka ah, kuwaas oo lagu arkay calaamado jidh dila ah oo ay u geysteen dadka sida ay sheegeen hay'addahaasi.
No comments:
Post a Comment