06 September, 2009

Somaliland: Ergo Ka Socota Beesha Samaroon Oo Daahir Riyaale Kula Talisay Inuu Is-Casilo

Ergo Ka Socota Beesha Samaroon Oo Daahir Riyaale Kula Talisay Inuu Is-Casilo

WARYA TV- Ergo ka socota beesha Samaroon oo u badan xubno ka tirsan aqalka guurtida iyo aqalka golaha wakiilada oo uu weheliyo iyo rag kale oo ka madax bannaan ayaa talo ugu soo jeediyey Daahir Riyaale in ummaddu ay si xoogan uga soo horjeedo sidaa awgeedna aan taliskiisa cimrigiisu gabaabsiga yahay aanu ceeb ku sagootin, ilo wareed aad ugu dhaw ergadaas ayaa sidaa u sheegay WARYA TV.

Ilo wareedkaas ayaa sheegay in ergadaasi oo madaxweynaha kula kulantay xafiiska madaxtooyada oo uu weheliyey madaxweyne-ku-xigeenkkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali ay u sheegeen madaxweynaha inaanay jirin rajo laga qabo in golah guurtidu muddo kordhin dambe ay u sameeyaan isaga iyo ku-xigeenkiisa iyadoo loo sheegay in tiradii markii ugu dambeysay u codaysay in muddada loo kordhiyo ay hoos uga sii dhacday halkeedii isla mar ahaantaana aanay jirin rajo laga qabo wax cusub oo ku soo biira taasi oo ay sababtay dareenka dadweynaha oo cabsi badan laga qabo.

Xubnahaas qaar ka mid aha oo ka tirsan ergada guurtida oo ganacsi ku leh Hargeysa ayaa si cad walaac uga muujiyey inay dadweynuhu ku gadoodaan oo waxyeeleeyaan naftooda iyo danahooda ganacsiba haddiiba si lama filan waa ah ay xataa suuragasho in la kordhiyo madaxweynaha. Waxa intaa loo raaciyey madaxweynaha in dadweynuhu soo taagan yahay sidaa awgeed uu iskaga tago xukunka oo aanu ceeb iyo foolxumo kagai tagin naftiisa iyo dadka haybta wadaagaanba.

Hase yeeshee, madaxweyne Riyaale ayaa ergada u sheegay inuu wada tashi samayn doono inta ka hadhay bisha Ramadaan.

Hadda ka hor madaxweynaha ayaa wada tashi la sameeyey xubno sooc wasiiro ah oo ay ku jiraan Cawil Cali Ducaale, Cabdillaahi Cirro iyo Siciid Sulub kuwaas oo ku dul muusanaabay madaxweynaha inaanu ka degin xukunka ee ay xoogooda saaraan sidii muddo kordhin dambe looga heli lahaa guurtida.

Madaxweynaha ayaan la garanayn illaa immika wuxuu ku tala goostay ama ku talo goosan doono iyadoo aan la garanayn inuu dhinaca wasiirada raaci doono iyo inuu qaadan doona talada tolkii.

WARYA TV

Newsdesk
____________________________

No comments: