05 September, 2009

Riyaale iyo kooxdiisan aan Mergan caddaamaddii ku dhimataye, Maanta & Talo ama, tan ka fuullaye, Allaw fiihaa!!.

18ka Casho ee ka hadhey maalintii aynu Doorashada Madaxweynaha iyo Ku
Xigeenkiisa Dalka u Dooran lahayn sidii lagu wada heshiiska ahaa,
Dawlad bulsho iy Mucaaridba, kuma suurtoobeyso Doorasho xor ah oo la
qabto , sababo qorsheysnaa oo ilaa 2006dii, hadba quruurux Riyaale
Dabka ummadda ugu soo saarayey. Guddigii Doorashooyinka qaranka oo ku
milmay madaxtooyada, Xafiis wax loo yeedhiyana noqdey, Diyaarna aan ku
noqon karin in uu Sidii uu barnaamijku ahaa , Gobollada ay u kal
baxaan si rasmi ahna u soo cayimaan Goobaha Doorashooyinka,Shaqaalihii
ka hawl geli lahaa oo aan laba qorin iskaba daaya tababar iyo
habeyntooda, gaadhsiintii loojistikada Doorshada ee Gobollada
Degmooyinka iyo Goobaha oo aan la bilaabin ilaa imika!!

Waxa su'aashu tahay, Ma ummadda ayaa dhoohan mise Cadan baa laga
hesayaa!!? doorashadan ilaa 2006 dii Madaxtooyadu hadba xaalad
abuurka dib ugu soo dhigeysey , maanta oo cadhada Bulshadu Eeydii
duurjoogta ahayd Calankii iyo T-Shirtskii UDUB u xidhey si ay u
muujiyaan karaahidu halkey gaadhey, Xadhiggan cagajugleynta iyo ka
aargoosiga bulshda ee Gabiley, Wajaale iyo Hargeysa, laga wado, Wixii
ka dhacay Madasha Golaha sida xorta ah ummaddu u soo dooratey ee
Maleeshiyada UDUB ee Bileyska loogu sheego ummadda ay xoogga iyo
qoriga caaradii lixdii Xildhibaan ee Xeer-hoosaadka Goluhu ganaaxay
dhawrka fadhi , gelbiska iyo amarka Riyaale ugu geliyaan kuna
inqilaabeen xushmaddii iyo Maamuskii Diblomaasiyadeed ee Golahaasi,
marka loo geeyo sooyaalka foosha-xun ee habdhaqnka Maamulkan maskaxda
ka abaaroobey, sow
Caddaamaaddii kumay dhiman oo wixii shaley , laga dagaallamay isugumuu
luga duwan maamulkan aan tamarta iyo tayada midna lahayn ee Riyada aan
caqligalka ahayn, awood iyo han aanu xataa marinkiisii hayn doonaya in
uu ummadda gegidan Cidlada ah ku hor fadhiyo!!

Dal Dastuur iyo Shuruuc leh, waa khiyaamo qaran iyo arrin lagu lalayo
Dastuurk laftiisa haddii sayladda Dhexdhexaadintu soo gasho markii
Saddexaad amuur xsaasiya oo Aayaha dalka , jiritaanka Dawladnimo iyo
ummad ahaanba loo geysanayo, mana dhici karto in dheg jalaq loo
siiyo!! Dalka ay 80,000 ee Muwaadin u hureen naftooda, Nacas ka weyn
ma garan karo, ninka ummadda lfohoodii weli Daadadku soo saarayaan
iyaga oo isku xidhan, isla xeeladdas ayaad ku xukumi!! Maamulka
Daamurka cagaha la galey, ha iimaan sado Dastuurka uu u dhaartey in uu
ku shaqeyn doono. Ha ku abshiro xil iyo Maamuus ka qaad, sida uu
dhigayo qodobka 96 saddexdiisa farqadood ee Dastuurku iyaga oo ay ku
cad yihiin. Iyada oo habka loo marayo ay ku qeexan yihiin qod.86 ee
Dastuurka , waxaan labada Gole ee Sharci Dejinta xasuusinaa, in aan
indhaha laga lalin Qodobka 89 ee Dastuurka ,farqaddiisa 4aad oo
qeexeysa , haddii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa xilka isku mar laga
qaado , Guddoomiyaha Golaha Guurtidu in uu si toos ah u noonayo
Madaxweynha ku meel-gaadhka ah ee Dalka 60 casho gudahood , Doorashda
madaxweynha iyo ku xigeenkiisa ka qaban doona.

Hadalkii sir Alan Mickelna, waxa keliya ee uu ku suurtoobi karaa, waa
sidan. Iyada Muddo kordhin Dambe waa caddaamaddan ku dhimatey gacanta
UDUB!! Ninka maanta oo xilkii loo doorty dhammadey ee aan mandateka
sharciga ah isagoon haysan ku deyey inqilaab Golihii ummaddu dooratey
ee ha dhgdhagaagin iyo xabbad kalashakoff rayidka ugu hanjabaya, sidii
mas'uulna aan uba dhaqmeyn, khuruuj nihaayah ayuu ka muteystey Ummadda
. Haddii uu wax buufinayo iyo haddii uu cidda uu isku halleynayo ee
kibirkan aan cagaha ku taagneyn muquurisey badka soo dhigayaba , waa
calacal ay timo ka soo baxeen , maamulkan oo sii jiraa!! Bal eega
sooyaalkiisa, Somaliland jabuuti lagama xukumayo!!

Dalkani cadow badan iyo dawlado dano gaar ah ka leh oo iyana dhufeyska
Siyaasadda ugu jira ayuu leeyhay, Riyaale Ummadda kuma horjoogi karo
been aan dulqaad dambe loo yeelaneyn. Maanta haddii ay ka hoosto oo
laga hoos duso inta ay Mas'uuliyadda arrintanu saarantahay, tan ka
fuullaye, Allow Fiihaa, sow noqonmeyso!! Ha ka dhicin Salaamada, qaar
lagu siibtaa jira'e, waa talo siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe aan u
jeedionayo, Mudane Saleebaan Maxamuud aadan, Guddoomiyaha Golaha
Guurtidana waxaan leeyahay aniga oo daba socda aamusk uu ka aamusey
rrin Golahaas ka socotey oo uu sheegey in uu Danta Dalka uga aamusay,
Mudane Maanta haddaad hadli weydo, weligaaba ha hadlin !! xusuusnowna
, rag hadli waayey iyo Riyo Ciyi waayey, labaduba reerkoodii gabe !!
waa maahmaah Somaliya,

Sanaag-bari wey ka maqantahay gacanta maamulka oo laasqorey waa
xarunta Budhcad badeedda Puntland, Maamulka ka jiraa waa puntland,
Abbaanduulaha guud ee ciidmmada
qaranka Somaliland wuxuu u difaaci waayey Dalkiisa sow xagga bari laba
gura maaha!!
afarta lacagood e kala aabbaha ah ee Dalka ka socda Giimbaar, Brr
Xabashi , faranka jabuuti iyo shilinka Somaliland sow dhaqaale
curyaamin maaha, Shidaalka istaraatejiga ah iyo Dhoofka xoolaha loola
gurguurtey jabuuti sow khatar-gelin jiritaanka qarannimada Somaliland,
la dagaallanka dhaqaalaha dalka iyo Sabooleynta Bulshada maaha? marka
lagu daro maleeshiyadii Riyaale ee dalka Dastuurka iyo shuruucda leh,
qoryaha , gelbiska lixdii xildhibaan oo ku edeb-darroodey Golaha,
xeer-hoosaadka goluhuna gaanaxay ku gelisey Madasha Maamuuska
Diblomaasiyadeed leh ee Xildhibaannada kuna inqilaabey qoriga caaradii
Shirguddoonkii Golahaas ee dastuurig ahaa, haddii uu ka aamuso
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, waa arrin UGUB ah oo uu imika la soo
baxay , laguna aqoon hore!!

Gebogabadii, hunuu-hunuu hadal maaha, wax laga dhgeysan karo labada
Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiyada Mucaaridku dhegooleynta ay ka
dhegooleynayaan , khaladaadka ijraamiga ah ee uu Riyaale Dalka ku
hayo, weli maannu maqal odey dhaqameedyo fagaare
xaqa kagaga addimey xaalad abuurrada uu goor kasta oo ay doorasho
timaaddo uu abuuro ninkan ay isku haybta yihiin!! Mudaneyaal , Dr.
Maxamed Rashiid oo ka mid ahaa labadii nin ee Somaliland ka furey
Xafiiskii ugu horreeyey ee Hanuuninta Dadweynaha oo ahaa soodhkii
tawraddu wax ku toosisaneysey iyo Injineerka aan ixtiraamka u haynno
ee Abdiraxmaan saylici, aad baa loo dhallilsan yahay doorka aad
cayaareysaan, haddii aanay arrintu ahaynba, Ilko-yaxaas hoosta ka
xihiidhsan. Nebigu wuxuu yidhi(SCW): U gergaara walaalkiin, haddii uu
grdran yahay iyo haddii laga gardaran yahayba!! waxay la weydiiyey oo
rasuulkii Alloow, garanney haddii laga gardranyahye, haddii uu isagu
gardan yahay sideen ugu gergaarraa, ka qabta ayuu ugu jawaabey. Imika
Wadaadka Dalka iyo Ummaddaba Dubbaha la dhacaya , haddii aanu cid
qabata lahayn illeyn way muuqataa waxa uu sameynayaaye, berri ninna
xaq uma yeelan doono uu ku soo galo arrintiisa!! Qof ka sarreyn kara
Dastuurkuna ma jiro.


Dr. Cali Cabdi Muxumed.

No comments: