"Ilaa Shuruudahaa la fuliyo wadahadal na dhexmarayaa ma jiro"
Guddoomiyaha KULMIYE.....WARGEYSKA OGAAL
"Kulan Mucaaradku Khamiista u diyaarsan yihiin ma jiro oo Madaxweynaha u taga uun maaha, laakiin…"
Murashaxa M/weyne Ku-xigeenka UCID
Hargeysa (Ogaal)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE, ayaa shuruudo ku xidhay kulan la filayay in Khamiista maanta la isku hor fadhiisiyo Madaxda Axsaabta qaranka ee khilaafaadku u dhexeeyo, si xal looga gaadho muranada siyaasadeed iyo Sharci ee haatan Somaliland ka oogan.
Guddi ganacsato iyo Culimo isugu jira oo ka mid ah dhinacyada dedaalka dhexdhexaadinta ku hawlan, ayaa la sheegay inay qorsheeyeen in Khamiista maanta ay kulan toos ah isku hor fadhiisiyaan Madaxweyne Rayaale iyo Guddoomiyeyaasa Axsaabta Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID.
Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xassan oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in xisbiyada Mucaaradku ergada gaadhsiiyeen in aragtida ay qaabka wadahadal ku iman karo gaadhsiiyaan dhinaca kale, si markaa ka dibna ay uga duulaan jawaabka ay ergadu ku soo celiso. "Guddiga Culimada iyo Baayac-mushtarigu waxay noola yimaadeen in hawshan (dhexdhexaadinta) ay galaan, kalsooni baanu siinay, dhinaca kalena way tagaan. Waxay nagu yidhaahdeen kulan baanu soo diyaargaraynaynaa, laakiin haddaanu nahay labada xisbi Mucaarad, kulankaa weli waa laga hadlayaa. Balse, wax kulan ah oo rasmi ah oo dhacay ama dhici doonaana ma jiro ilaa ay siiqadii lagu wada hadli lahaa meesha timaado," ayuu yidhi Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xassan.
"Kulan Khamiista beri (maanta) dhacayaa ma jiro. Meesha taga oo Madaxweynaha la kulma uun meesha ma taalo. Waxaad ogtahay qadiyadaha waawayn ee wadanka ka taagan oo kuwo aad u culus ah, waana kuwo la doonayo inay midho reebaan, umaddu ku degto, waxna ku taraya Nabadgelyada umadda iyo Dimoqraadiyadda socota. In dhinacyadu kulmaan maaha uun in ujeedada la gaadhay, annaguna sidaa uma arkayno. Laakiin, waxa weeye; in marka hore arrimaha ka horeeya laga wada hadlo, sida waxa laga yeelayo dhamaadka xilka Madaxweynaha, Komishanka, natiijadii Server-ka iyo arrimihii hore heshiiska lagu ahaa, taasna labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE way ka midaysan yihiin," ayuu raaciyay. "Markaanu saddexdaa qodob ogaano waxa uu ka qabo, ayay wadahadalkii halkii looga dhaqaaqayay iman kartaa," ayuu yidhi. Waxa uu sheegay inay kulmi karaan marka ay labada xisbi iyo ergadu isla soo dersaan, isla markaana ogaadaan aragtida Madaxweynuhu ka qabo waxyaabaha laga wadahadlayo.
Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in kulan ay yeesheen guddiga hagida iskaashiga istaraatijiyada labada xisbi Mucaarad ka dib, ay soo jeediyeen in wadahadalka la sii ambo-qaado wixii ka dambeeya munaasibada Iida Carafo, si fursad loo siiyo dhinacyada ajaanibka ah ee danaynaya dhexdhexaadinta khilaafaadka taagan iyo cibaadaysiga bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmaheedii ugu dambeeyay lagu jiro. "Iyagu (ergadu) markii hore Khamiista way noo sheegeen kulanka, laakiin warka caawa (xalay) la gaadhiisanayaa waxa weeye; in aanay xaga labada xisbi Mucaarad wax balan ahi aanay Khamiista diyaar ka ahayn. Sidaa darteed, axsaabta Mucaaradku kulan ay Khamiista Madaxtooyada u imanaysaa ma jiro," ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga UCID. Wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dedaalada dhexdhexaadinta khilaafaadka taagan.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu xaqiijiyay in aanu jirin kulan ay ergada isla qaateen oo ay maanta isku arkayaan Madaxweyne Rayaale. "Socodkan badan ee loo ordayo ee la leeyahay is arka, is araga annagu shuruudo ayaanu ku xidhnay – shuruudaha aanu ku xidhnayna waxa weeye; maadaama aanay doorashadu imika dhacaynin oo aanay muuqan ilayn wixii dambe waa loo tabaabulshaysanayaaye, waxa ka soo horeeya waqtigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo dhamaanaya, waxa ka soo horeeya Komishanka oo ay muuqato inay kalsoonidiina ka dhamaatay, una muuqato wax ay qaban karayaan iyo wax ay fulin karayaana in aanay midna jirin, inta aan doorashada laga hadalna waa in arrimahaa meel la dhigaa, arrimahaana heshiis baa ka yaalay, mawaaqiifna waanu ka lahayn. Wixii shuruud ahaa mid uu fuliyay ma jirto, markaa is araga maxaa keenay?.

Markaa, is arag aanu is arkaynaa ma jirto ilaa uu shuruudahaa aqbalayo," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. "Annagu waxaanu ku nidhi aragtida aanu qabnaa waa taas, ilaa uu taas ogolaadana arki mayno. Iyagu (ergadu) waxay na waydiisteen in aanu bilaa shuruud ku aragno, annaguna waxaanu ku nidhi bilaa shuruud ku arki maynee, kuwaas baa ka horeeya," ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, in sidoo kale ay shuruudaha ay soo jeediyeen ay qayb ka yihiin in talaabo laga qaado Ciidamadii laayay qaar ka mid ah Mudaharaadayaashii Sabtidii aynu ka soo gudubnay, lana sii daayo dadkii Boolisku xabsiyada u taxaabeen. "Shuruudahaas oo dhan baanu ku xidhnay, ilaa taas la sameeyana wadahadal na dhexmarayaa ma jiro," ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
No comments:
Post a Comment