06 September, 2009

Sidee Madaxweynuhu Ku Noqday KalidiI Taliye? Faallo Maxamed Xaashi Cilmi

Sidee Madaxweynuhu Ku Noqday KalidiI Taliye? Faallo Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi Cilmi

Dalkan Somaliland, ma aha sabool dadkiisii gabay, waxa se gaagixiyay maamul xumo.

Dalku, wuxu u baahan yahay; bad-baado, isbeddel maamul iyo mid fikir (Revolution), oo dhakhsa ah.

Maamulka soo socoda maxaa laga rabaa, inuu qabto? Is-bedel X iyo Y, ma aha xal. Waa in hadda, la qeexo, is-bedelka la samayn doono ee dadku u baahan yahay.

Waxa isbedel ka la rabo, suurto gelin kara. jiilka cusub; waa da'yarta, rag iyo dumar ee koobsaday; tacliin, tayo, tamar iyo tiro, ee maanta mustaqbal koodii daawaha saran yahay. Xalku kuma jiro, Tahriib iyo aamusnaan

Qaybtii hore, waxa aan ka waramay xukuumadda; Wasiirada tira badan, ee tala iyo siyaasadda dalka ka qatan, heer kooda aqoomeed. Waxa kale oo aan taabtay shaqaalaha isna tira badan, sacadaha yar ee shaqada, mushaharka suququlka ah iyo sad-bursiimaha madaxtooyada, iwm. Halkan waxa aan ku iftiimin, xaaladda dhaqaale ee dalka iyo sida loo isticmaalo.

DHAQAALAHA

Dalka waxa lagu xoreeyay, halgan hubaysan oo kelidii taliyihii Maxamed Siyaad Bsrre, ee Somalia, lagu muquuniyay. Nassiib darro wuxu gacanta u galay madaxtooyadii, oo cid baa dalka kula leh aan qabin. Waxa la odhan karaa, waa af-gambi aan dhiig ku daadan..

Bal u fiirso, dhaqaalihii dadweynaha abaaraha iyo shaqa la'aantu dishootay, wax loogu qaban lahaa, sida loo isticmaalay ama loo adeegsaday muddadii, 2002 ilaa 2008/2009, ee madaxweyne Rayaale xilka hayay.

Dhaqaalaha dalku, wuxu u qaybsan yahay, saddex meelood :

  • Qaybta koobaad, oo ah, mid mug weyn, waxa ay ku luntaa, maamul-xumo iyo musuq-maasuq.
  • Qaybta labaad, waa ta ugu yar, ee gasha Miisaaniyadda Qaranka. Iyana kama bad-baado, cantuugada wasiirada iyo feenashda shaqaalaha dulman. Waxa laga bixiyaa kharashyada dawladda. Horumar kuma jirin.
  • Qaybta saddexaad ee u badani, waa dakhliga madaxtooyada ku hoyda. Eeg faah-faahinta; Shaxda 1 ilaa 4

Wax-yeelada Maamul-xumada iyo musuq-maasuqa;

Haddii aan fah-faahin ka bixiyo, saddexda qaybood ee kor ku xusan; Tirada shaqaalaha iyo ciidamadu waa; 33,092. Sida Miisaaniyaadda Qaranka 2009 ku qoran. Shaqaalaha loo baahan yahay, wakhtigan, ugu badnaan waa; 16,400 qof. Markaa Caagluhu waa; 16,692 qof. Caagle waa shaqaale aan jirin, balse lagu lacag qaato. Waxa lunsadaa caaglaha $ 8,905,172 sannadkii.

Khasaaraha ugu weyni, waa wakhtiga la lumiyo. Wakhtigu waa lacag. Xukuumadda waxa loo shaqeeyaa laba saacadood iyo badh (2.5 hr.) maalintii. Waxa luma, shan saacadood iyo badh ( 5.5 hr.) maalintii, Waa marka lagu qiyaaso, siddeeda saacadood ee maalintii aduun weynuhu shaqeeyo.

Markaa toddobadii sannadood ee xukunka Rayaale, waxa la shaqeeyay, laba sannadood iyo laba bilood. Waxa lumay affar sanndood iyo toban bilood. Waxa ay ka dhigan tahay, affar sano iyo toban bilood, oo aan wax ba la qaban ama aan la shaqayn, oo Miisaaniyadihii Qaranka, 2002 ilaa 2009 oo ahaa sls 965,908,704,196, Waxa muddadaa affarta sano iyo tobanka bilood, khasaaray aduun ah, $ 109,054,208

Khasaaraha kale ee laxaadka leh, ee qayb ka ah dhaqaale bur-burka, wuxu ku luma, is-afgaradka ganacsatada iyo shaqaalaha dulman. Waxa laga dareemi karaa, yaraanta cashuurta berriga ee ah 8 % dakhliga guud. Taas oo ahayd inay aad uga badato, dakhliga ka soo xerooda kastamada.

Waxa xukuumadda ku seega ama kaga luma, cashuurta beriga dakhli ka badan $ 48,700,000 sannadkii

Khasaaraha kale, waa dakhli badan oo aan Miisaaniyadda Qaranka gelin, oo madaxtooyadu la wareegtay, sida ku cad Shaxda 1 ilaa 4

Bal aan iftiimiyo, laxaadka, ilaha dhaqaale ee madaxtooyadu la wareegtay.

Shaxda 1. Dakhliga Xoolaha dhoofa ee aan Gelin Miisaaniyadda Qaranka, ee madaxtooyada qaadato

Sannadkii Sheep/GoatsCattle Caamel
May 2002 210,76526,419 14,293
2003 540,94675,846 21,874
2004 858,356131,869 7,132
2005 1,030,095148,061 5,069
2006 1,199,61097,631 23,865
2007 1,350,05488,143 14,245
2008 1,224,53381,181 26,353
Isugeyn 6,414,359649,150 112,831
Rate neefkii $ 2.00$ 11.00 $ 15.00
$12,828,718$7,140,650 $ 1,692,465
Isugeyn Guud $ 21,661,833

Berberi, waxa ay ahayd marinka ugu weyn, Geeska Afrika, ee xooluhu ka dhoofaan. Maxaa xoolihii u wareejiyay Jabuuti? Danta madaxtooyada sida ku jirta. Ma aha ta ummadda. Balse ganacsi weyn baa dalkii ka lumay. Maxjarka jabuuti, mid ka wanagsan oo ka weyn baa la dhisi lahaa. Lacag looma waayin,.

Khasaaraha ganacsatada reer Somaliland, ka soo gaadhay, waxa ka mid ah;

  • Noolka dad iyo xoolo iyo kharashka kale ee neefku ku tago ilaa Jabuuti
  • Miisaanka ka dhaca neefka, muddada safarka dheer.

Xooluhu waa laf dhabarka dhaqaalaha dalka. Maanta abaara xun baa dadkii iyo xoolihiiba haysa. Haddii laba iyo toban malyuun oo US Doolar ($ 12,000,000), laga gelin lahaa biyo xidheeno iyo ceelal, wax weyn baa ka qabsoomi lahaa bad-baadada dad iyo xoolaba..

Deegaankii baa isna xaalad xun ku sugan, oo xaalufay, oo isna u baahan in wax laga qabto.

Qaybta saddexaad; Shaxda 2 ilaa 5..

La soco

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Haashi Cilmi

No comments: