30 September, 2009

SOMALILAND: SEDDEXDA GUDDOOMIYE XISBI OO BULSHADA CAALAMKA KU HOR SEXEEXAY HESHIISKII LIXDA QODOB

Hargeysa - Waxa galabta qasriga Madaxtooyada JSL lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu saxeexayay Lixdii qodob ee beesha caalamku ku taliyeen ee khilaafkii taagnaa ee dalka soo afjaray.

Sample Image
Sample Image

Sample Image

Sample Image

Waxa saxeexay lixda Qodob Gudoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran, Dawlada Itoobiya iyo Deeqbixiyayaasha oo uu u saxeexay John Maarshaal Sariir ku Xigeenka Britan ee Adis ababa, ugu horeyn waxa saxeexay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxana goob joog ka ahaa Shirgudoonada Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Deeqbixiyayaasha oo uu wakiil ka ahaa John Marshal iyo Dawlada Itoobiya. Source, Somalilandnation



No comments: