INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca REER CABDI CARWO iyo kan Xaaskeyga waxaan tacsi u diraya tafiirta, ehelka, qaraabada, iyo
xigaalka uu ka geeriyooday Maxamed Yuusuf Xanduleh (Luduf) , oo ku geeriyooday HRGEYSA maanta 10/09/09, si gaar ah waxaan u tacsiyadeynayaa Ilma Maxamed Yuusuf iyo tafiirtooda oo uu hormood u yahay Cali Guray meel ay joogaanba, waxaan leeyahay geeri waa xaq ee adeero Maxamed duco iyo quraan akhris ayaa habboon inaynu u akhrino. Adeero Maxamed waxuu ka sii noolaa odayadii yaraantey madaxa ii salaaxi jiray, waxaan jeclaa inaan nolol ku gaadho, waayo sheekooyin badan oo qosol leh ayaan ku xusuustaa. Illaahay dambigiisa ha dhaafo, hana ka yeelo kuwa uu janatul fardows ku manaysto, dhammaana haynaga siiyo samir. Aaamiin.

Geeridu wey inala joogtaa ee waxa waaajib ah inaynu xusuusano inay ina sugayso, oo aynu u sahay qaadano,ka fogaano wax kasta oo cadaabka inoo dhoweynaaya, kuna sugnaano xaqqa iyo dariiqa toosan. Aan iska jirno dunoobta la hawl yareystay oon xakamayno carabkeena,kana fogaano gar eexo.
Allow deeqdaada ugu naxariiso marxuumka iyo maytida islaamka oo dhan, annagana naga yeel kuwa ku cibro qaata ee u soo laabta dariiqa toosan. Adeer Maxamed waxuu ahaa nin faraxd badan, bulshaawi ah oo ka dhowrsan dhibaato aadmi, cibado badan, dhib kasta samirkeed leh oon wajigiisa farxadi ka dhammaan. Runtii kolkaan ereyadan qoraayo, waxa ii sawiran wajigiisii dhoola-caddaynta iyo qosalka badnaa.
Eebow marxuumka u naxriiso, annagana samirka na waafaji, naguna soo dabaal xaqqa iyo tubta toosan.Aamiin.
Ahmed Hassan Arwo
No comments:
Post a Comment